Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa xerada Ifo oo carruurtooda u la’ cunno ku filan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 26, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Market Fire
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sabriye Maxamed Sheekh wuxuu ka mid yahay ganacsatada hantidoodii ku waayay dab qabsadey suuqa xerada Ifo 10-kii bishii Juun 2022. waxaa ka gubtay dhamaan wixii uu hanti haystay, mana helin cid ka caawisa in uu dib u furo labo goobood oo ganancsi oo uu suuqa ku lahaa.

Qoyskiisa oo markii hore ku tiirsanaa macaash ka kasoo gala ganacsiyadiisa ayaa dareemayay saamayn dhinaca nolosha ah labadii bilood ee uu shaqo la’aanta noqday. 15 qof oo ay ku jiraan 8 carruur oo uu dhalay, xaaskiisa iyo 5 carruur ah oo ay walaalo yihiin ayaa hadda ku nool raashinka bilaha ah ee ay siiso hay’adda WFP.

“Markii hore waxaan ahaa qof isku tiirsan oo waxwalba oo gurigaygu u baahan-yahay awdooda, laakiin hadda waxaan noqday qof dadka kale ku tiirsan. tusaale ahaan haddii qof iga xanuunsado in farmashiya buug la iigu qoro lacagta. markaa noloshii saamayn wayn bay ku yeelatay,” ayuu yiri.

Ninkan waxaa dabka uga bas beelay dukaan uu teleefannada ku gadi jiray isla markaanna dadka loogu kala xawili jiray adeegga MP-Pesa iyo iskuul lagu dhigi jirey luqadaha qalaad. wuxuu sheegay in dakhli la’aanta ku dhacdey ay sababtay in qoyskiisu ay labo jeer oo keliya hadda wax cunaan maalintii, halka markii uu shaqaynayay ay sida caadiga ah sadexda jeerba wax karsan jireen.

12 qof oo shaqaale ka ahaa goobihiisa ganacsi ayaa dhamaantood guri joog noqday sida uu sheegay. Sabriye waxaa labadiisa goobood ee ganacsi uga gubatay hanti kor u dhaafeysa 2-million oo shilling ka kenya ah oo u dhiganta 17000 oo dollar oo isugu jirtay lacag cadaan ah, alaabtii uu iibinayay iyo dhismihii guryaha. dhisey dukaankiisii laakiin ma hayo hantidii uu dib ugu shaqo bilaabi lahaa oo waxaa uu hor fadhiyaa isaga oo maran.

“Dukaankeygu wuxuu ahaa dukaan lagu soo hirto, intaa oo ganacsato ayaan gacanta ku hayay, taa iyada ah waxaa sii dheer tukaanka adeegii ku jirey , adeeg aad u badan ayuu ahaa aad saayid ayaan usoo adeegay, 850,000 adeeg ah waa 8500 oo Dollar, labo firiij oo waaweyna waa ku jirtay iyada na , labo firiij oo waawayna waa ku jirtay, waxaa intaa sii dheeraa 600 oo Dollar oo waxaa ku jirtay caddaan ah oo maalintaa aan rabay in aan soo qaado laakiin aan kusoo hilmaamay,” ayuu yiri

Dadka ku ganacsan jirey suuqa gubtay ee xerada Ifo qaarkood ayaa xoogaa dhar, bagaash iyo khudaar ah ku iibinaya meelihii ay ku yaaleen goobohoodii ganacsi oo hadda ah meelo bannaan maadaama ay awoodi waayeen in ay dib u dhisaan meheradoodii dhaqaale la’aan awgeed.

Faadumo Cabdirahmaan Yuusuf waxay miis uu dhar saaran yahay la fadhidaa afaafka hore ee goobteedii ganacsi oo markiidii hore ahayd meel lagu iibiyo dharka ragga iyo dumarka oo jumlo iyo tafaariiq ah, waxay sheegtay in dhamaan hantideedii ay oo qiimaheedu gaarayay 1600,000 oo shilling ka Kenya ah oo u dhiganta ($15,000) ay ku wayday dabka. dharka ay iibinayso waxay kasoo qaadatay meelaha lagu gado dharka jumlada ah si ay u caddayso.

“ Sababta aan meesha u fadhiyaa waxay tahay, waxaan yarka ah ee aad arkayso dharka miiskan ii saaran waxaan kasoo qaadey dad, si aan nolosha ugu maareeyo, waxaan ka raadiyaa nolosa caruurta. waan awoodi waayay in meeshii dib u dhiso,” ayay tiri.

Faadumo waxaa shaqadeeda ganacsiga ahayd ku tiirsanayd nolosha iyada iyo ubadkeeda oo ah 7-caruur iyo 4-qof oo ka mid ah qaraabadeeda oo la noolaa. waxay xustay in hadda ay meeshan qoraxda ah u fadhido in ay kabto nolosha qoyskeeda laakiin mararka qaar ay suuqa ka carowdo iyada oo aan waxba laga iibsan. Waxay xustay in qoyskeeda uusan ku filneyn raashinka deeqda ah ee laga siiyo xerada shaqadii ay ka kabi jirtay ay meesha ka baxday.

Goobihii ganacsiga ee gubtay qaarkood ayaa noqday waddo kadib markii suuqa oo markiisii hore ahaa mid isku raran ah oo aan lahayn wax waddo ah loo sameeyo waddooyin waaweyn si looga gaashaanto dab markale ah. Dadkii ku ganacsan jiray goobaha wadada noqday oo hadda waayay meel ay dib wax ugu bilaabaan ayaa loo raadinaya xal iyo meelo kale oo ay ku ganacsadaan sida uu radio Ergo u sheegay guddoomiya guud ee xerada Ifo Maxamed Cabdi Colow.

“Dadbaa jidadkii ay ku hagaageen, dadbaa aan waxba usoo harin qaarbaa mitir usoo harey , dadbaa meelo cidlo ah soo istaagay, arintoodana waana soo gaartay, RAS iyo UNHCR ayaanu u gudbinay, macaa DC gu wuu imaada waxay dheheen lasoo qoro, waa la qorayaa dadbaa loo xil saarey waxaan rejanayaa in dhul la siiyo ay u ganacsadaan,” ayuu yiri.

Dadabka ka kacay suuqyada ganacsiga ee xeryaha Dhadhaab ayaa ah kuwo soo noqnoqday waxaana marwalba oo ay gubtaan suuqyada xeryuhu ay saameeyaan nolosha dadka qaxootiga ah oo siyaabo kala duwan ugu tiirsan shaqada ganacsiga ah ee ka socota suuqyada xeryaha qaxootiga.

Previous Post

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

Next Post

Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

Jowhar: Ganacsato laga dumiyay dukaamo ay ku shaqeysan jireen oo qoysaskooda u la’ biil maalmeedka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo