(ERGO) – Qoyska Muumino Faarax Xuseen wuxuu ka mid ah yahay ku dhawaad kun qoys oo ku biirayay xeryo cusub oo laga sameeyay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Haweeneydan iyo carruurteeda oo toban ah oo xoolo dhaqato-beeralay ahaa waxay ka soo barakaceen miyiga degaanka Sagaal-geed kadib markii xoolihii ay abaarta ku waayeen beerihiina soo bixi waayeen roob la’aan awgeed.
Qoyskan oo nolol soo raadsaday ayaa 29 June degay xerada barakac ee Wadajir oo ku taalla duleedka magaalada. Waxay halkan ku wajahayaan cunto yari, hoy xumo iyo shaqo la’aan.
“Hay’ad wali waxba kama helin. Biyo wax aan ku cabno ma wadano, wax aan wax ku cuno ma wadano. Xoolahiina waa naga dhamaadeen,” ayay tiri Muumino.
Raashin ay ku caawiyeen dadka uga soo horreeyey xerada ayaa u suurta galiyay inay carruurteeda maalintii hal wakhti helaan cunto balse raashinkaas ayay tilmaantay in uu hadda yahay dhammaad.
Walwalkeeda kuma koomna helidda gasiinka balse waxay sheegtay inay biyaha u doontaan webiga Shabeelle oo u jira 1km isla markaana aysan haysan wax gaadiid ah. Carruurteeda aabbahood ayey sheegtay inay uga soo tageen degaanka ay kasoo barakaceen.
Muumino ayaa sheegtay in degmada jalalaqsi ay ku yar yahiin fursado shaqo ee laga heli karo madaama ay go’doontahay. Beeraha oo ahaa meesha keliya ee loo shaqo tago waxaa sameysay abaarta.
“Jalalaqsi nin horey u joogi jiray oo ganacsigiisa yaqaano mooye, wax laga shaqeeyo Malaha hadda . Nin horey u joogay maahe nin cusub wax uu qabto malaha, ayay tiri.
Xerada ay deggan tahay ayey tilmaantay in aysan laheyn xarumo waxbarasho iyo kuwo Caafimaad toona. 700 oo qoys oo xerada ku nool 3 Musqul oo kali ah ayay wada isticmaalan.
Muumino ayaa sheegtay in degmada jalalaqsi ay ka rajeeyneysay in ay ka hesho nolol ka duwan middii ay ku noolayd balse wali wax weyn iska badalin nolosheeda.
Dadka kale ee dhawaan soo gaaray degmada jalalaqsi waxaa kamid ah Raaxo Aadan Ciise. Hooyadan oo aqal xooshad ka sameeysay ku haysta 12 carruur ah ayaa sheegtay in xaalad aad u adag oo dhinaca nolosha ah ay wajahayaan qoyskeeda.
Laba bil oo ay deggan yihiin xerada waxay la daalaa-dhacayaan helidda quud maalmeedka. Waxay xustay inaysan weli helin wax shaqo ah balse maalmaha qaar ayay raacdaa haweenka deriskeeda ah oo magaalada u aada dhar dhaqis iyo Nadaafadda guryaha.
“Subaxii markii uu waagu baryo ayaan iska baxaa. Cidaha ayaan u tagaa. Cidii aan shaqo ka soo helo 50 ilaa 60 kun oo Shiling Soomaali ah ayaan kasoo qaataa. Hadii aan soo waayana guriga ayaan is kaga soo laabtaa. Markan soo helo digir iyo bariis ayaan kusoo gataa. Markan soo waayane dadka xerada ila dagan ayaan la cunaa,” ayay tiri Raaxo.
Qoyska Raaxo waxay ka kasoo barakaceen degaanka Xalfooleey oo ay ku dhaqanayeen 45 neef oo ari kuwaas oo abaarta uga dhamaaday. Saddex sano oo ah roob la’aan ah ayaa u horseeday inay u soo hayaanto degmada Jalalaqsi oo loogu sheegay in gargaar laga bixiyo.
“Hay’ado iyo walax ayaa joogo ayaa loogu dhahay walax ayaa la qoraa. Waxii aan ka fiilayey wali ma helin balse waan rajeeyna insha Allaah. Waxaana ka filayey in ay wax inoo qabtaan oo na caawiyaan oo waxii ay awoodan na siiyaan. Abaartii wali igama harin.” ayay tiri Raaxo.
Raaxo ayaa tilmaantay in culeyskii ka haystay dhinaca biyaha uu ka haray madaama maalin walba webiga Shabeelle ay kasoo dhaansato 4 labaatanle oo ay dusheeda kusoo qaaddo balse dhanka cunna helidda waxaa ka jirta hubanti la’aan.
Maamulka degmada ayaa sheegay in dadka ugu badan ay degmada soo gaareen lixdii bilood ee igu danbeeyey. Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada degmada Jalalaqsi Abuukar Xasan ayaa sheegay in maalin walba degmada ay soo gaaraan dad cusub oo kasoo barakacaya tuulooyinka kala duwan oo hoos yimaadda magaalada kuwaas oo uusan roob wanagsan ka da’in xilli roobaadyadii la soo dhaafay.
Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray ka maamul ahaan inaysan awoodin caawinta dadka barakaca ah. Balse wuxuu xusay in baajida jirta ay la wadaageen Maamulka Hirshabeelle iyo hay’daha sama-falka.