Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

Radio Ergo by Radio Ergo
August 29, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

Maxamed Sacuudi oo jooga goobta ay xaaskiisa dhuxusha ku iibiso/Maxamed Ibraahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Maxamuud Cabdi oo ka mid ah ganacsatada laga dumiyay dukaamadooda, wuxuu suuqan ku ganacsanayay 30-kii sano ee la soo dhaafey. Ninkan ayaa sheegay in dukaankiisa uu ka maareyn jiray qoyskiisa oo ka kooban toban carruur ah. Wuxuu bisha Ogoosto ee sanadkan la kowsaday shaqo la’aan, markii uu maamulka ku amray in dukaankiisa uu dumiyo.

“Anigoo yar ayaa halkan ku shaqo billaabay. Waan ku ilmo korsday oo carruurteyda midka ugu yar iyo kan ugu weyn halkan ayay ku soo indho qaadeen. Qof kale ima maqno, meeshan ayuu Ilaahey i barakeyay oo u i nuuriyay. Haddii loo arkay in meel qaldan aan ku ganacsanaynay oo dhulkii carriiri ka dhignay, maamulkeena inay meel kale noo raraan ayay ahayd, ma ahan inay shaqo la’aan na dhigaan, waayo meel kale oo aan wax kala soo baxayno ma jirto,” ayuu yiri.

Tan iyo intii dukaanka laga dumiyay wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ku adkaatay helista saddexda waqti maalinkii. Wuxuu xusay in qoyskiisa ay dabka shitaan keliya habeenka maaddaama aysan awoodin labada waqti ee kale.

Raashinka ay halka waqti karsadan ayuu sheegay inay ku helaan lacag ayuuto ah oo ay xaaskiisa leedahay. Wuxuu xusay in lacagtii ay gabo-gabo ka tahay. Ninkan ayaa tilmaamay in ganacsi kale oo uu ku shaqeysto uusan aqoonin.

Alaabtii dukaanka u tiilay ayuu xusay inay guriga yalaan. Wuxuu maamulka ka codsaday in isaga iyo dukaanleyda kale ee suuqa laga dumiyay ay u sameeyaan goob kale oo ay ganacsigooda ku sii wataan.

“Dowladda ammarkeeda lama diidi karo, balse waa inay iyagana fahmaan, carruur ayaa nagu xiran oo biil naga rabo. Meeshii aan carruurta biilka uga soo saari lahaa waa tan la dumiyay. Dowladda waxaan ka codsaneynaa inay na meeleyso. Annaga noloshanagii ganacsigaan ayuu ku tiirsanaa, hadda tuugo miyaan noqonaa oo wax miyaan dhacnaa, maaddaama aan wax kale haysan?” ayuu yiri.

Xasan ayaa xusay in carruurtiisa oo waxbarasho ku jirtay uu hataan ugu cabsi qabo inay ka haraan iskuulka, maaddaama uusan awoodin lacagtooda waxabarashada. Bishii ayuu sheegay inuu ka bixin jiray labo ka mid ah carruurtiisa oo dhigata dugsi sare min $12. Halka labo gabdhood iyo labo wiil oo u dhigta dugsi hoose uu ka bixin jiray $8 midkiiba. Lacagtaas ayuu tilmaamay inuu ka soo saari jiray ganacsiga laga dumiyay.

“Dowladda canshuur ayay naga qaadeeysay bil walbo, hadda inay suuqa naga dumiso iyadoo aan nasiin goob kale oo aan ku ganaacsanno waa dhibaato aad u weyn. Dadka halkan waa ay isku dhex jireen, qaar waa kuwo meel kiraysan karo, inta bandanna waxay ahayeen dad iska xoogsato ah oo nolol maalmeedkooda, wax aan ka badnayn, suuqan kala soo bixi jiray. Dadkaas oo aan aniga ka mid ahay, bannaan cidlo ah ayaan ku soo dhacnay,” ayuu yiri.

Suuqa weyn ee magaalada Jowhar oo in ka badan 30 sano dhisnaa, isla markaana ay ku wada ganacsanayeen dadka duukamada leh, waratada iyo kuwa danyarta ah ee xamaaliga ku shaqeeysta ayaa qeybo ka mid ah la dumiyay dhamaadkii bishii July ee sanadkan.

Maxamed Sacuudi Xuseen oo sidoo kale ka mid ah ganaacsatadii suuqa dukaamada kulahaa ayaa hadda guri joog ah, maaddaama dukaankiisa uu ku jiro kuwa la dumiyay.

Ninkan oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa oo ku tiirsanayd dukaanka uu culeys weyn ku yimid. Wuxuu xusay in tan iyo 20-kii bishii July ee dukaankiisa la dumiyay ay qoyska ku adkaatay helista raashinka.

Xaaskiisa ayuu sheegay in lacag yar oo uu haayay ay ku billowday ka ganacsiga dhuxul, taasi oo ay ku iibiso albaabka gurigeeda. Maalmaha aan laga iibsan dhuxusha waxay deyn ka soo qaataan dukaamaha deriskooda ah, si ay u helaan raashin hal waqti oo ay maalinkii ku moodaan.

“Ganacsigayga waxaan ka maareyn jiray biilka qoyska, waxbarashada carruurtayda oo qaarkood jaamacad ka dhigta magaalada Muqdisho. Wixii dhan ayaa hadda isugu kee uruuray, meel aan wax ka billaabo ayaanba garanayn. Waqti aan isku diyaarinno na la ma siinin, oo hal maalin unbaa na lagu amray, inaan duminno dukaamadanaga,” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu suuqan ku ganacsanayay muddo 25 sano ah. Wuxuu xusay in isagoo yar uu ganacsigan soo billaabay. Wuxuu tilmaamay in carruurtiisa saddexda ah uu waxbarashada uga bixin jiray ganacsigan. Labo ka mid ah carruurtiisa oo dhigata dugsi hoose ayuu bishii ka bixin jiray $8, halka gabadhiisa oo jaamacad ka dhigata Muqdisho uu saddexdii bilood ka bixin jiray $40.

“Carruurteyda waxbarashadooda halkaan ayaan ka dhiibi jiray. Hadda waxaa dib loo furay iskuuladii, waxaa la iska rabaa dharkii iskuulka, buugaagtii iyo lacgtii bisha, mana awoodo dhiibisteeda. Waxay noqoneysaa in carruurta aan ka reebo iskuulka lacagta ah ay dhiganayaan. Dukaanka wax badan ayuu naga hayay,” ayuu yiri.

Maamulka Hirshabeele oo amray in suuqa la dumiyo ayaa sheegay in go’anka ay ugu dan leyihiin in waddo laga bixiyo suuqa oo ciriiri ah. Balse, arrintan ayaa saameeyn weyn ku keentay dadkii suuqa nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray oo aan la siin goob kale oo ay ganacsigooda ku sii wataan.

Cumar Xaaji Maxamed oo ah guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag oo uu ku yaalo suuqa ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay suuqa ay qeyb uga dumiyeen ay tahay dib u soo celinta bilicda magaalada. Wuxuu xusay inaysan jirin cid ay si gooni ah u bartilmaameysanayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ay dukaamada ka dumiyeen ay u qorsheeyeen goob ay ganacsigooda dib ugu billowdaan.

“Ganacsatadii suuqa waddooyinkiisa ku ganacsanayay waa la diiwaangeliyay. Guddi heer gobol ah ayaa jiro oo qiimeyn wada, qof kastoo laga dumiyay dukaankiisa, meel ayaa la siin doonaa. Suuqa cusub ee aan dejin doono dayactir ayaa ku socda,” ayuu yiri.

Dadkii dukaamada laga dumiyay ee la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay inaysan la socon in goob loo diyaarinayo. Waxay xuseen inaysan ka warqabin diiwaangelinta uu guddoomiyuhu sheegay.

Previous Post

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa xerada Ifo oo carruurtooda u la’ cunno ku filan

Next Post

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo