Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan qoys oo wajaya biyo la’aan saameysay noloshooda markii uu cilladoobay ceelkii keliya ee ka shaqeynayay degaanadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
August 24, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Kumannaan qoys oo wajaya biyo la’aan saameysay noloshooda markii uu cilladoobay ceelkii keliya ee ka shaqeynayay degaanadooda

Critical water infrastructure/File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Saynab Cali Axmed oo ku nool Yucuboole oo 290 KM koonfur kaga beegan magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa wajahaya biyo yari daran oo ka dhalatay cillad ku timid ceel riig ah oo ay ka dhaansan jireen dhammaadkii July. Saynab oo 54 jir ah waxay la nooshahay welwel ah biyo u helidda qoyskeeda oo ka kooban 12 qof iyo labaatan neef oo ari ah oo uga haray 250 konton oo abaarta ka hor u xareysnaa.

Biyaha ay hadda ku nool yihiin qoyskeeda waxay ku heleen iskaashi ay la sameeyeen lix qoys oo la deris ah. Lacag ay isku darsadeen ayay kusoo iibsadeen 8 bishan booyad biyo ah oo laga siiyay $180 balse biyaha u haray oo dhamaad ah ayaa feker ku haya qoyskan. Saynab ayaa sheegtay inay dhibbane u noqdeen cilladaha ceelka deegaankeeda oo soo noqnoqday.

“Riiggu marka uu naga jabo ee aanu biyo wayno dhul kale oo naga fog ayaan u doonanaa, dhulkaas caqabad aad ah ayaa naga haysata dhinacii shidaalka oo qaali ah, biyihii oo aanad helayn iibna ah, dadku waa laba kuwo dadka iska sii gargaraacda oo lacago waydiista si ay biyo u helaan iyo kuwa aan heli karin,” ayay tiri.

Sababaha soo celcelinaya inay shaqeyn waayaan tubbooyinka biyaha ka soo saara ceelka waxaa loo tiiriyay inaysan jirin shaqaale aqoon u leh oo farsameeya iyo xoolo dhaqato xad dhaaf ah oo degaanka isugu yimid. Nolosha qoyska Saynab iyo ariga u jooga waxay ku tiirsan yihiin raashin ay siiso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP. Waxaa la siiyaa 75KG oo Gallay, hadhuudh iyo Qamadi isugu jira.

“Warwar badan ayay nagu haysaa biyo la’aantu iyo wax helid la’aantaas ay xoolihii xaalufeen oo aan waxba laga helayn, laba roob oo Gu’ iyo deyr dhulka roob ma helin,” ayay tiri.

Haweeneydan oo qoyskeedu iyadu usoo saarto nolol maalmeedka intii ay abaartu jirtay waxay joojisay shaah ay iibin jirtay oo u ahaa il dhaqaale. Ninkeeda oo la nool ayay xustay inuusan haynin wax shaqo ah. Xilli roobaadyadii tahay oo aan u di’in sidii la filayay ayaa sababay inay guraan ceelashadii kale ee degaanada ku hareereysan Yucuboole. Ceelkii ugu dambeeyay oo ay ku tiirsaneeyeen dadka deggan siddeed tuulo ayaa hadda cilladoobay.

Cismaan Maxamed Saalax oo ku nool tuullada Coodanle oo 180KM koonfur kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer wuxuu Ergo u sheegay in sanadkan gudihiisa lix mar oo kala duwan uu ka fadhiistay ceelka riigga ee ku yaala degaankiisa.

Cilladaas ayaa saameysay in ka badan shan iyo toban kun oo qoys oo ka cabbi jiray ceelka tuuladiisa. Qiimaha foostada biyaha ah ayaa gaaray 5$, dadka degaanka ayuu tilmaamay inaysan awood u lahayn inay helaan lacagta ay ku iibsanayaan biyaha laga heli karo deegaanka oo ah kuwa ay keenaan booyada ganacsi u yimaada marka ay maqlaan in ay cilad ku timid ceelka.

Cismaan ayaa sheegay in markii ay waayeen lacag ay ku iibsadaan biyo ay naftooda u cabaan ay go’aansadeen in awrta iyo dameeraha wixii socon kara ay biyo kaga doontaan Ceelka Qori-lugud oo u jira 67KM.

“Waxaanu uruurinay 150 xoolo ah oo gaadiid noqon kara iyo agabkii lagu soo dhaaminayay, waxaanu u doonay Qorilugud iyo Shanshe Cade. markii aanu keenay dadkii way isku qabsadeen cid walba jirkaan ayaanu siinay,” ayuu yiri.

Cismaan oo ka mid ah odayaasha degaanka Coodanle wuxuu xusay in xaaladu ay sii adkaanayso haddii roobka deyrtu ka di’i waayo deegaankiisa. Wasaarada biyaha ayuu ka codsaday in riiga ay u keento farsamo yaqaano gacanta ku haya si cilladahan joogtada ah xal loogu helo.

Cabdullaahi Axmed Aadan agaasimaha waaxda dayactirka ceelashada ee wasaarada biyaha Somaliland ayaa Ergo u sheegay inay 48 ceel hagaajiyeen lixdii bilood ee la soo dhaaafay. Hase-yeeshee wuxuu xusay inay jiraan caqabado dedaalkooda gaabis ka dhigayay labadii sano ee tagtay sida dhaqaale xumo, degaanada oo kala fog iyo hawl-wadeenada oo aan ku filneyn ka jawaabidda baahiyaha jira.

Previous Post

Xoolo dhaqato si ay u badbaadiyaan xoolahaooda ula soo guuray magaalada Guriceel

Next Post

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo