Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 24, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

Maxamed Nuur, dhexda, oo ku jira fasalkiisa /Axmed Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan labaatan kun oo carruur ah oo ka so jeeda qoysaska danyarta ah ayaa ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah oo sanadkii labaad ka socota saddex degmo oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Mashruucan waxbarshada lacag la’aanta ah waxaa loogu tala galay carruurrta ay da’doodu u dhaxeyso 9-17 iyo dadka ka daahay tagida goobaha tacliinta.

Maxamuud Nuur Ahmed oo afar iyo toban jir ah oo sanad dugsiyeedkan u gudbay heerka labaad ee waxbarashada dadban oo uu ku qaadanayo fasallada saddaxaad iyo afaraad oo la isku keenay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in carruurta filkiis ah uu wax la barto. Sanadkii hore ayay aheyd markii ugu horreysay noloshiisa ee uu xirto dharka iskuulka isla markaana uu fasal fariiso isagoo sita buugaag iyo qalin.

“Hadda waxaan rabaa in aan sifiican wax u barto. Ardayda meesha ay marayaan aan gaaro, oo hadda waxbarashada si fiican, aan u dadaalo, dadaalkayga muujiyo ayaan rabaa. Ardayda uniform-ka wata waan xiisayn jiray awal hore, iskuul maa lagu geeyo ayaan dhihi jiray, Iskuul haddana waa la i keenay maasha Allaah, waan ku faraxsanahay,” ayuu yiri.

Maxamuud waxaa safarkiisa waxbarashada ku weheliya saddex walaalihiis ah oo kala ah laba wiil iyo gabar. Hamigiisa ayaa ah inuu caawiyo qoyska oo ku tiirsan aabbihii oo ka shaqeeya dekadda magaalada Kismaayo oo uu ka yahay xamaali dejiya doonyaha ganacsiga. Wiilkan waxaa u bidhaamaya mustaqbal ifaya wuxuu aaminsan yahay inuu hayo wadadii geyn laheyd.

“Waxaan fahmay, carabiga, xisaabta, ingiliishkana sidoo kale. Soomaaliga iyo tarbiyadaba, waxaan soo galaa 1:30 duhurnimo, waxaana ka baxaa, waxaan baxaa 5:00pm, Inta hore ee aan salaada la gaarin afar maaddo ayaan qaata, laba xiiso oo kale-na marka danbe ayaan qaata,” ayuu yiri.

Maxamuud oo iskuulka ka hor wakhtigiisa ku bixin jiray inuu la ciyaaro carruurta aan waxbaran sididiisa oo kale ayaa ku hanwayn in uu noqdo macallin waxbara carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah oo uu u caawiyo sida maanta loo caawiyay.

Ardayda nasiibka u helay deeqdan waxbarasho waxaa lagu soo xulay in waalidkooda uusan ka bixin Karin lacagta lagu dhigto iskuulada kale.

Nuur Axmed Cali oo ah aabbaha Maxamuud ayaa sheegay in lacagta uu ka helo shaqada xammaaliga ah aysan u qaybsan karin waxbarashada iyo nolosha kale sidaa darteedna ay sababtay in uu waxbarasho gayn waayo carruurtiisa.

“Shaqada aan hadda hayo ma ahan mid baahiyaha qoyska oo dhan dabooli karta, maalinkii waxaan soo helaa toban dollar, laba iyo toban dollar, ugu badnaan shan iyo toban doollar oo maalin walba aan la helaynin, maalina la hellaayo, maalina la waynaayo, dhaqaalo xumo awgeed ayaan u gayn waayey, noloshooda kale ayaan la daala dhacayaa, cid iga caawisana waan waayey,” ayuu yiri.

Sababaha ay iskuulada dibadda uga joogeen carruurta ka faa’iideysanaya waxbarashadan ayaa ah in si bille ah iskuulada hoose, dhexe iyo sare loo bixiyo lacag u dhaxaysa 10 ilaa 18 doollar taas oo aysan awoodin qoysas badan. Nuur Axmed ayaa sheegay in hadda uu ka baxay welwelki badnaa ee ay ku haysay waxbarasho la’aanta carruurtiisa.

“Wallaahay aad iyo aad ayaan ugu farahsanahay, waana soo dhawaynaynaa, waxay nooga dhigan tahay annaga oo wallaalaheen ay nagarab qabteen,Ilmaha aad iyo aad ayey wax u bartaan, waxbarashadooda aad baan ula dhacay, waxyabaaha aan ku arkayna waa mid aad ii qancisay, waana soo dhawaynayaa,” ayuu yiri.

Tirada ardayda sanadkan la qoray oo gaaraya 16 kun waxaa ka mid ah Safa Cabdullaahi Maxamed oo 12 jir ah markii ugu horreysay nolosheeda bishan Agoosto xaadirtay fasal waxbarasho. Waxay ka soo jeedaa qoys danyar ah oo aan awoodin inay ka bixiyaan waxbarashada sidaa darteedna waxay aad ugu faraxsan tahay inay hesho fursadan.

Inkasta oo ay billow tahay waxbarashadeeda haddana gabadhan waxay ku haminaysaa in waxbarashada ay ka gaarto ilaa heer Jaamacadeed, waxayna jeceshay inay barato cilmiga tiknoologyadda.

“Hadda waxaan rajaynayaa in iskuulka uu ii dhamaado, Jaamacadna aan dhammeeyo gabar teknoolajiyadda taqaana aan noqdo, waan Jeclaa ilaa yaraantaydii waan jeclaa in aan tiknoolajiyada barto,” ayay tiri.

Marka laga tago waxbarashada bilaashka ah sidoo kale ardayda waxaa laga caawiyay buugaagta ay wax ku dhigtaan oo ah manhaj gaar ah oo loogu talo galay waxbarashada dadban oo sanadaheeda la soo koobay.

In ka badan konton xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Kismaayo, Baardheere iyo Jamaame ayaa hadda wax lagu baraa ardeydan. Waxaa mushaar ka qaata 120 macallin oo barayaal ka ah iskuulladan. Agaasimaha waaxda waxbarshada dadban ee wasaaradda waxbarashada Jubbaland Nuur Shaalle ayaa sheegay in ilmo walba oo danyar ah uu ka faa’iideysan karo barnaamijkan.

Mashruuca waxbarashada lacag la’aan ah ayaa bartilmaameedsanaya carruurta qoysaska aan laheyn ilo dhaqaale iyo dadka ka dib dhacay iskuulada. Barnaamijkan oo wata magaca Bar ama Baro ayaa waxaa Jubbaland ka caawinaya hay’adaha Creative iyo USAID.

Previous Post

Kumannaan qoys oo wajaya biyo la’aan saameysay noloshooda markii uu cilladoobay ceelkii keliya ee ka shaqeynayay degaanadooda

Next Post

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa xerada Ifo oo carruurtooda u la’ cunno ku filan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Market Fire

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa xerada Ifo oo carruurtooda u la’ cunno ku filan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo