Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato biyo yari iyo cunno xumo ay ku haysato deegaanno ku yaalla gobolka Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
September 20, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqato biyo yari iyo cunno xumo ay ku haysato deegaanno ku yaalla gobolka Mudug
6
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo xilligii guga u roob raacay inta u dhexeysa degmada Goldogob iyo deegaanka Bursaalax ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wajahaya cunno iyo biyo yaraan dadka iyo xoolaha ah.

Qoyska Deeqo Maxamed Jaamac oo ka kooban 7 qof ayaa hadda ku nool raashin iyo biyo ay ugu deeqeen dadka deegaanka oo dhaqaale gudaha iyo dibadda laga soo aruuriyay ugu gaday biyo iyo raashin ay cunaan.

“Abaartu way na saameysay. Gaadiid ma wadano. Dameeraley baan nahay. Dameer waad ogtahay dhaankeeda iyo qaabkeedu siduu yahay. Awr ma wadano. Xoolihii iib ma leh. Cid kaa gadanaysa ma jirto,” ayay tiri.

Aabbaha qoyskan ayaa ku dhintay 2021 dagaalka ka dhacay deegaanka Bacaadwayne oo u dhexeeyay ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab. Nolosha qoyskan ayaa is beddeshay markii ay waayeen cid u shaqeysa.

Qoyskan oo abaarta ku waayay 160 neef oo ari ah waxay ka soo hayaameen bishii febraayo ee sanadkan deegaanka Bacaadwayne oo dhaca koonfurta gobolka. Waxay halkan la soo dageen 30 neef oo ari ah iyo hal dameer. Hadda waxay ku nool yihiin buul yar oo bac ka samaysan.

Dadka barakaca ku ah deegaanka Harta-Sheekh sida Deeqo uma fududa inay la qabsadaan nolosha ka jirta. Halkan kama helayaan dukaamo ay yaqaanaan oo ay dayn ka sii qaadan karaan.

Hodan Cabdi Faarax oo haysata sagaal carruur ah ayaa sheegtay in ay ku nool yihiin raashin hal waqti ah oo aan ku filnayn. Waxay ku sugan tahay deegaanka Harta-sheekh. Dhowr neef oo ari ah oo ay isku dayday inay iibiso oo ay raashin ku soo beegato ayay wayday wax ka gata. Hadda waxay haysataa 40 neef oo ari ah iyo 11 halaad oo aysan ka helin cad iyo caano midna.

Haweeneydan ayaa sheegtay in bilihii ugu horreeyay ee imaatinkooda ay xoolaha u heleen baad yar oo cagta la mariyay. Hadda dadka iyo xooluhu waxay u baahan yihiin in loo wada gado raashin. Dadka deegaanka ayaa mararka qaar gallay u kariya geela si loo badbaadiyo.

“Aad baa loo baahan yahay. Duunyadu raashin ma haysato. Raashinku waa qaali. Ma gadan karno. Xoolaheenuna, haddaad maanta suuq geyso wax lagaa gadanayo ma leh oo waxaa lagu leeyahay dubaax ma ahan,” ayay tiri.

Markii ugu dambeysay oo ay qoysaskan taageero ka helaan dadka deegaanka waxay ahayd bishii  Agoosto ee 2022, waxaana qoys walba lasiiyay, toban-toban kiilo oo raashin ah oo isugu jiray bur, bariis, iyo sonkor. Waxaa sidoo kale laga caawinayay bacaha biyaha lagu shubto iyo joodariyo.

Qoysaskan ayaa ka kala yimid gobollada Mudug, Nugaal iyo deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Gudgoomiyaha tuulada Daarusalaam Maxamuud Sheekh Cabdi ayaa sheegay in deegaannadan ay ku soo hayaameen qoysas gaaraya kun balse shan boqol oo qoys ay xaaladda ku adkaatay markii daaqii iyo biyihi ay dhammadeen.

Wuxuu sheegay in labadii bil ee u dambaysay ay dhaqaale iska soo aruuriyeen dadka deegaanka ee gudaha iyo kuwa qurbaha loogu gadayay biyaha iyo raashinka ay quutaan. Dadka deegaanka ee ay abaartu saameysay  waxay isku dayaan inay dabka u shidaan qoysaska soo dul dagay.

“Dadka ayaan ku qoray 30, 20, 15 iyo 10 Doollar. Qof kasta wuxuu awoodo ayaan ka qaadnay oo qayb biyaan ugu shubnay, qayb bacaan ugu qaadnay, qayb raashin baan ugu qaadnay. Waa sidaas qaabka aan wax ugu aruurinay maadaama culeys nasoo fuulay, martigalina nalagu leeyahay.” ayuu yiri.

Qoysaskan ayaa intooda badan ku sugan deegaanka Harta-sheekh oo qiyaastii 36 km dhinaca galbeed uga beegan degmada Golgodob.

Previous Post

Doolow: Cayayaan iyo biyo yari beeraleyda ku qasbaya inay joojiyaan tacabkii ay ku tiirsaneyd noloshooda

Next Post

Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo