(ERGO) – Axmed Xuseen Cabdi oo qoyskiisu uu ka mid yahay qoysaska magaalada ula soo cararay xoolahooda ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in degaanadii ay ku noolaayeen laga waayay baad iyo biyo ku filan duunyada isla markaana ay ku adkaatay inay ku sii hayaan xoolaha.
Ujeedka uu magaalada ula soo galay xoolaha ayaa ah inay u badbaadaan inta abaarta uga hartay. Wuxuu sheegay in hadda ay u helaan xoolaha daaq ka wanaagsan kii miyiga iyo biyo raqiis ah oo fuustadii laga siiyo wax ka yar nus Doollar, halka miyiga uu ka soo guuray ay ka joogtay $6.
“Farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya, waa la nastay, biyo raqiis ah ayaan helnay. mararka qaarna ceelasha magaaladu marka ay arkaan ariga aan wato yaraantiisa wey iska key dhaafaan oo lacag ima weydiiyaan. Biyihii booyada oo aan shuban wayayna ceelasha magaaladu cabto ayey ciyaalku arigooda ka shubtaan. Magaalada hadda waxaa loo soo aaday gogobo geed la yiraa oo ay xooluhu cunaan oo aan xaggaa lagu heyn. Waa geed aan qodax laheyn oo caleentiisa ay xooluhu cunaan marka ay qalalantahay iyo marka ay qoyantahayba,”ayuu Axmed yiri.
Axmed oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in magaalada oo ay soo degeen horraantii bishii July ay nolosha u fududeysay oo ay ku faa’ideen. Wuxuu tilmaamay inuu ka xoogsado dhagaxa dhismaha guryaha. Waa shaqo aan joogto aheyn, balse asbuuciiba uu saddex jeer qabto ugu badnaan. Dhaqaale gaaraya $5-$8 ayuu helaa maalinka uu shaqeeyo.
Wuxuu intaas ku daray in hadda ay u fududahay in seyladda uu xoolo geysto, halka markii uu miyiga joogay uu ku qasbanaa in gaari kiro ah uu la raaco.
“Awalba hantideydu arigaasbuu ahaa, neefkii aan gadayo suuqa waan u lugeysiiyaa, hadduu gadmi waayana waan soo celiyaa. Markaan miyi joogay neefkii gaarigu wuxuu iigu qaadi jiray $1.8, qofka safrinayana labo Doollar ayuu ahaa. Haddana suuqa ayaan subixii aadaa markaan arko qiimaha xooluhu marayaan markuu qaali yahay ayaan u safarsadaa,”ayuu Axmed yiri.
Sidoo kale wiilkiisa ayaa magaalada ku iibiya qoryaha qalalan ee dabka lagu shito oo uu ka soo guro duleedka magaalada. wuxuu ku soo qaadaa gaari dameer ay qoyskoodu leeyihiin. Toban Doollar illaa $15 ayuu sheegay in halkii marba ay ka helaan qoryahaas oo toddobaadkiiba labo jeer ay keenaan magaalada.
Axmed ayaa tilmaamay in abaartu ay ka dishay 180 ari ah dhammaadkii sanadkii hore iyo horraantii sanadkan. Wuxuu intaas ku daray in xoolaha u haray oo soddon ah uu ka walaacsanaa iney ka la’daan, balse warwarkaas ayuu sheegay inuu daayay markii uu magaalada soo degay.
Ninkan oo weligiis ku noolaa miyiga degaanka Ilix oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ayaa sharaxaya duruufta xilligan ka jirta miyiga ee ku riixday in Guriceel uu soo dego.
“Abaaro ayaa wadanka ka dhacay labo xilli roob oo hadda ka hor la sugayay, gugii iyo deyrtii aad looma helin, waxyaabo yaryar oo aan dadka kafeyn oo aan xooluhu ku cayilin ayaa dhacay. Sidaas darteed ayaan magaalada jafkeeda usoo degay. Safarkiina ama guur guuritaankii miyiga waan awoodi waayay oo nin tabar haya ma ahi,” ayuu Axmed yiri.
Qoysaskan oo tiradoodu soddon tahay ayaa magaalada yimid bilihii June iyo July. Waxey dageen boosas bannaan oo dadkii lahaa ay ku caawiyeen, halkaas oo ay ka dhisteen aqal Soomaali ay miyiga kala yimaadeen.
Xasan Caabi Maxamud oo xoolo dhaqatadaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dantu biday in magaalada uu u soo guuro, markii ay xooluhu daaq ka waayeen dhulka, sidoo kalana uu iibsan waayay biyaha oo qaali ka noqday degaanka uu deganaa oo la yiraahdo Jaaw kaas oo 40km koonfur uga beegan Guriceel.
Shan toddobaad oo uu magaalada deggan yahay ayuu tilmaamay in xooluhu ay u naaxeen. Axmed ayaa sharaxaya waxa iska bedlay duunyada uu dhaqdo.
“Ilaahey Xamdigiis waaye, jawigii hore ee aan ku jiray waxaa ka fiican kan maanta. Meel hal kiiloomitir ka baxsan magaalada ayuu arigu daaqaa. Xoolaha waa u nolol dhaantaa oo geedka gogobada ayuu daaqaa. (Miyiga maxaad uga soo tagtay?) “Miyiga nolol ma taalo maadaama ay abaar ay tahay oo xoolihii aysan daaq ku haysan, dadkii uusan nafaqo ku haysan. Meeshaan ka soo guuray biyo meysan laheyn,” ayuu sheegay Xasan.
Ninkan oo ah labo xaasle qoysaskiisu ay ka kooban yihiin 14 qof ayaa sheegay iney badaleen qaab nololeedkii miyiga markii ay soo dageen magaalada, si noloshooda ay u maareeyaan.
Labadiisa xaas oo is kaashanaya ayuu xusay in kawaanley ay noqdeen oo magaalada ay ku iibiyaan hilibka oo ay ku billaabeen neef xoolihiisa ka mid ah. Howshaas oo illaa shan Doollar maalinkii ay ka helaan ayaa ah isha kaliya ee dhaqaale ee reerahiisu ay ku tiirsan yihiin.
“Aroortii ayey kalahaan oo woxooda intey soo gataan ayey xaasasku galabkii shanta markey tahay ka soo carraabaan oo ay soo aadaan xaafadaha. Nolol maalmeedka iyo iidaanka ayey ka raadsadaan,” ayuu sheegay Xasan.
Waxa uu tilmaamay in saddexda waqti ay hadda wax karsadaan, halka markii miyiga ay joogeen ay maalinkii halmar dabka shidan jireen wax la’aan darteed. Xasan oo ah aabbaha 11 ubad ah ayaa intaas ku daray in shan ka mid ah carruurtiisa ay markii ugu horeysay billaabeen waxbarashada. Xisaabta iyo Afsoomaaliga ayey ka dhigtaan machadyo magaalada ku yaalla. Lacagta ay wax ku bartaan oo guud ahaan ah $25 waxaa ka bixiya dad qaraabadiisa ah oo magaalada degaan ku ah.
“Dadku haddey magaalada soo galaan danbey ula qabsanayaan, qaarbaan waxbarasho geystay. Dad ehel ayaan dhahay wax ii bara, anigu qarashka kama bixiyo dad aan qaraabo nahay ayaa iga caawiya. Saddex wiil qolaan u geeyay, labo gabdhoodna qolaan u geeyay, shantaas ayaa hadda magaalada wax ka barat. (Makuu muuqatay in carruurtu waxbarasho kuu heli doonaan?) “Fursadaas iima muuqan, abaar ayaa i saameysay waxaan is lahaa qoyskan dadkoodii iyo ehelkoodii ku dhoweey si ay caawinaad uga helaan,” ayuu Xasan yiri.
Xasan ayaa tilmaamay in xoolaha uu dhaqanayay oo ahaa 250 neef oo ari ah ay badi ka la’deen sanadkan. Abaarta ayaa ka soo reebtay konton uu hadda ku dhaqdo dulleedka Guriceel. Wuxuu intaas ku daray ineysan u qorsheysneyn inuu ku noqdo miyiga oo uu xusay in noloshiisu ay adkaatay abaarta soo noqnoqday darteed.










