Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Somaliland: Carruurta qoysas reer guuraa ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
September 18, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: Carruurta qoysas reer guuraa ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

Carruur gelinka hore xoolaha raaca, gelinka dambana iskuul dhiganaya/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kummanaan carruur ah oo waxbarashada ka jirta deegaanadooda wakhti horey ugu waayay ayaa sanadkii saddexaad ka faa’iideysanaya waxbarasho lacag la’aan ah. Maxamed Xirsi Jaamac wiil iyo gabadh uu dhalay oo 10 iyo 11 jir ah ayaa ka mid ah carruurtaas.

Fursada ay heleen carruurta Maxamed ayaa timid markii iskuulka tuuladiisa Lafta-farawayne oo Hargeysa Koonfur galbeed kaga beegan ilaa 60km lagu kordhiyay waxbarashada galinka dambe si ay fursad ugu helaan carruurta galinka hore xoolaha qoysaskooda u raaco.

Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in carruurtiisa ay ku wargeliyeen in iskuulka deegaanka lagu soo kordhiyay waxbarashada gelinka dambe ee maalinkii, kana codsadeen inay duhurkii dhigtaan, subixii na ay xoolaha raacaan. Aabbahan ayaa ka aqbalay fikradda ay caruurtiisa u soo jeediyeen si ay noloshoodu dambe ugu aayaan.

“Jaanis ay wax kaga bartaan ayaa la siiyay. Caruurtii aan wakhtiga haysan ee xaafadda joogtay ayaa wax baratay. Wax bay barteen caruurtii kuwa aan maalintaasi t iyo b toona garanayn ayaa maanta waalidkooda wax kasta u akhriyaya una qoraya,” ayuu yiri.

Ardayda dhigata iskuulka ayaa hela quudin lacag la’aan ah. Waxaa sidoo kale laga taageerayaa, buugaagta, dharka iyo iskuulka. Maxamed carruurtiisa oo imika dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga ayuu sheegay inay jeclaadeen waxbarashadii oo aanay rabin inay xoolaha eegaan.

Dhaqanka miyiga ah ee ah in caruurta ay qeyb ka noqdaan howl maalmeedka guriga sida in xoolaha la raaco, biyaha la soo dhaamiyo, beeraha la qodo ama cuntada la kariyo ayuu sheegay inay qoyskiisa la haysteen sababtaasina ay uga gaabiyeen inay markii hore waxbarashada geeyaan carruurtooda.

Maxamed ayaa xusay in lacagta waxbarashada oo uusan awoodin ay sidoo kale qeyb ka ahayd sababta uu iskuul u geyn waayay. Wacyi galin laga sameeyay deegaanka oo la xidhiidha muhiimada waxbarashada ayuu sheegay inay keentay inay ku baraarugaan waalidiinta deegaankiisu in ilmaha loo diro dugsiyada oo xilli kasta hadda furan.

“Wax wayn ayay ka tartay baahidii deegaanka taalay ee waxbarasho la’aanta. Dad aan waxba aqoonin ayaa waxbartay. Kuwii yaryaraa ee xaafadaha iska joogay ayaa ku dhiiraday inay dugsigii tagaan oo waxbarasho doontaan,” ayuu yiri.

In ka badan labaatan kun iyo shan boqol oo carruur ah oo ka soo jeeda qoysaska xoolo-dhaqatada ee ku nool Somaliland ayaa ka faa’iIdeysanaya 64 iskuul oo waxbarashadan lacag la’aanta ka wada baadiyaha lix gobol Somaliland ah.

Carruurta oo gaaray da’da waxbarashada waxaa caqabad ku ahayd helidda goobo waxbarasho oo furan galinka dambe oo ay firaaqo ka ahaayeen xoolo dhaqashada marka ay galinka hore u shaqeeyaan qoysaskooda.

Mashruuca waxbarashada lacag la’aanta ah waxaa fulinaysa hay’adda Havayoco oo ka shaqeeysa horumarinta dhallinyarada iyo arrimaha bini’aadanimada geeska Afrika.

Maxamed Aadan Muuse oo ah madaxa qeybta fidinta waxbarashada ee hay’adda ayaa tilmaamay in tiro arday ah ay iskuulada ku soo biireen, markii ay quudinta iyo waxbarashada bilaashka ah billaabeen.

“Caruurtii waxay u noqotay yididiilo, waxaa kale oo loo qaybiyay qalab buugaag iyo shandado ay ku qaataan. Dhiiri galintaasi la siiyay waxaa ay keentay inay ardaydii dugsiyadii sii joogaan niyadna u hayaan waxbarashadii,” ayuu yiri.

Adeegga waxbarashada ee labada galinba ay helayaan carruurta ku nool deegaanada baadiyaha ah ayuu sheegay Maxamed inay kor u qaaday tirada carruurta goobaha waxbarashada tagaya.

Ibraahim Guuleed Cali wuxuu carruurtiisa oo shan ah ka reebay waxbarashada bishii June ee 2018 markii uu awoodi wayay lacagtooda waxbarashada oo $40 ahayd bishii. Muddo ay guri joog ahayeen kaddib wuxuu dib ugu celiyay waxbarashadooda. Koox dhallinyaro ah oo ka socota hay’adda ayuu tilmaamay inay ku war geliyeen in waxbarasho lacag la’aan ah laga billaabay iskuulka degmada Daarasalaam. Waxay u dhigtaan u dhigtan fasalada labaad iyo saddexaad.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in aanu wax shaqo haynin, taasina ay keentay in aanu xoogga saarin in ay waxbarashada u tagaan carruurtiisa. Wuxuu tilmaamay in raashinka ay ku noolyihiin uu ka caawiyo walaalkiis oo tukaan ku leh magaalada Hargeysa.

“Ciyaalkii imika iyagaa wax walba ii garanaya. Marna ismaan lahayn waxbarashada ayaa qiimahan leh oo aniga ayaan waxba baran, ilmo kasta waxaa uu ku mashquulsanyahay casharadii loo soo dhigay. Marna ismaan odhan sidan ayay waxbarashadu qofku u bedeshaa,” ayuu yiri.

Ibraahim ayaa xusay in isbeddelka waxbarashada ay ku soo kordhisay carruurtiisa ay ku abuurto inuu xoogga saaro kuna dhiiri geliyo inay ku dadalaan waxbarashadooda. Wuxuu intaas raaciyay inuu ku daba joogi doono carruurtiisa inta ay ka dhameysanayaan waxbarashada dugsi dhexe.

“Maanta wax kasta waa laga saaciday oo anigii waxba iigama baahna. Anigaa u raaca dugsiga oo geeya, macalimiintii ayaan ka xaal wareeystaa, siday wax u baranayaan, iyagii way ku faraxsanyihiin oo maalin kama habsaamayaan,” ayuu yiri.

Ibraahim waxaa uu rajo ka qabaa inay mustaqbalka carruurtiisa ku anfacdo cilmiga ay baranayaan.

Mashruucan waxbarashada oo la yiraahdo “carruurtu waxbarashada ma sugi karto” ayaa laga fulinayaa dhammaan gobollada Somaliland. Mashruuca ayaa wajigiisa kowaad ku eg bisha tobanaad ee sanadkan. Dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinayso hay’adda carruurta adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF.

Previous Post

Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

Next Post

Darawallo shaqada u joojiyay qiimo kororka shidaalka oo ka faa’iideysanaya adeeg ay kaga maarmeen isticmaalka badan ee shidaalka

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Unemployed youth tuk-tuk and taxi drivers in Hiran region’s Beletweyne town go back to work using a fuel additive to gain extra mileage from petrol, allowing them to support their families.

Darawallo shaqada u joojiyay qiimo kororka shidaalka oo ka faa’iideysanaya adeeg ay kaga maarmeen isticmaalka badan ee shidaalka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo