Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 1, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeralayda degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa la daala-dhacaya cayayaan ay maaro u waayeen teer iyo dhamaadki sanadkii hore, kuwaa oo si baaxad leh uga baab’inaya dallagyada cagaaran.

Mukhtaar Cabdullaahi Maxamed oo beer saddex hektar ah ku leh tuulada Qansaxley ee degmada Doolow waxaa dalaggii u beernaa oo is kugu jiray yaanyo, galley iyo basal ka cunay cayayaanada dixiriga iyo malafisada oo ah kuwo beertiisa ku dhashay bilowgii saanadkan.

Tacabka ka baaba’ay ayaa ah mid uu beeray bilihi Febraayo iyo Maarso ee saanadkan. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in uu ka gacmo maran yahay abuurka basal saddex kiilo ah, labo tanag oo yaanyo iyo sidoo kale badar is kugu jiray galley iyo digir kuwaas oo uu ku kharash gareeyay $3,000.

“Qoraxeedkii aan soo dhaafnay bishii Maarso Yaanyo ayaan tacabnay dhaqaalaha aan galinay iyo wixii aan ka helnay waa kala dhif. Xilliga qaboobaha ayaa roon xilliga kuleelaha cudurkii iyo waxaa isku kaashanayo kuleelkii iyo biyo la’aantii,” ayuu yiri.

Mukhtaar oo ah 49 jir qoyskiisuna ku tiirsanyihiin beertan oo ah mid waraabka biyaha webiga Daawo ku xiran ayaa sheegay in fasalkii labaad uu khasaaray kow iyo toban bilood gudahood, bishii Maarso ee sanadkan oo uu sameeyay beerashada khudaar iyo badar hadda beerta u saaran saddex meel labo kamid ah ayaa uga ba’ay cayayaanka.

Walaaca uu ka qabo qasaaraha gaaray ka sakow wuxuu tilmaamay in feker gaar ah ay ku hayso lacag deyn ah oo dhan $2,500, taas oo ah abuurka dalagga uu cayayaanku ka cunay iyo shidaal.

“Ilaa saddex kun oo doollar ayaa nagula leeyahay shidaalki aan soo qaadnay dayn ayuu ahaa, Nafaqada aan soo qaadnay soddon loor ayay ahayd oo dayn ah. Waxaan soo qaadnay sun mar 20 kiilo marna 20 kiilo waa nagula leeyahay hadda,” ayuu yiri.

Qoyska Mukhtaar oo ka kooban yahay sagaal qof waxay taniyo bishii Janaayo ee sanadkan ku tiirsanaayeen raashin uu soo deynsaanayay oo lacagtiisu gaartay 20,000 birr/$222. Raadiyow Ergo ayuuna u sheegay in bishan gudaheeda uu qorsheynayo inuu suuq geysto basal aan badneyn oo u badbaaday markii uu buufiyay beerta, kaddibna iska bixiyo qeyb kamid ah deynta.

“Nolosheyda aad ayay u saameysay markii hore in aan wax tacbado oo daynta iskaga bixiyo oo ilmaha dugsigooda iyo iskuulka iskaga bixiyo, wax aan wax ku qabsado iisoo hari jiray. Hadda waxaan ku xisaabtamayaa wixii laguugu lahaa ee aad dadka ka soo qaaday makaa bixinayaan mise wax ayaa laguugu lahaan doonaa,” ayuu yiri.

Cayayaanka ugu badan ee beeralayda dallagyada baabi’inaya ayaa ah dixri, kaas oo dadka bartay culuumta beeraha ay sheegayaan asal ahaan inuu dalalka Afrika kaga soo gudbay qaaradda Aasiya.

Maxamed Dayib Abubakar hormuudka kulliyada beeraha iyo xannaanada xoolaha ee jaamacada Jaziira oo aan wax ka waydiinay wuxuu yahay cayayaankan iyo sida ay geedaha u dhaawici karaan ayaa sheegay inay yihiin saddex nuuc oo kala duwan.

“Galleyda ayuu caleemaha ka baabi’iyaa haddii aan laga hortagin waxaa laga yaabaa inuu wax sabuul ah ama miro yeelanayn marka dhibaatadaa ayuu yeeli karaa marka loo fiiriyo”.

Wuxuu intaas ku daray sheegay inay jiraan dawooyin ka hortag ah oo cayayaanadan dili kara inta aanu ku xoogeysan beeraha, balse beeraleyda Soomaaliyeed oo aan wada heli karin sumaha cayayaanka ayaan keentay in cayayaanadu si fudud udu fidaan beeraha.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in loo baahanyahay inay beeraleydu helaan wacyi-galinno la xiriirta hab adeegsiga nuucyada sunta ee ay kaga hortagayaan waqtiyada ay la kulmaan cayayaanka.

“Horta beeraleyda dhibaatadan la kulmo waxaa la gudboon in ay xogtaas la wadaagaan dadka ku takhasusay kahortagga cadurada saameeyo dhirta oo laga heli karo jaamacadaha ama magaalooyinka,” ayuu yiri.

Ilaa 1,500 beerood oo biyaha ka hela webiyada Daawo iyo Juba ee degmada Doolow ayay xaalufiyeen cayayaanadan tan iyo bishii October ee sanadkii hore. Geesta kale qiimaha shidaalka oo saddex jibbaarmay ayaa xaalka kaga sii daray beeraley markii fuustada shidaalka ah ay gaartay lacag u dhaxeyso 300-310 doollar halka markii hore ay ahayd $95.

Cabdi Xuseen oo beer hektar iyo bar ah ku leh tuulada Aboore ee Doolow ayaa kamid ah dadka ay isku biirsadeen dhibaatada cayayaanka iyo qiimo kororka ku yimid shidaalka kaas oo loo aaneenayo dagaalka u dhaxeeyo dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Cabdi oo ah 42 jir haysta afar carruur ah waxuu Raadiyow Ergo u sheegay in guud ahaan uu joojiyay wax beerashadii markii suuqa looga yeeshay lacag dhan $2,500 taasi oo uga baxday tacab.

“Ma awoodo hadda maadaama shalay tilaabadii aan qaaday ee koowaad oo shidaalkii qaali yahay oo saracii aan dhulka tacban jiray dhulka ka yareeyay intii aan sameeyayna cayayaankaas saameeyay oo aan ku qasaaray, maanto ma awoodo inaan tillaabo kale qaado,” ayuu yiri.

Nolol ahaan qoyska Cabdi ayaa ah mid ku tiirsanaa tacbashada beerta in kastoo culeysyada iskugu biirsaday dartood uusan aqoon halka uu ka soo saaran doono quutul yoomka reerka.

Previous Post

Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

Next Post

Qoysas deggan xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho oo isku awoodi la’ helidda biyaha iyo cunnada

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas deggan xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho oo isku awoodi la’ helidda biyaha iyo cunnada

Qoysas deggan xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho oo isku awoodi la’ helidda biyaha iyo cunnada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo