(ERGO) – Cabdiraxmaan Maxamed Idiris wuxuu ka mid yahay labaatan dhallinyaro ah naafo ah oo xirfado la baray ku helay shaqooyin ka caawiyay inay awood u yeeshaan maareynta nolosha qoysaskooda.
25 jirkan oo bartay Computer-ka qeybtiisa Software-ka ayaa mushaar $300 ah bishii ka qaata Somali research oo ah hay’ad maxalli ah oo uruurisa xogta dadka barakaca ah ee ku nool xeryaha Muqdisho.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay shaqadan u tahay middii ugu horreysay noloshiisa. Wuxuu intaas ku daray inay ka caawisay inuu ku filnaado masuuliyadda iyo baahiyaha nololeed ee qoyskiisa.
“Mar walba oo aad shaqeyso waxaad ka faa’ideysaa khibrad. Inaad dadkii la shaqeyso oo lagu barto taas ayaa muhiimad kale leh. Qof waalidkiis la nool baan ahaa, Xamarna guri kuma lihin oo kireysataan nahay. Hadda kiradii, korantadii iyo wax kasta ayaan ku daboolaa dhaqaalaha,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan waa curad afar walaalihii ah. Wuxuu ku indho qaaday nolol adag. Hooyadiis ayaa nolosha qoyska ka maareyn jirtay miis yar oo ay khudaar ku gaddo. Wuxuu tilmaamay inuu jeclaa inuu garab istaago reerka balse naafonimadu ay caqabad ku noqotay. Labo dhacdo oo kala duwan ayaa sabab u ahaa inuu waayo lixaadkiisa.
“Xilli hore ayaa lugta leyga jaray. Anoo yar ayaa jab isoo gaaray. Lugtaan kale Xamar anigoo jooga bishii siddexaad 2019-kii oo masaajid ku jira ayaa gaari xamuul ah oo fariinka soo goostay masaajidka ku soo dhacay. Meeshii aan anigu fadhiyey ayuu ku soo aaday oo masaajidkii ayaa nagu soo dumay. halkii lug ee aan ku socanayay ayaa iga jabtay. Waad dareemi kartaa qof hal lug lahaa oo wax ka soo gareen waa murugo,” ayuu yiri.
Qoyska Cabdiraxmaan ayaa sanadkii 2017-kii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo dugsi sare ka dhiganayay. Sanadkii 2010-kii ayay colaad uga barakaceen deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa ka bixisay lacagta ay ku soo laabteen, taas oo qoysaska go’aansada iney dalkooda ku noqdaan ka bixineysay qarashka safarka.
Dhalinyarada la baray xirfadaha ayaa naafo ka ah maqalka, aragga, lugaha iyo gacmaha. waxaa ku adkaaday inay helaan fursad shaqo iyo mid waxbarasho, balse hadda waxey noloshooda ku maareeyaan dakhli ka soo gala shaqooyinka loo abuuray.
Waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Cabdulaahi Maxamed oo saddex bilood baranayay furfurista iyo sameynta taleefannada gacanta, haddana uga shaqeysta goob ku taalla suuqa Bakaaraha.
“Maalintii aan shaqada billaabayay waxaa la dhahayay sidee u qabanayaa. Mobilka markii la furfurayo waxaa ku jira waxyaabo yaryar oo biro ah. Markii qof ku yiraahdo waxaan ma qaban kartid, qof kale uu ku dhaho waad qaban kartaa mararka qaar shaki ayaa ku galaya. Laakiin waxaan isku dhiiri galin jiray haddii xataa aad qaban weydo qibrad ka kororso. Waxaa imaan doonta maalin aad qaban karto,”ayuu yiri.
Shaqadiisa cusub waxaa bishii ka soo gala $200 illaa $300, balse ka hor wuxuu ahaa qof ku nool guriga adeerkiis oo Muqdisho deggan.
Cabdirisaaq oo 24 jir ah ayaa magaalada u yimid inuu u shaqeeyo qoyskiisa oo xoolo ku dhaqda miyiga gobolka Galgaduud. Hase-yeeshee, labo sano ayuu ku jiray shaqo raadin natiijo la’aan ku dhamaanayay. Wuxuu Ergo u sheegay in shaqadiisa uu ka maareeyo noloshiisa iyo tan qoyskooda oo bil walba uu u diro $100 illaa $150.
“Lacagtaas waxay iiga soo baxday meel fiican garab buuxa bay ii noqotay. Wax walba oo aan ubaahdo kama fikiro. Haddaan maanta wax waayo waxaan ku fikirayaa inaan berri shaqeyn karo. Dhaqaalaha iga soo gala waxyaabo badan ayaan ku qabsadaa. Waxay fursad ii siisay inaan dooq yeesho oo wixii aan rabo aan gooni u raadsan karo anigoo waalidkey aan ku dhibin,”ayuu yiri.
Labadiisa gacmood, gaar ahaan faraha badankkd iyo calaacasha ayuu ku waayay dab uu ku gubtay isagoo halsano ka yar, xilli uu joogay deegaanka Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud.
Dhalinyarada ayaa tababarka ka soo codsaday baraha bulshada oo uu machadku ku baahiyay. Waana markii ugu horreysay ee fursad waxbarasho la siiyo dhallinyaro lixaadkoodu uusan buuxin.
Sacdiyo Siyaad oo ah aasaasaha iyo maamulaha machadkan ayaa sheegtay in ujeedadoodu ay tahay kor u qaadidda nolosha dadka naafada ah oo ka fursado yar dadka kale.
“Waddanka culeysyo iyo dhibaatooyin ayaa ka jira, haddaad qof wax siineyso waxa ugu wanaagsan waa waxbarasho iyo shaqo abuur.” ayey tiri.
Taniyo markii la aasaasay Machadka Hano 2015 waxaa lagu tababaray lix kun oo da’yar ah oo loo diyaariyay inay yeeshaan xirfado ay kaga badbaadaan shaqo yarida ay wajahaan da’yarta Soomaaliyeed.










