Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

Radio Ergo by Radio Ergo
September 18, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

Qoysas abaarta ku xoolo beeley oo duleedka Banderbeyla ku soo qulqulaya/Maxamuud Nadiif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas lagu qiyaasay 1,600 oo ku ceyroobay abaarta ayaa ku xarooday degmada Bandarbeyla ee gobolka Bari labaddii bil ee la soo dhaafay.

Qoysaskan oo ka soo barakacay miyiga deegaannada Laaso-xoolaad, Sarmaan, Maygaag, Caleemooley iyo Bixin ayaa soo maciin-biday meel ay naftooda ku badbaadin karaan. Waxay ka soo cararayaan cunno yari iyo biyo la’aan ka dhashay abaarta saameysay.

Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Faadumo Yuusuf Axmed oo sagaal qof ah. Waxay ka soo tageen miyiga tuulada Caleenmooley oo Bandarbeyla u jirta 116 km, halkaas oo uusan roob ku hoorin saddexdii xilli roobaad ee u dambeeyay.

Faadumo oo 58 jir ah, waxay sheegtay in ay duruuftu ku qasabtay barakaca, kolkii daaq la’aanta iyo biyo yarida ay uga dhinteen 102 neef oo ari ah tan iyo bishii Maarso.

Waxaa ku adkaaday nolol-maalmeedka carruurteeda oo kaligeed ay koriso, maaddama ay meesha ka baxeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen. 15 bishii hore ee Agoosto ayaa soo degeen halkan.

“Haddii aan soo galnay(Bandarbeyla). Hoy kumaanaan lahayn. Waxaannu dhisannay baco. Reero ayaa waxay nasiiyeen hal xasiig(bacda roobka), xoogaa maacuun ah iyo kiilooyin bariis iyo sonkor ah. Dabkaan iskaga shidanaa. Cashada uun baan iskugu nimaanaa oo mar la waayo, marna la helo,” ayay tiri Faadumo.

Dadka cunnada ka caawiya qoyskeeda ayay sheegtay in ay ehello yihiin. Faadumo oo aan la hayn xirfad ay kaga shaqaysan karto magaalada, waxay ka walaacsan tahay nolosha carruurteeda oo 16 jir uu u wayn yahay.

Shaqooyinka xoogsiga ah ee laga helo Bandarbeyla waxaa u badan xirfadda looga kalluumeysto badda oo kaabiga ku haysa magaalada.

Ka hor inta aysan tagin Bandarbeyla waxay Faadumo la soo lugeysay carruurteeda iyadoo ay wehliyeen shan qoys oo ka soo raacay deegaankeeda. Waxay sheegtay in ay ku soo safreen dhul oomane ah oo kulayl daran uu ka jiro.

“Saddex habeen ayaan soo socodnay. Dad nagama dhiman laakiin rafaad, silic, haraad iyo gaajo ayaan jidka ku soo marnay. Waan soo lugaynay. Baabuur ma leh. Dhulku waa abaar. Baad iyo biyo ma leH,” ayay tiri.

Qoyskeeda waxaa ku adag helidda biyaha. Ceel-biyoodka laga helo ee ugu dhow ayaa u jira 13 km, halkaas oo dadka awooda ay gaadiid kaga soo qaataan. Laakiin Faadumo iyo dadka la mid ka ah dhabarka ayay ku arooraan.

Waxay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay ku qaadato maalin walba muddo ka badan 6 saac inay biyaha kaga soo arooraan ceelka, taasi oo dhibaato hor leh ku noqotay.

Bandarbayla iyo deegaannada hoos yimaada waxaa dadku ku tiirsan yihiin ilo biyoodyo dabiici ah oo biyo yareeyay.

Waxaa jira qoysas la soo hayaamay xoolo abaarta uga badbaaday oo ula soo dhowaaday ceelka riigga ah oo biyihiisu ay bilaash yihiin. Waxaa ka mid ah Maxamuud Khaliif Macallin oo 70 jir ah iyo qoyskiisa oo 16 qof ah.

Bil ka hor ayay degeen halkaas, markii abaartu ay ka dishay 380 ari ah, 12 geel ah iyo 5 dameer oo uu raran jiray. Xoolahan ayaa ka la’day 4 bil gudahood. Wuxuu ka soo barakacay deegaanka Laaso-xoolaad.

“Halkan waxaa laga la soo doonay ceelal biyo leh. Dadka naftiisa ayaan badbaadinaynay si ay biyo u helaan, baad Ilaah baa laga helaay. Xaaladdan sow hanti iyo hubanti la’aan maahan. Haraadka iyo gaajada haraadkaa daran,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in 12-saacba uu hal waqti qoyskiisa u helo waxay cunaan. Wuxuu ku tiirsan yahay raashin uu ka daynto bakhaarrada ku yaalla Bandarbeyla, isla markaasna uu beeqaamiyo. Ma hayo qorshe uu kaga dabaasho xaaladdan. Wuxuu goconayaa noloshiisii abaarta ka hor.

“Sabarka Rabbi waxaan ahayn oo noo qorshaysan ma jiro. Annagu waan is-dhiibnay. Afar bil ayaa xaaladahaas adag ku jirnay. Ha ahaatee Soomaalidu waxay tiraahdaa; riximka Soomaaliyeed ma sheelna. Reer Puntland way iska war-hayaan. Hagar waxaan ahayn oo aan ka tirsanayno ma jirto,” ayuu yiri.

Guddi u dhaqdhaqaaqa u qaaraamidda dadka abaartu hayso oo bartamihii bishii hore kormeer ku tagay lix deegaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhibaatooyinka cayrta u wehliya ay yihiin waddo xumo gadiidka waawayn ka hor istaagtay in ay dadka soo daabulaan iyo is-gaarsiin la’aan caqabad ku noqotay in xogtooda la ogaado.

Caynaanshe Axmed Xirsi oo ah xubin ka mid ah guddigan oo maamulka dagmada Bandarbeyla uu magaacabay 4 bil ka hor ayaa xusay in ay u gudbiyeen Puntland macluumaadkii ay ka soo aruuriyeen caqabadaha ay wajahayaan reer guuraaga cayroobay. Wuxuu ka dayriyay xaaladda ay ku jiraan qoysaska awooddi waayay in ay soo barakacaan.

“Dhulkan waa dhul buuraley ah. Waa dhul laamigu uu u jiro 250 km, meelaha qaybtoodna ilaa 300-km. Waxaa adkaatay inay gaaraan meelaha biyuhu ka dhow yihiin iyo meel ay cunno ka heli karaan. Wax gurmad ah oo la taaban karo oo soo gaaray ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay soo daad gureeyeen in ka badan 500 qoys oo xooluhu dhaafeen, kuwaas

oo hadda jooga deegaanno ay ka mid tahay Bandarbeyla.

Previous Post

Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

Next Post

Somaliland: Carruurta qoysas reer guuraa ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Somaliland: Carruurta qoysas reer guuraa ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

Somaliland: Carruurta qoysas reer guuraa ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo