(ERGO) – Cabdiraxmaan Muumin Garaad oo afartii bilood ee la soo dhaafay mootadiisa isaga dhigay qiimo koror ku yimid shidaalka ayaa dib ugu hawl billaabay bajaajtiisa 10 Agoosto markii magaalada beledweyne la geenay adeeg kabe basiin ah.
Adeeggan oo yareynaya isticmaalka Shidaalka ayaa gaadiidleyda uu ka midka yahay Cabdiraxmaan rajo dib ugu beeray. Wuxuu sheegay inuu maalinle hadda bajaajta $22. $15 kamid ah lacagtaas wuxuu ku bixiyaa kiro iyo shidaal inta kalena nolosha qoyskiisa ayuu ku maareeya.
“Aniga oo baago-muuddo ah oo xaaladdeyda ay aad u adag tahay ayaa waxaa suuqa yimid sheey aad Shidaalkii badnaa oo aad isticmaali jirtay uga maarmeeyso. Waxaa imaaday Kabe Basiin oo haddii basiinka lagu shubo aad ka maarmeeyso in basiinka maalin walba gaariga ku shubtid. Hadane waan ku shaqeeystaa Alxamdullaahi,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan oo ah aabbaha 9 carruur ah ayaa ku faraxsan inuu suuqa shaqada ku soo laabto. Sababta ugu weyn ee bajaajta uu ugu shaqeysan waayay ayuu ku sheegay in faa’iidada uu ka heli jiray ay u qeyb-sami wayday nolosha, kirada iyo shidaalka.
Maareynta nolosha qoyskiisa ayaa ku adkaatay. Wuxuu ka fursan waayay inuu u weecdo shaqada dhismaha guryaha oo aan joogto looga helin Beledweyne isla markaana uusan u laheyn aqoon hore.
Maalmaha uu helo wuxuu kala hoyan jiray lacag u dhaxeysa $7 ilaa $8. Wuxuu xusay in lacagtaas ay ku filnaan wayday qoyska. Waxaa lagu yeeshay deyn gaareysa $357 oo ku qaaday raashin iyo shidaalka. Balse noloshooda waxaa wax ka beddelay Kabe Basiin oo ah dareere lagu daro shidaalka oo dhima xaddiga uu isticmaalayo matoorka.
“Shidaalkii aan hal maalin ku socon jiray labo maalin ayaan ku socdaa. Waxaa is badalay basiinka. Aniga meeshii aan ka cuni jiray 5 liitar hadda waxaan cunaa labo liitar iyo bar. Waxaan ku darsadaa markaas 10ml oo kabe basin kadib mudo labo maalin ayaan kusii shaqeeystaa,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan waxaa u suura galay inuu shan ka mid ah carruurtiisa geeyo iskuul hoose dhexe oo ku yaalla magaalada, wuxuu bille uga bixinayaa doonaa $50.
Gaadiidleyda kale ee qiimo kororka shidaalka uu sameeyey waxaa kamid ah Garaad Warsame Xaashi oo ku shaqaysta gaari taksi ah. Adeeggan ka hor wuxuu sheegay inuu qarka u saarnaa inuu shaqada joojiyo maadaama sida uu xaqiijiyay lacagta lagu qaado hal qof iyo litarka shidaalka ah ay isku qiimo noqdeen.
Garaad Warsame ayaa dadaal ugu jira ka soo kabashada dhibaatadii qiimo kororka shidaalka.
“Si weyn ayuu ii sameeyey. Dadkii aan qaadi jiray oo macmiilka ii ahaa lacagtiina kor looma dhigi karo Shidaalkiina waa qaali. Dadkii marka wixii hore ee aad ku qaadi jirtay haddii aad ku
qaadid shidaal bas ayey noqonayaan, lakiin hadda waa ii kala go’aa safar haddii aan gaariga ku aado 40km ah lacagta aan ka qaado dadka Shidaal lee ku bixin jiray oo gaariga oo eber ah ayaan keeni jiray dhib weyn ayaa iga haystay lakiin isbadal yar ayaa hadda dhacay,” ayuu yiri.
Ninkan oo 15 maalin isticmaalaya Kabe Basiin ayaa xusay inuu meel ka dhigtay lacag boqol doollar ah oo uu qorsheynayo inuu isaga bixiyo daymo lagu leeyahay. Shan kamid ah carruurtiisa ayuu bishii $40 uga bixiyaa waxbarasho iskuul hoose ah.
Litarka basiinka ah ayaa horey magaalada uga ahaa lixdan sinti balse hadda wuxuu gaaray hal doollar iyo bar arintaasina waxay saameyn weyn ku yeelatay dhamaan wadayaasha gaadiidka.
Maamulaha Xarunta Kabe Basiin Energy ee Magaalada Baladweyne Eng. Nuur Fiidow xiddigow ayaa sheegay in iyagoo ka jawaabaya dhibaatada haysata boqollaalka dhallinyarada ah ee ku shaqeysta gaadiidka inay baarid kaddib keeneen adeeggan oo labo bil yaalla Soomaaliya.
“Basiinka markii lagu shubo 10 Litar ama bajaajta ku shubto. Hal xabo oo $2 joogta kabo basiin ayaa ku dareeysaa oo 10ml ah. Marka waxaa isticmaali in la eg 20 litar. Saas ayay dadkii faa’iido ugu jirtaa. Maadaama basiin 10 litar u dhigmo uu $ 2kali ah kala baxay. Kabe basiin waxaan rajeynaa in dadka danta yar uu aad u anfaci doono,” ayuu yiri.
Eng Nuur ayaa intaas ku daray adeeggan Soomaaliya soo gaaray labo bil ka hor. wuxuu aaminsan yahay inuu ka qeyb qaadan doono samata-baxa gaadiidleyda la daalaacaya maareynta qoysaskooda xilli ay wajahayaan qiimo koror daran oo dhanka shidaalka ah. wuxuu ka hadlayaa waxa ku dhaliyay keenidda adeegan.
“Waxaan aad ugu rajo qabnaa in dadka ay ku farxi doonaan. Waa markii ugu horreysay oo Hiiraan la keenay. Soomaali dhan ayuu labo bil yaallaa Galmudug iyo G/galbeedna waa loo qaaday. Litarkii shidaalka ah 1.5$ ayuu maraa marka ninkii bajaajlahii ah hadii 10$ kabadan shidaal ku bixiyo 10$ oo kalena ninkii bajaajta lahaa siiyo wey ku adkaatay in uu masaarif kasoo saarto. Marka fikirkaas ayaa nagu dhaliyey Alxamdullaahi waana lagu guuleeeystay.
Bilihii ugu danbeeyey wadayaasha gaadiidleeyda magaalada Beledweyne ayaa dhibaato badan ku qabay qiimo kororka labo jibbaarmay ee shidaalka kaasi oo sababay in qaar badan ay suuqa ka baxaan markii ay nolol kasoo saari waayeen gaadiidka ay ku shaqeysanayeen.