Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Conflict displaced Hawo and her children camping under a tree/Osman Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 10,000 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa ka barakacay degaannada Cadakibir, Dhuumoodle, Maarsamagge, Qalaanqal, Galxagagare iyo tuulooyin ku dhawdhaw ee hoostaga Cadaado markii laga gubay ceelashii iyo baraagihii ay dadku biyaha ku kaydsan jireen.

Qoysaska barakacay ayaa tagay degaannada Dhaglul, Dhagaxdeer Kamasle iyo Ardo. Waxay degaannadan ku wajahayaan cunno yari iyo biyo yari aad u daran. Waxaa ka mid ah qoyska Sahro Aadan Maxamed oo haysata sagaal carruur agoon ah. Waxay seexdaan geedaha hoostooda.

“Habenkii meeshaas bannaan ayaan seexannaa qarqaryo dabayl ayaan dareennay. Maantiina geedkaas ayaan harsannaa. Waxaan harsan jirnay hoygeenanna, matorkeenana ayaan biyaha ka qaadan jirnay o waxaas oo dhan waa la waayay.” ayay tiri.

Dadka soo barakacay waxay subax kasta dhex galaan dadkii horay degaanka u deganaa iyaga oo u dansheeganaya balse arrintaas ma awoodo Sahro oo waxaay naafo ka tahay lugta midig oo laga jaray xilli ay ka xanuunsatay.

Waxay maalinle ula nooshahay feker ku aadan sidii ay carruurteeda oo ka ugu yar uu jiro hal sano ay ugu heli laheyd cunno. Waxay sheegtay inay hal wakhti dabka u saarto raashin aan laheyn wax koosaar ah.

Qoyska Sahro waxay ka soo carareen guri iyo 50 neef oo ari ah keli naftooda yay la soo baxsadeen. $100 oo uu u soo diri jiray nin carruurta adeerkood ah ayaysan helin bishan maadaama isgaasiinta degaanka ay go’antahay.

Dadkan barakacay oo horay u wajahayay xaalado abaar ah oo xoolahoodii ka nacfi beeleen ayay u raacday colaaddaan. Xaawo Ibraahin Cali oo qoyskeedu ka mid yahay qoysaska soo barakacay waxa ay dageen degaanka Ardo oo Cadakibir u jira 25 km. Waxay biyaha ka cabbaan baraago ku yaalla degaanka oo laga siiyo lacag dhan $4 halkii fuusto.

Biyaha oo ay deyn ku helaan waxay ka cabsi qabaan in laga joojiyo haddii lagu yeesho $100. Xaawo ayaa sheegtay in ay damceen in ay carruurta la aadaan degaanno ay biyo raqiis ah uga heli karaan, balse ay u suurageli waysay. Xaawo oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa xustay in carruurta aysan u haynin il laga biilo.

“Hadda waxaan qabtaba duurkaan malahane. Waan iska dugsanaynaaye, waana baqaynaaye waxaan isleenahay sidee wax noqon doonaan walwal baa nahayee maxaase cuni doontiine ilaahay qorshihiisa lagama samro, ilaahay ayaan sugaynaa iyo ciddi wax nuugu gargaari karta,” ayay tiri.

Qoyskan ayaa ahaa danyar markii xabbaddu qabsatay ku qasbanaaday in ay carruurtii la soo lugeeyaan maaddaama aysan gaari kiraysan karin. Maalin iyo habeen ayay ku qaadatay inay degaanka Ardo yimaadaan.

“Ceelna lama arko ateenana lama arko waa iska soo tagnay, meeshaan bannaan ee aad u jeedaan ayaan afar bari joognaa,” ayay tiri.

Hadda waxay wax la cunaan reer ay la darseen oo horay degaanka u daganaa kaas oo ay ka soo qaataan hal mar oo ah habeenkii hadba wixii ay karsadaan.

Qoysaska ku soo barakacay degaankan oo ah kuwii ugu badnaa ayaa lagu qiyaasay 1,500 oo qoys. Intooda badan waxay hadda wax la cunaan dadkii horay u degganaa deegaanka oo halkii qoysba ay dulsaar ku noqdeen 5 ilaa 4 qoys.

Dadka waayeelka iyo carruurta ah ayaa ku jira xaaladda ugu liidata kuwaas oo aan iyagu awoodin in ay wajahaan nolosha barkaca. Cabdi Cali Maxamuud oo 100 sano jir ah wuxuu dibad yaal yahay lix habeen ah oo uu soo moogyahay guri jiingad ahaa oo uu ka daganaa degaanka Cadakibir oo uu ku noolaa muddo kontan sano ah.

Wuxuu sheegay in maalintii uu ku garguurto geed ay abaartu caleen tirtay oo aan illeyska qoraxda iyo dabaysha xagaaga toona ka dabaalayn.

“Saddexjeer ayaan kufaa. Hadda nolosheenna waxaan nahay dad garaab ah. Aniga ma qadi karo (Cunno la’aan ma noqon karo) haddan qado meeshaan ku tawafaa( meeshaan ku dhimaa). ilaahaybaan hor joognaa maalin ay naftu dhici doonto manaqaan laakiin xaalku ma fiicna,” ayay ayuu yiri.

Cabdi Cali wuxuu sheegay in aysan ku dhiiran karin in ay aadaan magaalooyinka waawayn maadaama aysan iska bixin karin kirada guryaha haddii ay magaalooyinka tagilahaayeen, balse qarash la’aan darteed ay duurka naf bideen.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Baxdo Axmed Salaad Sh Cabdulaahi Warsame ayaa Ergo u sheegay inay isku xilqaameen sidii dadkaas gurmad loogu fidin lahaa iyaga oo kormeeray tuulooyinka cusub ee ay gaareen. Wuxuu intaas ku daray in xaaladda dadka ay ku sugan yihiin ay dhaafsiisan tahay heer uu maamulkooda keliya maareyn karo.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax caawinaad ah oo dadka ka soo gaartay dhanka maamulka iyo bulshada. Sidoo kale wuxuu sheegay in isgaarsiinta oo degaanada ay Al Shabaab ka jareen ay sii adkaysay in loo gurmado dadka dhibaataysan.

“Dadka tira-koobkooda lama sixi karo adeegyadii isgaarsiinta kama shaqaynayo ma tiro koobi kartid. Adeegii isgaarsiinta ee dadka loogu gurmanlahaa oo dadkii loogu soo warami lahaa ayaa meesha ku yar,” ayuu yiri.

Previous Post

Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

Next Post

Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

Dhallinyaro naafo ah oo markii ugu horreysay fursado shaqo ku helay xirfaddo la baray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo