(ERGO) – In ka badan 12 kun oo qoys oo ku nool xeryo ku yaalla daafaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wajahaya hoy xumo iyo cunno yari. Qoysaskan oo ku cayrooobay abaarihii 2017-2022 ayaa soo door-biday inay ka ag dhawaadaan magaalada si ay u helaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha aadanaha.
Ismaaciil Daahir Nuur oo ah 65 jir ayaa carruurtiisa oo sagaal ah u la’ hoy iyo cunno ku filan. Qoyskiisu bishii labaad ee 2022 ayay ka soo barakaceen miyiga degaanka Bursaalax ee gobolka Mudug markii labo boqol oo neef oo ari ah ay uga hareen 10 neef oo ay hadda ku haystaan xerada Madiina oo 11 km u jirta Gaalkacyo.
“Hoy ma jiro. Annigu hadda sandaqad baan ciyaalka u wax-waxeeyay iyo waab. Waa dabayl miiran. Haddeer markaad nasoo wacaysay dabayl baa nagusoo dhacday xoog badanoo inay nala tagtaba aan ka baqnay, haddeer ilaaheey waa naga joojiyay.Waa meel aan qorrax iyo dabayl midna celinaynin,” ayuu yiri.
Lix ka mid ah carruurtiisa ayaa dhigta dugsi lagu baro qur’aanka iyo maadiga oo fasalka 5aad ku eg. Lacagta ay ku dhigaan oo bishii $25 ah waxaa ka bixiya cid ay qaraabo yihiin oo degaanka ku ah Gaalkacyo.
Ninkan ayaa nolosha qoyskiisa ku maareeya shaqo dhagax jabin ah oo aan joogto ahayn. Marka uu shaqeeyo wuxuu ka helaa lacag gaareysa 8 doollar taas oo uu ku kala bixiyo biilka reerka iyo calafka ariga u jooga. Wuxuu sheegay inay abaartan tahay mid aad u kulul oo saameysay.
“Weli intii taariikhda abaar nuucaan oo kale ah ma arag. Odayaashii hore xitaa kamaynaan maqal abaar nuucaan oo kale ah oo dadka sidaa u xaalufisay,” ayuu yiri.
Nolosha qoysas xeryaha ku jira ayaa ah mid ay ku hareereysan yihiin sheekooyin xanuun leh oo ay ugu weyn tahay hubanti la’aanta cunnada. Deeqo Axmed Maxamed oo la halgameysa korinta carruurteeda oo lix ah waxay la nooshahay welwelsan ka haysta xaaladda hoy xumada, waxbarasho la’aanta, caafimaad darrada iyo gaajada oo qalbigeeda gubeysa.
Hadda waxay deggan yihiin qol ay ku caawiyeen qoys ay qaraabo yihiin laakiin dhawaan ayay ku wargaliyeen inay uga baxaan oo ay u baahyan yihiin gurigooda.
“Dad xoolo dhaqato ah baanu ahayn, xoolihii waa naga dhammaadeen. Waan iska soo kacnay. Meeshaan baan imaanay la dhaho Balli-abaar. Meel aan uga baxo mahaysano. Lix ciyaalaan haystaa ” ayay tiri.
Haweeneydan waxay sheegtay inay duruufta hoy xumada ay u dheer tahay quud u helid la’aan carruurta. Waxay tilmaamtay maalintii inay hal mar wax cunaan. Mararka qaadkoodna waxay xustay inay waayaan waxay karsadaan.
“Xaaladdayadu mar waa karsanaa, marna waa weynaa. Ilaaheey mooyee cid hadda biil nasiisa ma jirto. Qofka intuu nool yahay ilaaheey baa cayshkiisa bixiya, waxaase noogu daran hoy la’aanta wax kastoo aan qabno.” ayay tiri.
Xerada waxaa ku yaalla keliya dugsi qur’aan iyo iskuul ilaa fasalka shanaad ah. Deeqo waxay sheegtay inay la weyn tahay wax barida carruurteeda balse waxay sheegtay inaysan bixin karin lacagta waxbarashadooda.
“Ilmahayga kan ugu weyn wuxuu jiraa kow iyo toban sano. Alif xitaa ma kicin karaan, saa waligoodba lama gaynin dugsi meel uu ku yaallo. Ilmihii la filka ahaa isagoo ka yimid dugsigii oo buug wata oo isoo hormar maraya waxay dareemaan niyad jab,” ayay tiri.
Qoyska Deeqo waxay qoysaska kale duruurfta kula wadaagayaan xerada Balli-abaar oo 11 km u jirta magaalada Gaalkacyo. Waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen miyiga degmada Galdogob oo ay abaartu uga dishay labo tiro oo ari ah oo ay uga soo hareen keliya lix neef.
Xaaladdan oo kale iyo mid ka sii daran waxaa ku nool kumannaan qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobay abaarihii isxigigay ee dalka ka dhacay 6-dii sano ee u dambeeyay.
Sacdiyo Cabdille Aadan waxay sannadkii 2020 abaarta uga soo barakacday miyiga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug. Waa hooyo haysata 6 carruur ah. Waxay hadda qoyskeeda ku nool yihiin xerada Madiina. Waxay xerada soo degeen bishi afraad ee sanadkan iyagoo xoolo ka wata lix neef oo ari ah.
Xilligaas waxay ka dhisatay xerada buul yar oo marba dabayshu dumiso oo ay dib u dhisi jirtay laakiin muddo kadib waxay dulsaar ku noqdeen qoys kale oo xerada uu uga dhisan yahay guri dhagax ah balse dhawaan waxay ku wargaliyeen inay ka guuraan guriga.
“Dad guri kiraysan kara oo xayaato u noolaan kara ma aynaan ahayn. Oday baa qol nasiiyay. Hadduu hadda dhaho ii banneeya meel aan u dhaqaajino garan mayno, ” ayay tiri.
Hooyadan oo dhawaan umushay ilmaheedii shanaad waxaa welwelka hoyga u dheer cuno yaraanta. Waxay sheegtay in maalmaha qaar saddex berri aysan dab shidan. Marka ay xaaladdu ku adkaato ayay qoysaska deriska la ah weydiisataa waxay cunaan.
Bartamihii bishi Agoosto sahan ay iska kaashadeen maamulka degmada Gaalkacyo iyo hay’dda UNHCR oo loogu kuur galay xaaladda qoysaskan ayaa lagu ogaaday in 12 kun oo qoys ay u baahan yihiin inay helaan guryo rasmi ah oo ay ka galaan qorraxda, qabowga iyo roobka.
Xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Faarax ayaa sheegay in sahanka oo ay ka sameeyeen xeryahay ay ku nool yihiin dadka barakacay isla markaanna ay qorsheynayaan in laga saaro hoy xumada iyo daruufaha kale ee ay ku jiraan qoysaskan.
‘Waxaan u diyaarinay boosaskii iyo meelihii ay degi lahaayeen. Qof walba inuu helo dhul 15×10 ah, in uu helo waxbarashiisa. Dhulkaasna uu mustaqbalka uu qofku leeyahay, looguna sameeyo
sabar loogo iyo dukumentigiisa. kaddibna loogu qareemo sidii guryo loogu dhisi lahaa,” ayuu yiri.










