(ERGO) – Sahra Maxamed Yuusuf waxay ka mid tahay 150 haween ah oo ku nool xeryaha barakaca ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo wax ka beddelay nolosha qoysaskooda markii loo furay ganacsiyo. Haweenkan oo ay qoyaskoodu ku ceyrtoobeen abaarta dalka ka jirta waxaa shaqo abuur u noqday khudaar ay dayn maalmo ah ku siiyaan ganacsato degaanka ah.
Sahra ayaa nolosha qoyskeeda ku maaraysa dhaqaalaha ka soo gala khudaarta oo maalintii gaaraya 300,000 oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta $11. Shaqadan ayay sheegtay inay u sahashay daboolida baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskeeda oo aan horey u laheyn il dhaqaale oo uu ku tiirsan yahay.
“Saddexda wakhti ayaan wax u karsadaa, daawada ayaan isaga bixiyaa, dugsiga ayaan iskaga bixiyaa. Xaaladayda ka dhac ka deg ayey ahayd, mar waa la helaayey mar waa la waynaayey marna qaraabada ayaan iska wacan jiray, hadda cidna ma wacdo aad baan aniga, ilmaha aan isugu mahadinay” ayay tiri.
Sahro oo korisa shan carruur ah oo ay dhashay ayaa ganacsigan billowday labad bilood ka hor. Waxay horay uga shaqayn jirtay xaabo ay ka soo guri jirtay duurka magaalada Dhoobley oo ay ku iibin jirtay suuqa si ay uga raadiso nolol maalmeedka carruurta balse dakhliga ka soo galayay ayaa ahaa middaan ku filneyn.
Shaqadeeda cusub ayaa u sahashay iyada iyo carruurteeda oo horay u degganaa xerada barakaca ee Danwadaag inay ka baxaan nolosha barakacnimada. Waxay kireysteen guri laba qol ah oo ku yaala xaafadda Waabari ee magaalada. Sahra ayaa markii ugu horreysay yeelatay keyd lacageed.
“Guri i jaara ayaan deganahay. Xeradii mar hore ayaan ka soo guuray. Guri ijaar ah ayaan sodon dollar ugu jiraa,” sidaa waxaa tiri Sahra Maxamuud oo la hadashay Radio Ergo.
Qoyska Sahra waxay ka soo barakaceen degaanka Guduudey ee gobolka Jubbada Dhexe bishii October ee sanadkii 2021 xliligaas oo ay dhaafeen 30 neef oo ariya iyo 25 neef oo lo’ah oo ay ku dhaqanayeen degaankaas.
“Aniga lo’ badan maanaan lahayn ee xooga lo’ah iyo xooga ariya iyo beero ayaan lahayn, markii beerihii ba’een, ee lo’dii baaba’day, abaartii dhammaysay, adhigii dhammaaday baan iska soo cararnay oo aan inta iska imaanay,”ayay tiri.
Sahra waxaa sidoo kale markii ay shaqadan billowday u suura galay inay saddex ka mid ah carruurteeda labo wiil iyo gabar ka mid ah carruurteeda ay geyso iskuulka Waabari ee magaalada Dhoobley markii ugu horreysay, waxay waxbarashada billaabeen sanad dugsiyeedkan cusub.
Dhanka kale Xamdi Mahad Maxamed waxay ka mid tahay haweenka barakaca ah ee ku biiray ka ganacsiga khudaarta waxaa ay sheegtay in maalintii ay qaadato ilaa 300,000 Shilin Soomaali ah ilaa 400,000 Shilin Soomaali ah oo lagu siiyo khudaar kala duwan. Xamdi ayaa xustay in nolosha qoyskeeda ay isbadashay markii ay gashay iibinta khudaarta oo maalintii ay ka hesho lacag
gaaraysa 70,000 ilaa 80,000 oo Shilin Soomaali faa’iido ah taas oo ay ku maraayso nolosha qoyskeeda oo ka kooban 11 qof oo ay toban carruur yihiin.
Xamdi iyo qoyskeeda waxay xerada Fadhiwayn degan yihiin Siddeed bilood, waxayna ka soo barakaceen baadiyaha gobolka Jubada dhexe meel u dhow magaalada Bu’aale. Qoyskeeda waxaa dhaafay xoolo gaarayay lixdan neef oo lo’ah iyo 100 neef oo ari ahaa.
Haweenkaan oo khudaarta ku iibiya meel bannaan oo geedo hoostood ah ayaa waxaa khudaarta ka iibsada dadwaynaha deggan magaalada Dhoobley iyo kuwa u soo adeeg doonta eek a yimaada degaannada ka baxsan.
Haweenkaan oo ah ilaa sagaal koox ah ayaa waxaa caawiya 10 ganacsato ah oo Dhoobley u soo iib geeya khudaarta, waxaana qof walba lagu qoraa wixii lacag ah ee uu qaato iyadoo lagu soo celiyo lacagtaas si maalinle ah.
Cabdifataax Sheekh Bashiir Mayo oo ka mid ah ganacsatada haweenkan siiya khudaarta ayaa sheegay in marki u horreysay ay 4 haween ah u yimaadeen kana codsadeen in uu si dayn ah ku siiyo khudaarta marka ay iibiyaan ay u soo celiyaan lacagtiisa faa’idadana ay kala haraan, taas oo uu ka aqbalay.
“Dad iska tabaalaysan oo masaakiin ah oo idhay Alle dartiis nagu aamin ilmaan wadanaa, waxna mahaysano i dhahay, waan aaminay Illaahay dartiis ayaan ku aaminay, shaqadii ayaan u billaabay Alxamdullaahi haddana waan isla xamaalanaa,”ayuu yiri.










