Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 21, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

Dadka iyo xoolaha oo biyo ku filan ka helaya biyo xireen lagu dhisay iskaashi dadweyne

9
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Xasan Cabdalla oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaanka Unuun oo hoostaga degmada Qandala ayaa tilmaamay inuu dhibaato ku qabay helidda biyo ku filan. Xoolaha uu dhaqdo oo ah saddex boqol oo ari ah iyo soddon geel ah ayuu sheegay in bil walba uu u gadi jiray booyad biyo ah oo qiimaheedu yahay $300.

“Markii hore xoolaha waa dhacarin jirnay (daahin jirnay) biyaha oo qaali ah darteed. hadda ariga labo ama saddex berri kaddib waan waraabiyaa. Halka markii hore uu qadi jiray asbuuc. Geelana shan iyo toban berri buu qadi jiray. Hadana lixdii beri marbaan waraabiyaa. Xilligaan doono ayaan ka waraabsan karaa xoolaha biyaha oo ii dhow,” “ayuu yiri.”

Maxamuud ayaa sheegay in biyo la’aan darteed uu labo jeer ka barakacay deegaankan sanadkan iyo kii ka horreeyay. Wuxuu u guuray tuulada Taageer oo leh ceel riig ah, taas oo hoostagta degmada Baargaal ee gobolka Bari, islamarkaana 150 km u jirta deegaanka Unuun.

Guur guuritaankaas waxaa uga baxay $4,500 oo iskugu jirta kirada gaadiid uu reerka iyo xoolaha ku rartay iyo biyo uu iibsaday. Kala bar lacagtaas ayuu sheegay in wali deyn loogu leeyahay.

“Deegaanka aad degan tahay markaa uga hayaanto degaan kale caqabado badan baa kugu imaanaya xagga xoolaha iyo isbedelka iyo wax walba,” ayuu sheegay.

Ninkan oo ah labo xaasle aabbo u ah 12 ubad ah ayaa xusay in biyahan bilaashka ah ay fursad u siinayaan inuu iska bixiyo deynta abaartu gelisay maadaama ay u baaqaneyso lacagtii uu biyaha ku shaban jiray.

“Biyo xireenkan nasiib baan u yeelanay. Aad baan u faa’iidnay. Barwaaqay nooga dhigan tahay. Wax walba biyey ku nool yihiin. Maanta mar haddaan biyo haysano muhiim iyo farxad bay noo tahay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Tuuladan Cawil Shire Kaatun ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo markii la helay biyahan ay deegaanka yimaadeen in ka badan kun qoys oo ka soo guuray tuulooyinka iyo miyiga gobolka Bari.

Xoolo dhaqatadaas waxaa ka mid ah Mahad Saciid Cabdi oo 25 Agoosto ka soo guuray deegaanka Waadi Khayr oo hoostaga degmada Caluula. Masaafo 250 km ah ayuu u soo galay geeddi ku qaatay saddex cesho.

“Meeshaan ka imid jawi adag baa ka jira. Xoolaha gawaari baa daabuleysay. Wax waa soo lugeeyeen waxna gawaaribaa keentay. Anigu xoolo badan ma lahi. Ari labo tiro ah (200) baan leeyay. Jawiga markii hore waa igu adkaa. Laakiin hadda barwaaqo ayaan helay iyo soo dhaweyn,” ayuu yiri Mahad.

Mahad ayaa intaas ku daray in dantu bidday in deyn uu ku qaato biyaha oo qaali ka ahaa deegaanka uu ka soo guuray, markii uu awoodi waayay inuu iibsado. Booyado ayaa biyaha uga soo dhaamin jiray ceel u jira 70km. Dhulkaas oo buuro iyo qarar ah waxay booyadu biyaha soo gaarsiin jirtay labo maalin ka dib.

“Fuustada biyaha $15 baan ka bixin jirnay, deyn bey iigu keeni jirtay. Booyadii waxay ku imaan jirtay $200, bishii laba goor baan shuban jiray, waxaa igu bixi jiray $400. Waa deyn buug gashay, hadda waxaa leygu lee yahay lacag $1,500. Markaliya ma wada bixin karo hadba wixii aan awoodo ayaan bixinayaa, “ayuu yiri Mahad.”

Mahad oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa xusay in labo boqol oo ari ah ay abaar darteed uga dhinteen dhammaadkii sanadkii hore iyo horraantii sanadkan.

Biyo xireenkan oo tog qarkiis laga sameeyay bishii Abriill waxaa lagu dhisay qaab isku tashi ah. waxaa ku baxay lacag gaareysa $60,000, taas oo ay iska kaashadeen qurba joog, dadka deegaanka iyo ganacsato ka soo jeeda gobolka Bari oo deegaankan uu ka tirsan yahay.

Waxaa dhisay urur maxalli ah oo la yiraahdo Midnimo. Saciid Cawil Cismaan oo ururkaas ka tirsan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in biyaha hadda ku jira ay siddeed bilood ku filnaan karaan illaa toban kun qoys.

“Waxaa ku jira biyo ka badan 38 kun oo mitir cubic. Dhererkiisu waa 250 mitir, balacana waa konton mitir,”ayuu Siciid sheegay.

Wuxuu intaas ku daray in roobaabkii hore biyahooda ay dhaafi jireen deegaankan, maadaama aan laga faa’iideysan jirin qulqulka togagga.

Deegaanka waxaa horey uga jirtay biyo yari xoogan. Booyado ayaa uga soo dhaaminayay ceel 50km u jira. fuustada biyaha ah ayaa ka mareysay $10. Balse hadda waxay helayaan biyo lacag la’aan.

Previous Post

Xoolo-dhaqato biyo yari iyo cunno xumo ay ku haysato deegaanno ku yaalla gobolka Mudug

Next Post

Muqdisho: Boqollaal arday oo waxbarashada iskuullada uga haraya dhaqaale xumo ka dhalatay abaarta

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Hundreds of Somali children in Mogadishu have dropped out of school due the inability of their families, who are drought-affected pastoralists and farmers living in rural areas, to pay the school fees.

Muqdisho: Boqollaal arday oo waxbarashada iskuullada uga haraya dhaqaale xumo ka dhalatay abaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo