(ERGO) – Qoyska Faadumo Nuur Maxamed wuxuu ka mid yahay afar boqol lixdan iyo shan qoys oo taniyo bishii March ee sanadkan ka barakacay xeryaha Kooweyn, Daryeel, Qoryooley iyo Wallaweyn oo ku yaalla degmada Kaxda markii cooshadihii ay ku noolaayeen ay ku gubteen dab ay sheegeen inuu uga yimid goobaha dhuxusha lagu shido oo laga ag sameeyay.
Haweeneydan oo degganeyd xerada Qoryooley gurigeedii wuxuu ka mid noqday labaatan aqal oo dabka ku gubtay saddexdii bishii May. Iyada iyo carruurteeda waxay u guureen Xerada Al-naciim oo ku taalla degmada Dayniile. Xaafadihii ay u xoogsi tagi jirtay ayay ka fogaatay 4 km. Waxay xustay in guuritaankan uu saameeyay dakhligii soo gali jiray iyo noloshooda guud.
“Hadda wax weyn oo saa’id ah ayaa iska key beddelay. Danta waxey igu kalifeysaa inaan salaadii soo kaco oo aan soo lugeeyo oo sidaas aan ciyaalkii wax ugu raadiyo. Dad macaamiil ah oo dhar loo dhaqayo ayaan lahaa, hadda meeshii saa’id ayaan uga dheeraaday,”ayey tiri.
Markii hore toddobaadka oo dhan ay shaqeyn jirtay, balse hadda waxey shaqeysaa shan bari. Waxay u lugeysaa afar saac oo sii socod iyo laabasho ah. Waxay xustay inay wajahayaan hoy xumo iyo hubanti la’aan dhanka cunnada ah.
Dabka ayaa qoys kasta si u saameeyay. Waxaa jira carruur iyo dad waayeello ah oo ku neef qabatoobay busta, qiiqa iyo huurka ka soo baxayay godadka dhuxusha lagu shidayay.
“Buushka iga gubtay waxaan ku dhistay lacag yar oo aan aruurinayay oo maalinba nus Doollar iyo hal Doollar aan iska gooyay ah. Labo boqol ayaa macal shaqaalihii leygu habeeyay. Haddana meesha aan degay waxaa iigu daboolan bac kaliya, wax aan ku dhistana ma haysto,” ayey tiri.
Faadumo ayaa keligeed u korisa saddex carruur agoon ah oo ay dhashay. Sanadkii 2019 ayey ka soo barakcday tuulada Bayaxow oo hoostagta magaalada Jowhar markii fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ay ka burburisay dukaan yar oo ay ku iibin jirtay maacuunta iyo raashiinka.
Qoysaska barakacay ayaa kiro ku degganaa dhulka ay leeyihiin dad deegaanka ah. Qoys kasta ayaana bishii laga qaadayay afar Doollar.
Qoyska Maxamed Aadan Isaaq 10 qof ah wuxuu ka barakaceen Xerada Kooweyn. Tobankii May ayay deggeen Kulmis. Ninkan ayaa nolosha reerka ka maareeya gaari gacan uu maalinkii ka helo $3 illaa $4. balse caqabadda uu la kulmo ayaa ah inuu ka fogaato meelihii uu uga shaqeysan gaariga.
“Gaari fuul ma haysano, magaaladii waa naga soo fogtahay. Gaari ma soo galo meesha. Habeenkii markuu gabalku dhaco jidkii ma mari kartid waa habeen.,”ayuu yiri.
Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in saddex carruur ah ay uga xanuunsadeen qiiqa, huurka iyo habaaska dhuxusha oo soo galay gurigiisa oo u dhowaa goob dhuxusha lagu shido oo dhabarka ka
saarneyd. Carruurta ayuu tilmaamay in neeftu ay ku dhegtay, kadibna uu geeyay isbitaalka Daryeel oo ah mid gaar loo leeyahay oo ku yaalla degmada Deyniile.
Lacag $260 ayuu xusay in isbitaalku uu ku soo dalacay. waxaase ka bixiyay ganacsato deegaanka ah oo uu xaaladda haysata u sheegay.
“Hadda wey ii fiican yihiin. Dad ayaa i garab qabtay markii ay carruurtii arkeen oo daawooyinka iyo qarashkii iga bixiyay,” ayuu yiri.
Qoyska Maxamed oo ahaa xoolo dhaqato ayaa sanadkii 2017 ka soo barakacay miyiga gobolka Shabeelaha dhexe markii ay abaarta ay ku waayeen 69 neef ari ah.
Xarumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ayaa la geeyay dad ay waxyeelo kasoo gaartay qiiqa dhuxusha ee laga shidayay xeryaha ay kunoolaayeen.
Maamulka isbitaalka Banaadir ayaa noo xaqiijiyay in loo keenay 13 qof oo xasaasiyad iyo cabbur kala kulmay dhuxusha. isbitaalka Daryeel waxaa isagana la geeyay toddobo qof. Bilihii April, May iyo June ayey bukaanadaas qaabileen isbitaaladu.
Agaasimaha Isbitaalka Daryeel ee degmada Deyniile Dhaqtar Cabdifitaax Maxamed Cali ayaa faahfaahinaya xaaladda bukaanada soo gaaray iyo adeegga ay u sameeyeen.
“Qaarkood naqaska ayaa ku soo xirmay, qaarkood sambabada ayaa shaqadii yareeyay. Dadkaas Saddex dad waa weyn ayey ahaayeen, afarna carruur. Latacaad badan ayaan u sameynay dhammaantoodna waan ku guuleysanay,” ayuu yiri.
Toddobo xarumood oo dhuxusha lagu shido ayaa ku yaalla hareeraha afarta xero ee laga barakacay. Dhuxusha waxaa shida ganacsato ku iibiya Muqdisho gudaheeda, kuwaas oo dhulka ka kireystay dadkii lahaa.
Gaadiid ayaa markii hore magaalada lagu keeni jiray dhuxusha oo diyaarsan oo jawaano ku jirta, balse howlgalada amni ee ka socda shabeelooyinka ee dowladda iyo Al-shabaab u dhexeeya ayaa sababay in Muqdisho lagu diyaariyo dhirta laga shido dhuxusha oo laga soo guro dhulka magaalada u dhow. Sida uu sheegay Cabdullaahi oo ka mid ah ganacsatada dhuxusha.
“Waxaan bannaanka ugu shidi weynay waad ogtihiin magaalada meel ka baxsan ma tagi karno amniga awgeed. Intaan soo galnay, meeshan ayaan kireysanay si aan ugu shaqeysano oo ilmaha qutul yoomkooda aan uga raadsano. Marka amarka alle wuu iska jiraa, dadka ka fogaada ayaan dhahnay meelaha lagu gubo dhuxusha,” ayuu yiri.
Sida Cabdullaahi noo sheegay ma aha dhuxushan mid loo dhoofiyo dibadda, balse waxey ka gadaan dadka Muqdisho. Asbuucii ayuu xusay iney soo saaraan 50 loor oo kiiba ay ku iibiyaan $10. Dhuxusha ayaa ah mid si xooggan looga isticmaalo Muqdisho, maadaama dad badan aysan awoodin iney iibsadaan gaaska cuntada lagu karsado.