(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo xilligii guga u roob raacay inta u dhexeysa degmada Goldogob iyo deegaanka Bursaalax ee galbeedka gobolka Mudug ayaa wajahaya cunno iyo biyo yaraan dadka iyo xoolaha ah.
Qoyska Deeqo Maxamed Jaamac oo ka kooban 7 qof ayaa hadda ku nool raashin iyo biyo ay ugu deeqeen dadka deegaanka oo dhaqaale gudaha iyo dibadda laga soo aruuriyay ugu gaday biyo iyo raashin ay cunaan.
“Abaartu way na saameysay. Gaadiid ma wadano. Dameeraley baan nahay. Dameer waad ogtahay dhaankeeda iyo qaabkeedu siduu yahay. Awr ma wadano. Xoolihii iib ma leh. Cid kaa gadanaysa ma jirto,” ayay tiri.
Aabbaha qoyskan ayaa ku dhintay 2021 dagaalka ka dhacay deegaanka Bacaadwayne oo u dhexeeyay ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab. Nolosha qoyskan ayaa is beddeshay markii ay waayeen cid u shaqeysa.
Qoyskan oo abaarta ku waayay 160 neef oo ari ah waxay ka soo hayaameen bishii febraayo ee sanadkan deegaanka Bacaadwayne oo dhaca koonfurta gobolka. Waxay halkan la soo dageen 30 neef oo ari ah iyo hal dameer. Hadda waxay ku nool yihiin buul yar oo bac ka samaysan.
Dadka barakaca ku ah deegaanka Harta-Sheekh sida Deeqo uma fududa inay la qabsadaan nolosha ka jirta. Halkan kama helayaan dukaamo ay yaqaanaan oo ay dayn ka sii qaadan karaan.
Hodan Cabdi Faarax oo haysata sagaal carruur ah ayaa sheegtay in ay ku nool yihiin raashin hal waqti ah oo aan ku filnayn. Waxay ku sugan tahay deegaanka Harta-sheekh. Dhowr neef oo ari ah oo ay isku dayday inay iibiso oo ay raashin ku soo beegato ayay wayday wax ka gata. Hadda waxay haysataa 40 neef oo ari ah iyo 11 halaad oo aysan ka helin cad iyo caano midna.
Haweeneydan ayaa sheegtay in bilihii ugu horreeyay ee imaatinkooda ay xoolaha u heleen baad yar oo cagta la mariyay. Hadda dadka iyo xooluhu waxay u baahan yihiin in loo wada gado raashin. Dadka deegaanka ayaa mararka qaar gallay u kariya geela si loo badbaadiyo.
“Aad baa loo baahan yahay. Duunyadu raashin ma haysato. Raashinku waa qaali. Ma gadan karno. Xoolaheenuna, haddaad maanta suuq geyso wax lagaa gadanayo ma leh oo waxaa lagu leeyahay dubaax ma ahan,” ayay tiri.
Markii ugu dambeysay oo ay qoysaskan taageero ka helaan dadka deegaanka waxay ahayd bishii Agoosto ee 2022, waxaana qoys walba lasiiyay, toban-toban kiilo oo raashin ah oo isugu jiray bur, bariis, iyo sonkor. Waxaa sidoo kale laga caawinayay bacaha biyaha lagu shubto iyo joodariyo.
Qoysaskan ayaa ka kala yimid gobollada Mudug, Nugaal iyo deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Gudgoomiyaha tuulada Daarusalaam Maxamuud Sheekh Cabdi ayaa sheegay in deegaannadan ay ku soo hayaameen qoysas gaaraya kun balse shan boqol oo qoys ay xaaladda ku adkaatay markii daaqii iyo biyihi ay dhammadeen.
Wuxuu sheegay in labadii bil ee u dambaysay ay dhaqaale iska soo aruuriyeen dadka deegaanka ee gudaha iyo kuwa qurbaha loogu gadayay biyaha iyo raashinka ay quutaan. Dadka deegaanka ee ay abaartu saameysay waxay isku dayaan inay dabka u shidaan qoysaska soo dul dagay.
“Dadka ayaan ku qoray 30, 20, 15 iyo 10 Doollar. Qof kasta wuxuu awoodo ayaan ka qaadnay oo qayb biyaan ugu shubnay, qayb bacaan ugu qaadnay, qayb raashin baan ugu qaadnay. Waa sidaas qaabka aan wax ugu aruurinay maadaama culeys nasoo fuulay, martigalina nalagu leeyahay.” ayuu yiri.
Qoysaskan ayaa intooda badan ku sugan deegaanka Harta-sheekh oo qiyaastii 36 km dhinaca galbeed uga beegan degmada Golgodob.










