Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

Mu

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xabiibo Cali Isaaq 46 jir ah waxay kamid tahay 34 haween ah oo ku nool xerada Ajuuraan ee duleeka degmada Beledxaawo kuwaas oo tan iyo bishii Abriil ee sanadkan ay ilmo ka soo dilmeen. Haweeneydan oo haysata lix carruur ah ayaa la il daran dhibaatooyin caafimaad oo ay ka dhaxashay ilmo saddax bil uga dilmay bishii Juulyo.

Waxay la nooshahay dhabar-xannuun, madax-wareer iyo kaadida oo gubeysa. Dilanka ilmaheedii iyo xannuunada ay maanta ku dhiban tahay waxay aaminsan tahay inay sababtay alaab culus iyo labada ugu yar carruurteeda oo ay dhabarka ku wadday wax ka badan bed dhuleed gaaraya 200 km ilaa ay ka timid xerada.

“Xanuunka hadda weli wuu i hayaa. Habeen lama seexan karo oo kaniin wax aan ku gato ma haysto. Weli xanuunka ayaan la dhibaateysnahay. Waxaa iigu daran moxog xanuun. habeen labo iyo tobanka ma jiifto. Waxaan dareemaa in lafo igu jiraan. Farmashi haddii aan tagi lahaa wax aan ku tago ma haysto. Dhibkaas ayaa i haysta,” ayay tiri.

Qoyskeeda ayaa ka soo hayaamay degaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool markii ay abaartu uga le’deen xoolihii ay dhaqanayeen. 14 cisho ayay socod ku soo jireen iyagoo aan wadan wax sahay ah. Dhimashadii uur-jiifkeedii ayaa maalinle ugu sawiran.

“Dilanka wuxuu ku imaaday culeyska carruurtaas aan waday, raashin aan waday, biyo aan waday. Shan bari waxaa igu darnaa ilmaha dhiigooda oo iga da’ayay oo wax ayaan isku awoodi waayay. Markii aan meel imaadayna waxaan waayay wax aan isku daaweeyo. Xannuunkaas wali wuu i hayaa. Dhiigii ayaa wali iga baxayo. Wax aan isku daaweeyo ayaana waysanahay,” ayay tiri.

Duruufaha nololeed ee ku geedaaman kummanaanka qoys ee ku jira xerada Ajuuraan ayay dhexda kaga jiraan haweenkan dilanka lasoo kulmay. Dumarka dhibbane yaasha ah qoysaskoodu ma helaan cunno ku filan, maadaama aysan awoodi karin qabashada shaqooyinka xamaalka ee haweenka xerada ku nool ay ka soo saartaan nolol-maalmeedka.

Haweeneydan ayaa sheegtay in saygeeda uusan la soconin isla markaana uu bishii December ee sanadkii hore daaqsin u raadiyay 21 ari iyo 4 lo’ oo abaarta uga soo haray. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in qoyskeeda uu nolol ahaan ku tiirsan yahay raashin hal waqti ah oo ay ka soo dewersato xerada.

“Ma shaqeysan karo illaah ayaa igu og oo waan xannuun sanahay. Wax hadda ii shaqeyn karo oo shaqo ii qaban karo malahan oo ilmo yar-yar waaye. Ummadda ayaan iskaga nool nahay. Wax sonkor inoo soo xiro, kiilo bariis maalintii noo soo xiro sidaas ayaan ku nool nahay oo meel aan aniga u bixi karo oo ka shaqeyn karo ama ka adeegi karo ama dhar ka soo dhaqi karo ama qoryo kas oo guri karo oo sidaa ku shaqeyn karo ma’ihi,” ayay tiri.

Dhibaatada cunnada ka haysata waxaa u dheer hoy la’aan ku qasabtay iyada iyo carruurteeda inay geedaha hoostooda dugaalsadaan haweenkii marka jiifka la gaaro.

Inta badan haweenkan ayay dhibaatada ka soo gaartaa wadada xilliga ay hayaanka ku jiraan balse waxaa jira kuwo culeyska jidka iyo daryeel la’aanta caafimaad oo ay kala kulmeen xerada markii ay soo gaareen sababtay inay dilmaan.

Sida Salaado Muuminow oo haysato afar carruur ah waxay xerada Ajuuraan joogtaa muddo lix iyo toban cisho ah. Wax ka badan 72 saac oo xiriir ahaa oo ay waysay cunno ay cunto kahor soo gaaristeeda halkan, daawo iyo daryeel la’aan ay xerada ku wajahday darteed waxaa ka soo dilmay uur labo bilood ah oo ay lahayd.

“7 maalmood ayaan waddada kusoo jiray cunnug ayaa iga soo dilmay. Nafaqo darro, dhiig-bax iyo rafaad isbitaalna maanan aadin wax aan ku aado maanan haysan, qof aan lacag wadan kaniini daawo ayaa la guusoo qoraa gado ayaa lagu leeyahay marka maxaan ku gadanaa. Xannuunkii wali waa i hayaa dhiigna waa iga socdaa moxogga ilaa xudunta ayaa la iga hayaa” ayay tiri.

Salaado oo ka soo barakacday baadiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool si lamid ah haweenka kale ma aysan helin daryeel caafimaad. Waxay tilmaamtay in tan iyo markii ay dhibaatadu soo gaartay ay dareemeyso xanuun badan.

Dhakhtar Cabdiraxmaan Maxamed Qaasim agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Luuq oo la hadlay Ergo ayaa sheegay in dhibaatada dilanka ay haweenka badi u nugul yihiin saddexda bilood ee ugu horraysa xilliga uurka. Sidoo kale waxa uu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in ay ka fogaadaan wax yaabaha culus oo keeni kara inay wajahaan khataro caafimaad.

” Hooyada mar kasto oo ay uur qaado waa inay leedahay meel xannaano caafimaad oo ay ku xiran tahay oo ay kala soconeyso xaaladeeda caafimaad halkaas oo lagu ogaanayo xaaladeeda caafimaad, ilmaha uurka ku jiro xaaladiisa. Sidoo kale hooyadu waxa ay mar kasto u baahan tahay in ay nafaqada jirkeeda koriso si ay iyada iyo ilmaha ay si wanaagsan u koraan,” ayuu yiri.

Xerada Ajuuraan oo masaafo dhan 3 km dhanka koonfur kaga beegan degmada Beledxaawo sanad kahor waxay dhibaato dilan sidan oo kale ah soo gaartay ilaa 37 haween oo wabiga daawo biyo dhabarka kaga soo arooran jiray, kuwaas oo aan wali helin daryeelkii ay u baahnaayeen. Maamulka xeradan Ajuuraan ayaana tiro dhowr jeer codsaday in loo dhiso xarun caafimaad oo baahiyahooda dhanka caafimaadka ka haqab tira.

Previous Post

Reer guuraa xoolah​ooda loogu daweeyay deegaannada Somaliland oo ku han-weyn inay uga badbaadaan cudurrada iyo​ abaarta

Next Post

Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

Qoysas colaad uga barakacay deegaanadooda oo nolol adag ay ku haysato qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo