Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsatada dawo dhireedka oo la kulmaya hubanti la’aan cunno oo ka dhalatay abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
September 10, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsatada dawo dhireedka oo la kulmaya hubanti la’aan cunno oo ka dhalatay abaarta

Abdikadir Mohamed Abukar, 75, is struggling to keep his shop open as drought hampers availability of the medicinal plants he sells/Ahmed Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiqaadir Maxamed Abuukar waa 75 jir ku jira da’da hawl-gabnimada, balse ay dantu u diiday inuu ka fariisto shaqo maaddaama qoyskiisa oo afar qof ah aysan lahayn il-kale oo uu dhaqaale ka soo galo. Subax kasta isagoo ushiisa bakooradda ah u kaalmeysanaya socodka ayuu albaabada u furaa meherad yar oo uu ku gado daawo dhireed taasi oo ku taalla suuqa weyn ee Madiina ee degmada Wadajir.

Wuxuu tan iyo bishii June ee sanadkan wajahayay saameyn ka dhalatay abaarta ka jirta gobolada dalka. Dhirta uu ka ganacsado oo uga imaan jirtay degaanada miyiga ah ayaa noqotay mid dhif ah in la helo. Dakhliga ka soo gala ayuu tilmaamay inuu aad u yaraaday marka loo barbar dhigo abaarta ka hor taasi oo keentay inay qoyskiisu dhimaan raashinka ay karsanayaan iyo xilligiisa.

“Inta jeer ee wax la karsan jiray iyo hadda isku mid ma aha. Horey subixii ilmaha way quraacan jireen, duhurkii waxay cuni jireen qado, cashadii way cuni jireen. Hadda hal in la bixiyo waaye, cashada in la gooyo waaye. Qadada waxaan geyneynaa ilaa sagaal sac galabtii si cashada looga maarmo. Sonkortii qaali, bariiskii qaali, saliidii qaali. Waagii hore, haddii aan cuni jirnay rubac saliid ah, maanta waxaan cunaa tumun saliid ah, bariis meeshii aan ka cuni jirnay, nus kiilo iyo rubac nus kilo ayaa la cunayaa,” ayuu yiri.

Qoyska Cabdiqaadir wuxuu wajahayaa hubanti la’aan dhanka cunnada ah iyo cabsi ah in laga saaro guriga ay deggan yihiin oo aysan bixin kiradiisa labadii bilood ee tagtay. Wuxuu sheegay in maalmaha qaar uu guriga ku soo laabto isagoo fara maran. Meheradda ayuu xusay inuu marar badan ku fikiray inuu iska xiro balse uusan haysan beddel kale oo uu uga kaftoomi karo.

Cabdiqaadir ayaa koriya labo carruur ah oo uu dhalay wiilkiisa oo ku maqan tababar ciidan. Wuxuu tilmaamay in muddo dheer uusan warkiisa maqlin balse keliya loo sheegay in lagu daray ciidankii loo qaaday dalka Eritrea. Carruurta uu awoowga u yahay ayuu sheegay inuu la jeclaan lahaa iskuul, hase-yeeshee uusan ka bixin karin lacagta waxbarashada. Wuxuu intaas ku daray inuu awoodi la’yahay bixinta kharashaadka ku baxa qoyskiisa.

“Kirada waxaa waaye guri ayaan ku jirnaa, labo qol waaye soddon doollar iyo soddon doollar, lixdan dollar waaye. Nal ayaa ku jira isaga waxa uu keeno, biyihii, adiga ciriiri ayaan ku jirnaa wax la sheegi karo ma aha. Nin oday ah ayaan ahay, shaqada ma qaban karo,” ayuu yiri.

Cabdiqaadir wuxuu aad uga niyo-jabsan yahay sii wadida shaqadiisa. Noocyadii dhirta ee uu gadi jiray ayaa noqday kuwo qaaliyoobay iyo kuwo la waayay. Isaga oo ka tusaale qaadanaya dhaqdhaqaaqiisa ganacsi durba waxaa u muuqata in haddii xaalku sidan sii ahaado inuusan wax faa’iido ah ka heli doonin.

“Malmalka, xabag hadiga waan hayay laakiin hadda tabar aan ku soo gado waan waayay qaali waaye. Haddiii aad tagto bakaaraha kiilada malmalka ah waxaa lagu leeyahay 12 doollar, anigana tabar uma hayo, dadkiina lagama gadi karo. Wax maanta raqiis ah oo aan iibsan karno ma jiro,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa sheegay inuu isku dayay inuu ganacsatada waa weyn ee dhirta dayn ka soo qaato balse wuxuu xusay in xilligan lagu jiro ay adag tahay in la helo cid ku siineysa dayn. Wuxuu walwal ka qabaa sida ay nolosha qoyskiisa noqon doonto marka ay ka dhamaato dhirta baaqiga u ah ee uu iibinayo.

Qoyska Cabdiqaadir waxay abaar 2019-kii uga soo barakaceen deegaanka Gendershe oo 30 km u jira magaalada Marko ee gobolka Shabeeelada Hoose. Noloshooda ayaa ku tiirsaneyd beer ku baxda roobka iyo soddon neef oo ari ah. Shan iyo labaatan ka mid ah arigoodii ayaa abaarta uga baxday, halka shantii uga hartay ay sahay uga dhigteen safarkoodii Muqdisho.

Markii ay soo deggeen Muqdisho waxaa u billowday nolol kale. Cabdiqaadir oo aqoontiisa shaqo ay ku koobneyd tabcidda iyo falida iyo xoolo dhaqashada, waxaa ku soo furmay mas’uuliyadda qoyska oo tii hore ka culus.

Mehradda uu nolol maalmeedka kala soo baxo ayuu sheegay inay horay uga gubatay dab ka kacay suuqa Weyn ee Madiina bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii. Hanti uu ku qiyaasay 800 oo doollar ayuu sheegay inay ka gubtay xilligaas. Wuxuu dib u aasaasay meheradiisa bishii June ee 2021-kii, maanta ayuu markale quus ka taaganyahay. Wuxuu doonaa inuu dib ugu laabto degaankiisii iyo beertii uu ka soo barakacay, balse weli abaarta jirta uma saamaxayso beer tacbasho.

Dhanka kale Deeqow Cusmaan Cali oo muddo 15 sano ah ka ganacsanaya dhirta kana biila qoys ka kooban lix qof ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay abaartu saameeysay. Wuxuu sheegay in hab nololeedkooda uu isbeddel weyn ku yimid taniyo billowgii sanadkan. Dhirtii ay gadi jireen ayuu xusay inaan la wada helin.

“Wallaahi saameyn aad u xooogan ayaa naga soo gaartay, sababtoo ah sheyga marka ay tahay shaqadaada uu soo gelitaankood akuu fududaado sidaas wax uga heleyso way fududahay, balse hadduu kugu adkaado inaad wax ka hesho ayaa adkaaneysa,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in saameynta dhaqaale ee qoyskiisa ka soo gaartay yaraanta dhirta iyo qiimo kororka ku yimid inay tahay middii ugu darneyd ee uu la kulmay intii uu shaqadan soo waday. Wuxuu intaas raaciyay in dhir qoyan aysan arag bilooyinkii la soo dhaafay.

Suuqa bakaaraha oo uu ka soo gato dhirta, ayuu sheegay inaan hadda laga helin dhirtii beeca fiican laheyd abaarta darteed, wuxuu tilmaamay inuusan garaneynin shaqo kale isla markaana uu ka welwelsan yahay mustaqbalka shaqadiisa.

“Abaarta ka hor aad ayaa loo heli jiray oo qiimo jaban ayaan ku soo iibsan jirnay. Dadka naga iibsanaya, qiimo macquul ah ayaan uga iibin jirnay maaddaama aan raqiis ku soo helaynay. Hadda, wixii dhan ayaa qaali noqday, marka dhamaanteena waa ay na wada saameysay – Dadkii iibsan jiray iyo annagii oo ka ganacsan jirnay,” ayuu yiri.

Deeqow wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in dhirta laga keeni jiray gobolka Shabeelaha Hoose, balse tan iyo intii ay abaarta dhacday suuqa laga dareemayo hoos u dhac weyn. Abaarta ka hor

ayuu sheegay in shaqadiisa uu ka heli jiray $15 maalinkii. Wuxuu tilmaamay in hadda uu maalmaha qaarkood uu guriga ku laabto isagoo aan helin wax biil u noqda.

Previous Post

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada

Next Post

Gaalkacyo: Qoysas barakac ah oo duleedka magaalada ku wajahaya cunno la’aan iyo hoy xumo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Gaalkacyo: Qoysas barakac ah oo duleedka magaalada ku wajahaya cunno la’aan iyo hoy xumo

Gaalkacyo: Qoysas barakac ah oo duleedka magaalada ku wajahaya cunno la’aan iyo hoy xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo