Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo

Gabdho guur uga haray waxbarashada oo laga caawiyay inay dib ugu laabtaan iskuulkii ay dhiganayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
July 7, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gabdho guur uga haray waxbarashada oo laga caawiyay inay dib ugu laabtaan iskuulkii ay dhiganayeen

Hani Cabdalla oo gabadheeda yar caano siineysa ka hor inta aysan fasalka gelin/Naciimo Sciid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hani Cabdalla 16 jir carmal ah oo haysata gabar yar waxay iskuuleedii ka hartay sanad dugsiyeedkii 2020-2021 markii la guursaday. Sagaal bilood ka dib waxaa burburay qoyskeedii cusbaa. Waxay ka rajo dhigtay inay dib ugu laabato iskuulka iyo sii wadida geedi socodkii tacliinta ee u socday.

Maamulka iskuulkeeda oo si dhow ula socday xaaladeeda ayaa ku garab istaagay inay yeelato dhiiranaanta ay dib ugu soo xaadirtay fasalkeedii. Waxay ka mid tahay toban gabdhood oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah oo ay ka heleen bishii febraayo 2022 dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Boondheere.

“Wax aan filayeey ma aha laakiin aad baan ugu faraxsanahay isma dhahayn waxbarashada dib ayaad ugu laabanaysaa. Lakiin fursad labaad ayaan helay. Haddaan arko gabdhihii da,dayda ahaa oo dharkii iskuulka lagu dhiganayey wata oo aanan waxba ka dhihi karin waan iska oynayey meel baan fadhiisanayey aad baan u ciishoonayey ma lahayn rajadan oo kale,” ayay tiri.

Gabadhan ayaa sheegtay inay guursatay wiil 19 jir oo ay toddobaad keliya sheeko wadaag ahaayeen. Dedajinta guurkeeda waxay u sababaysay cabsi ay ka qabtay qoyskeeda. Sanad ayay la nooleyd qoyska wiilka qabay waxayse sheekadoodu ku dhamaatay kala tag.

Hani ayaa dib ugu soo guryo noqotay qoyskeeda oo ka kooban hooyadeed iyo 11 carruur agoon ah oo aan haysan dhaqaale ku filan noloshooda. Burburka qoyskeeda ayay xustay inaysan ku qanacsanayn balse ay ku noqotay qasab in ay aqbasho. Waxay tilmaantay inay ka dhaxashay murugo joogta ah oo raad weyn ku yeelatay ilaa hadda.

“Waxaan mar walba ilaabin guurka degdega ah kaas ayaa saameyn igu yeeshay waxbarashadayda iyo nolosheyda ayuu iga hor istaagay sida waxaan noqday qof laba lug leh oo hal lug ku istaagay sababto ah qofka aan u go’ay oo anaan nolol iyo daryeel ka helin. Markaan keligay ahay oo meel fariisto ayey igu soo dhacdaa waxaan isku dayaa inaan kaligay ahaado oo aanan dad dhex galin,” ayay tiri.

Gabadhan oo deggan Degmada Xamar Jajab ayaa shan maalin oo ka mid ah todobaadkii lug ku tagta goobteeda waxbarashada oo ku taalla Degmada Boondheere madaama qoyskeeda aanay awoodin in ay siiyaan lacagta gaari raaca.

Tagitaanka iskuulka waxaa mararka qaar ka caawiya arday fasalkeeda ah oo ay raacdo kuwaas oo ka bixiya bas fuulka. Sidoo kale waqtiyadda ay daahsan tahay waxay sheegtay inay gaadiidka dadweynaha ee maraya jidka ay ka codsato in ay usii dhaweeyaan iskuulkeeda.

“Lug baan ku imaada xarunta si aan walaalahay casharada ula qaato haddana ku laabtaa. Marmarka qaar lifti ayaan soo raaca anoo daalan baan imaada daalkaga wax ma ahee dib u dhigo ayaan is leeyahay maadooyiinkan yeey ku dhaafine. sidaas daradeed ayaan is dhaha ka harin waxbarashada,” ayay tiri.

Inta ay ku maqan tahay waxbarashada waxaa gabadha u haysa hooyadeed. Caanaha la siiyo waxay xustay in dayn looga soo qaado dukaan deris la ah. Qoyska ay u dhaxday ayay sheegtay inay bilaha qaar ka hesho $20 oo aan ku filneyd daryeelka gabadheeda yar.

“Cunugta hooyo iga caawisa caanaha iyo xafaayada, ayadoo i idhahaysa anaa haynayo ilmahan ayey ka mid tahay ayaan soo baxaa. Wax walba oo kugu dhaca qadar alla waaye,” ayay tiri.

Maamulaha iskuulkeeda iyo hooyadeed ayay sheegtay inay u ballan-qaadeen inay dhamaysan doonto waxbarashadeeda. Dhanka kale waxay xustay inaysan ku deg-degi doonin guur kale, hadda gabdhaha ayay ku dhiiri gelisaa inay wax bartaan beddelkii guurka.

Mar kale gabadhan waxaa dib u soo dhashay ubaxii rajada mustaqbalkeeda waxay qorsheynaysa inay dhibco sare ka keento imtixaanka fasalka 8aad oo ay ka gudbeyso ilaa fasalka 3aad ee dusgiga sare si ay u hesho deeq waxbarasho oo heer jamacadeed ah, madaama qoyskeeda aanay awoodin in ay ka bixiyaan waxbarasho lacag ah.

Nuurto Maxamed Caddow oo ah maamulaha xarunta ay Hani dhigato ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay inay waqtigeeda ugu badan ku bixin jirtay xiriirinta qoysaska ardayda, iyadoo ku adkayneysay inaysan gabdhaha u guurin intii lagu jiray fasaxyadii ka hortagga (karoonaha) balse ay ka niyad jabtay natiijada ay kala kulantay qaar ka mid ah ardaydeedii.

“Niyad jab bay kugu ridaysaa gabar la soo koriyeey oo la guursanayo fasalka sadexad ku jirta oo guursanaysa nin aan ku filneyn oo makhayad ka shaqeya ama bajaaj wada waxbarashada na ka caawin karin nolosha mida ugu liidata ayey ku jiraan. Niyad jab bay kugu noqonaysaa dhibaatada ku dhacday,” ayay tiri.

Gabdhaha la guursaday ayaa da’ ahaan u dhaxeeya 14-17 jir. Nuurto ayaa xaqiijisay inay intooda badan marayeen fasalka 8aad iyo kan 3aad ee dugsiga sare. Waalidiinta qaar ayay xustay inay ku qasbeen guurka rag aan haysan dhaqaale ay ku maareeyaan qoys.

Nuurto ayaa intaas ku dartay in dedaal wacyi gelin ah oo ay sameysay uu suura geliyay inay waxbarashasa ku soo celiso afar gabdhood oo la soo furay iyo toddobo kale oo hadda ku hawlan ka miro dhalinta geedigooda waxbarasho.

Previous Post

Boqollaal carruur ah oo waxbarashada ka doorbiday inay u shaqeeyaan qoysaskooda

Next Post

Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Related Posts

Arday, Somali
Wararkii u Danbeeyay

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

August 18, 2022
Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

August 16, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Conflict
Wararkii u Danbeeyay

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

August 16, 2022
IDP, Drought, Families
Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

August 15, 2022
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

August 12, 2022
Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda
Wararkii u Danbeeyay

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

August 10, 2022
Next Post
Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo