(ERGO) – Ku dhawaad kun qoys oo ku nool xeryaha Buur-gaabo, Qanciye, Daarusalaam iyo Bilan oo ka tirsan degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ayaa wajahaya saameyn ka dhalatay qiimo koror ku yimid biyaha ay iibsadaan tan iyo markii uu qaaliyoobay shidaalka saddex bil ka hor.
Arrintan waxay ciriiri galisay dhaqaalaha yar ee ka soo gala qoysaskan shaqooyinka xoogsiga ah isla markaana ay ku maareeyaan nolol-maalmeedkooda.
Xaawo Cabdi Axmed iyo qoyskeeda oo toddobo qof ah waxay isla keeni waayeen helidda cunnada iyo biyaha oo lacagta soo gasha aysan u qayb-samin, waxay ku nool yihiin xerada Qanciye oo 20-liitar ee biyaha ah uu ka joogo 6-kun oo shilin soomaali ah.
Waxay ku heli jireen markii hore kun shilin soomaali ah, Hooyadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in biyo yarida ay sababtay in 24-kii saacba hal mar ay dabka saartaan waxay cunaan iyagoo markii hore iskaga filnaa labo waqti maalintii.
Waxay caqabad kala kulantaa sidii ay u maareyn lahayd lacag kooban oo uu soo shaqeeyo saygeeda oo afar maalin oo ka mid ah toddobaadkii hela shaqo dhagax-jabin ah.
“Hal dollar iyo bar ayaa hadda taleefankayga ku soo dhacday; Ma bariiskaan ku soo gadaa ma saliiddii baan ku soo gadaa ma biyihii ayaan ku soo aroorraa mise qoryihii ayaan ku soo gadaa, talo illaahay ayaa laga sugayaa, dhib ayaa yaalla meeshaan Ilaahey ha naga dulqaado, biyo la’aanta cunug baa u dhiman kara, adigaa u dhiman kara, waad u xanuunsan kartaa haddii wixii afka aad ku dhibcisan lahayd la waayo, biyaha dhibbaan ku qabnaa,”ayay tiri.
Waxay sheegtay in mararka qaar ay awood u yeeshaan iibsashada 10-liitar oo biyo ah oo qiimahoodu yahay saddex kun oo shilin. Waxay u isticmaalaan oo kaliya cabitaan iyo cunno-karin, waxaa meesha ka baxay dhinacyo kale oo baahiyaha qoyskan ay ka dooli jireen biyaha sida nadaafadda carruurta iyo dharka.
Xaawo waxay isku diyaarineysaa xilli gabal-dhac in carruurta ay dabka u saarto koombo bariis ah. Waxaa se ay ka walaacsan tahay biyo aan badnayn baaqi u ah, kuwaas oo ay saluugsan tahay sida ay ugu filnaan karaan weysada iyo ku karinta cuntada.
“Dabka hadda ayaa la shidayaa ilaa saaka, waxaa ugu wacan beeso ma qabno(ma haysanno) hantina ma haysanno beero aan la hayna waan ka nimid, waan duruufeysannahay Ilaahey baan sugaynaa, hadda waxaan ku weesaysto ma lahan, dadkii biyaha lahaa ayaa qaaliyay biyaha ceelasha,”ayay tiri.
Qoyskeeda ayaa la kowsaday qiimaha sarreeya ee biyaha bil ka hor; oo ah markii ay soo degeen xerada Qanciye, waxay barakac kaga yimaadeen tuullo 20 km u jirta dagmada Baardheere.
Beer saddex hektar ah oo aysan tabcin saddex xilli roobaad abaarta darteed ayay ka soo barakacday Xaawo. Waxay ku beeri jirtay dalagyo kala duwan oo qudaarta ah.
Waxay sheegtay in qoysaska ku cusub xeryaha ee qoyskeedu uu ka mid yahay ay u baahan yihiin in laga taageero dhinacyada cunnada iyo hoyga oo ay ka arradan yihiin.
“Biyo, cunno, guryaha iyo wax walba in nagala caawiyo ayaan u baahannahay, dawladda Hassan Sheekh Maxamuud, ra’iisulwasaarihiisa, wasiirrada iyo baarlamaanka waan codsaneynaa baahi badan ayaa na haysa inay wax nooga qabtaan baahidaanada ayaan rabnaa, beeso ma qabno hantina ma haysanno beeraheennii waan ka nimid,”ayay tiri.
Dadka soo barakacay waxay iskugu jiraan qaar biyaha ka dhaansada tuubooyin ku xiran xeryaha iyo in kale oo u aroora meel ka baxsan, Xabiibo Salaad Cumar oo xerada Buur-gaabo ku nool muddo labo sano ah waxaa iskugu darsamay biyaha iibka ah iyo in ay u lugeyso ceel-biyood riig ah oo 2-km u jira.
Waxay sheegtay in mulkiilaha ceelka oo macmiil ay la tahay uu daymiyo biyaha, xaaladdan ayay ku jirtay bilihii May, June iyo July, waxay xustay in lacago aan joogta ahayn oo ay ka hesho dad ehelkeeda ay iskaga bixiso daynta.
“Biyaha deyn ayaan ku soo qaataa markii alle i soo galiyo lacag ayaan iska gudaaa, hiraabtii(aroortii) shan jirgaan ayaan soo qaadaa, duhurkii shan, habeenkiina shan, walaalkey ayaa mar mar $1 ii tuura, mar mar beesada ii badato oo muslinkaas iyo walaalaha isiiyaan ayaa iskaga dhiibaa mar mar,” Ayey tiri Xabiibo.
Xabiibo oo saygeedu uu geeryooday isla markaana ay iyada saaran tahay masuuliyadda korriimo carruurteeda oo 11 qof ah waxay toddobaadkii saddex jeer oo ka mid ah dharka u soo dhaqdaa qoysaska magaalada.
Waxay sheegtay in ay shaqaysto lacag dhan $2 maalintii, taasi oo qoyskeeda ay dabka ku saartaan hal waqti waxay cuni la haayeen.
Xabiibo walwalka ugu badan waxaa ku haya biyaha daynta ah oo ay qorsheyso sida ay u isticmaalleyso.
“Jirgaan dhar baan ku dhaqaa kuwana ilmahaan ugu qubeeyaa, qaarna hunguri(cunno) ayaan ugu kariyaa, sidaas oo ay tahay duhur magaarayaan daqiiqado ayay ku dhameynayaan ilmaha haddii aan uga tago, ilmaha aabbo uma hayo anigaa aabbo iyo hooyo u ah,” ayay tiri.
Milkiilayaasha iska leh ama masuulka ka ah ceelasha biyaha ay ka iibsadaan dad ku jira xeryaha ayaa u sheegay Raadiyow Ergo in kordhinta qiimaha biyaha ay ka fursan waayeen, maaddama sara u kac xooggan uu ku yimid qiimaha shidaalka oo ay ku shaqeeyaan matoorrada ceelasha.
Dhinaca kale guddiyo ay leeyihiin dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ayaa kulamo la qaatay labadii toddobaad ee u danbeeyay maamullada dagmooyinka Kaxda iyo Dayniinle iyo hay’ado ka howl-gala si wax looga qabto qiimo kororka biyaha oo caqabad ku noqday dadka soo barakacay.
Maxamed Cali Xasan horjoogaha labo ka mid ah xeryaha biyo yaridu ka jirto ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in maamulka dagmada Kaxda ay u ballan qaadeen in muddo afar bil gudahooda loo dhisi doono ceel-biyood ay kaga maarmaan biyaha lacagta ah, kaasi oo kala kaa shandoonaan hirgalintiisa hay’adaha samafalka.