Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

Radio Ergo by Radio Ergo
September 14, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

Cabdiraxmaan Maxamed Idiris 25 jir naafo ka ah labada lugood oo hor fadhiya guriisa/Naciimo Siciid Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiraxmaan Maxamed Idiris wuxuu ka mid yahay labaatan dhallinyaro ah naafo ah oo xirfado la baray ku helay shaqooyin ka caawiyay inay awood u yeeshaan maareynta nolosha qoysaskooda.

25 jirkan oo bartay Computer-ka qeybtiisa Software-ka ayaa mushaar $300 ah bishii ka qaata Somali research oo ah hay’ad maxalli ah oo uruurisa xogta dadka barakaca ah ee ku nool xeryaha Muqdisho.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay shaqadan u tahay middii ugu horreysay noloshiisa. Wuxuu intaas ku daray inay ka caawisay inuu ku filnaado masuuliyadda iyo baahiyaha nololeed ee qoyskiisa.

“Mar walba oo aad shaqeyso waxaad ka faa’ideysaa khibrad. Inaad dadkii la shaqeyso oo lagu barto taas ayaa muhiimad kale leh. Qof waalidkiis la nool baan ahaa, Xamarna guri kuma lihin oo kireysataan nahay. Hadda kiradii, korantadii iyo wax kasta ayaan ku daboolaa dhaqaalaha,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan waa curad afar walaalihii ah. Wuxuu ku indho qaaday nolol adag. Hooyadiis ayaa nolosha qoyska ka maareyn jirtay miis yar oo ay khudaar ku gaddo. Wuxuu tilmaamay inuu jeclaa inuu garab istaago reerka balse naafonimadu ay caqabad ku noqotay. Labo dhacdo oo kala duwan ayaa sabab u ahaa inuu waayo lixaadkiisa.

“Xilli hore ayaa lugta leyga jaray. Anoo yar ayaa jab isoo gaaray. Lugtaan kale Xamar anigoo jooga bishii siddexaad 2019-kii oo masaajid ku jira ayaa gaari xamuul ah oo fariinka soo goostay masaajidka ku soo dhacay. Meeshii aan anigu fadhiyey ayuu ku soo aaday oo masaajidkii ayaa nagu soo dumay. halkii lug ee aan ku socanayay ayaa iga jabtay. Waad dareemi kartaa qof hal lug lahaa oo wax ka soo gareen waa murugo,” ayuu yiri.

Qoyska Cabdiraxmaan ayaa sanadkii 2017-kii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo dugsi sare ka dhiganayay. Sanadkii 2010-kii ayay colaad uga barakaceen deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa ka bixisay lacagta ay ku soo laabteen, taas oo qoysaska go’aansada iney dalkooda ku noqdaan ka bixineysay qarashka safarka.

Dhalinyarada la baray xirfadaha ayaa naafo ka ah maqalka, aragga, lugaha iyo gacmaha. waxaa ku adkaaday inay helaan fursad shaqo iyo mid waxbarasho, balse hadda waxey noloshooda ku maareeyaan dakhli ka soo gala shaqooyinka loo abuuray.

Waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Cabdulaahi Maxamed oo saddex bilood baranayay furfurista iyo sameynta taleefannada gacanta, haddana uga shaqeysta goob ku taalla suuqa Bakaaraha.

“Maalintii aan shaqada billaabayay waxaa la dhahayay sidee u qabanayaa. Mobilka markii la furfurayo waxaa ku jira waxyaabo yaryar oo biro ah. Markii qof ku yiraahdo waxaan ma qaban kartid, qof kale uu ku dhaho waad qaban kartaa mararka qaar shaki ayaa ku galaya. Laakiin waxaan isku dhiiri galin jiray haddii xataa aad qaban weydo qibrad ka kororso. Waxaa imaan doonta maalin aad qaban karto,”ayuu yiri.

Shaqadiisa cusub waxaa bishii ka soo gala $200 illaa $300, balse ka hor wuxuu ahaa qof ku nool guriga adeerkiis oo Muqdisho deggan.

Cabdirisaaq oo 24 jir ah ayaa magaalada u yimid inuu u shaqeeyo qoyskiisa oo xoolo ku dhaqda miyiga gobolka Galgaduud. Hase-yeeshee, labo sano ayuu ku jiray shaqo raadin natiijo la’aan ku dhamaanayay. Wuxuu Ergo u sheegay in shaqadiisa uu ka maareeyo noloshiisa iyo tan qoyskooda oo bil walba uu u diro $100 illaa $150.

“Lacagtaas waxay iiga soo baxday meel fiican garab buuxa bay ii noqotay. Wax walba oo aan ubaahdo kama fikiro. Haddaan maanta wax waayo waxaan ku fikirayaa inaan berri shaqeyn karo. Dhaqaalaha iga soo gala waxyaabo badan ayaan ku qabsadaa. Waxay fursad ii siisay inaan dooq yeesho oo wixii aan rabo aan gooni u raadsan karo anigoo waalidkey aan ku dhibin,”ayuu yiri.

Labadiisa gacmood, gaar ahaan faraha badankkd iyo calaacasha ayuu ku waayay dab uu ku gubtay isagoo halsano ka yar, xilli uu joogay deegaanka Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud.

Dhalinyarada ayaa tababarka ka soo codsaday baraha bulshada oo uu machadku ku baahiyay. Waana markii ugu horreysay ee fursad waxbarasho la siiyo dhallinyaro lixaadkoodu uusan buuxin.

Sacdiyo Siyaad oo ah aasaasaha iyo maamulaha machadkan ayaa sheegtay in ujeedadoodu ay tahay kor u qaadidda nolosha dadka naafada ah oo ka fursado yar dadka kale.

“Waddanka culeysyo iyo dhibaatooyin ayaa ka jira, haddaad qof wax siineyso waxa ugu wanaagsan waa waxbarasho iyo shaqo abuur.” ayey tiri.

Taniyo markii la aasaasay Machadka Hano 2015 waxaa lagu tababaray lix kun oo da’yar ah oo loo diyaariyay inay yeeshaan xirfado ay kaga badbaadaan shaqo yarida ay wajahaan da’yarta Soomaaliyeed.

Previous Post

Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Next Post

Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
Next Post
Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

Bari: Qoysas ku ceytoobay abaaraha oo ku soo qulqulaya magaalada Bandarbeyla

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18 MAY 2026

IDAACADDA 18 MAY 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18 MAY 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo