Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Reer guuraa xoolah​ooda loogu daweeyay deegaannada Somaliland oo ku han-weyn inay uga badbaadaan cudurrada iyo​ abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Reer guuraa xoolah​ooda loogu daweeyay deegaannada Somaliland oo ku han-weyn inay uga badbaadaan cudurrada iyo​ abaarta
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Garaad Cabdullaahi Axmed oo ku nool tuulada Axmed Buur oo hoos timaada degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodi Jeex ee Soomaaliland waxaa loo daweeyay 80 ari ah oo la liitay nafaqo daro ay u keentay abaarta ka jirta degaankiisa. Koox dhakhaatiir ah oo ka socday wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliland ayaa u daweeyay xoolaha 3-dii bishii Siteembar 2022.

“Xoolaha marka hore wayd iyo itaal daro ayaa haysay iyo nafaqo daro ayaa haysay. Wixii nafaqo darnaa vitamin ayay ku mudeen, qaar tii qufaca ayay siiyeen, qaar tii cabeebka ayay ku mudayeen, nimankaasi xoolihii way daweeyeen, waad dareemaysaa in xoolihii caafimaad usoo kordhaya isbeddel caafimaadna waad dareemaysa. ayuu yiri.

Ninkan ayaa Ergo u sheegay in xoolaha sidoo kale looga daweeyay cudurrada cabeebka, duufka iyo qufac joogto u hayay. Wuxuu tilmaamtay inuu xoolaha ka dareemayo isdeddel soo kabasho ah isla markaana uusan ka cabsi qabin inay abaarta wax dambe uga dhintaan.

Garaad oo leh laba tiro iyo konton neef oo ari ah wuxuu xusay in xaalad adag oo abaareed uu lasoo maray xoolihiisa oo hadda ku nool raashin uu magaalada Hargeysa uga soo iibiyo. Raashinka ay ku noolyohiin qoyskiisu iyo midka uu siiyo xoolaha si uu ugu iibiyo waxaa uu kolba iib geeyaa labada neef ee ugu roon xoolaha si ay ugu soo gooyaan 300kg oo galley, hadhuudh iyo boorash iskugu jira.

Qoyskiisa oo ka kooban laba iyo toban qof wuxuu sheegay inay ku noolyihiin keliya xoolaha uu dhaqdo. Abaarta ka jirta deegaankiisa waxay noloshooda u geysatay saameyn balse wuxuu tilmaamay inay kasoo raynayso xaaladooda maaddaama roobab aan badneyn ay ka da’een tuuladiisa.

Kooxda hawsha waday waxay si gaar beegsanayeen xoolaha u nuglaaday calaf yarida iyo biyo la’aanta ka dhalatay abaaraha sanadkan ku dhuftay lixda gobolka ee Soomaaliland sida ay Ergo u sheegtay Filsan Cabdisalaan Cabdilaahi isku duwaha gobolka Maroodi Jeex ee wasaarada xannaanada xoolaha iyo kaluumeysiga Somaliland.

Filsan ayaa sheegtay in wasaarada oo ka jawaabaysa cabashooyin uga yimid xoolo dhaqatada ay u dirtay soddon kooxood oo dhakhaatiir ah inay daweeyaan hal milyan iyo shan iyo labaatan kun oo adhi ah, lix iyo konton kun oo geel ah iyo kow iyo toban kun oo lo’ ah.

“Gobol walba afarta tiim ayaa looo diray,waxaan rajeynaynaa inay wada kafayn doonaan mudada shan iyo tobanka maalmood ah dhamaan xoolaha la gaadho, iyadoo intaas uun lagu daynayn ee lasii wado doono howlgalada,” ayay tiri

Ceesha oo xoolaha dhaqatada u ah bar kulan ayaa badi xoolaha lagu daweynayay. Hawsha ayaana socod 15 maalin oo u ekeyd 10 September.

Dhakhaatiirta oo shaybaadh ku sameynaya xoolaha marka ay la kulmaan ayaa siinaya dawooyinka ay u baahanyihiin. Abaarta waxay xaalufisay dhul daaqsimeedkii, weli xoolo kale ayaa u daryeel dawo u baahan sida ay sheegeen dhakhaatiirta

“Waxaan noo qorsheysan inaan kordhin doono shaqaalaha iyo dawada haddii loo baahdo si aan uga jawaabno cabashada dadka xoolo dhaqatada ka imanaysa oo aanu ka jawaabno ilaa xoolaha laga wado gaadhayo caafimaadkooda,” ayay tiri.

Wasaarada xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Soomaaliland ayaa daweyn u sameysay hal milyan iyo boqol kun oo ah xoolo isugu jira geel, ari iyo lo’.

Cabdi Cumar Axmed oo ku nool tuulada Qoryaalay waxaa loo daweeyay 72 neef oo ari ah iyo shan neef oo geel ah 26 bishii August. Wuxuu Ergo u sheegay in xoolihiisa laga daweeyay xannuunada ku dhaca maqaarka.

“Isbedel fiican baan ku arkay. Duufkii wuu ka go’ay, nafaqadii iyo itaalkoodii wuu fiicnaaday,” ayuu yiri.

Cabdi Cumar oo ah aabbaha qoys ka kooban toban qof ayaa sheegay inay xoolaha daweyn san jireen sanadihii hore marka ay ku arkaan astaamaha xanuunada ay u liitaan balse hadda ay waayeen kharash dawo, iyo awood ay kula tacaalaan markii abaartu ku dheeraatay.

Ninkan ayaa xusay in qoyskiisu ku tiirsanyahay xoolo manfaca ay ka helaan oo keliya haseyeeshee mudada abaaruhu ka jireen deegaankiisa waxay ku tiirsanaayeen caawino ay ka helayeen qaar ka mid ah qoyskiisa oo ku nool magaalada Hargeysa.

Previous Post

Gaalkacyo: Qoysas barakac ah oo duleedka magaalada ku wajahaya cunno la’aan iyo hoy xumo

Next Post

Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

Gedo: Haween dilan kala kulmay lug dheer oo ay soo galeen oo gaajo iyo caafimaad darro ku wajahaya xeryo ku yaalla Beledxaawo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo