Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabdho guur uga haray waxbarashada oo laga caawiyay inay dib ugu laabtaan iskuulkii ay dhiganayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
July 7, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gabdho guur uga haray waxbarashada oo laga caawiyay inay dib ugu laabtaan iskuulkii ay dhiganayeen

Hani Cabdalla oo gabadheeda yar caano siineysa ka hor inta aysan fasalka gelin/Naciimo Sciid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hani Cabdalla 16 jir carmal ah oo haysata gabar yar waxay iskuuleedii ka hartay sanad dugsiyeedkii 2020-2021 markii la guursaday. Sagaal bilood ka dib waxaa burburay qoyskeedii cusbaa. Waxay ka rajo dhigtay inay dib ugu laabato iskuulka iyo sii wadida geedi socodkii tacliinta ee u socday.

Maamulka iskuulkeeda oo si dhow ula socday xaaladeeda ayaa ku garab istaagay inay yeelato dhiiranaanta ay dib ugu soo xaadirtay fasalkeedii. Waxay ka mid tahay toban gabdhood oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah oo ay ka heleen bishii febraayo 2022 dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Boondheere.

“Wax aan filayeey ma aha laakiin aad baan ugu faraxsanahay isma dhahayn waxbarashada dib ayaad ugu laabanaysaa. Lakiin fursad labaad ayaan helay. Haddaan arko gabdhihii da,dayda ahaa oo dharkii iskuulka lagu dhiganayey wata oo aanan waxba ka dhihi karin waan iska oynayey meel baan fadhiisanayey aad baan u ciishoonayey ma lahayn rajadan oo kale,” ayay tiri.

Gabadhan ayaa sheegtay inay guursatay wiil 19 jir oo ay toddobaad keliya sheeko wadaag ahaayeen. Dedajinta guurkeeda waxay u sababaysay cabsi ay ka qabtay qoyskeeda. Sanad ayay la nooleyd qoyska wiilka qabay waxayse sheekadoodu ku dhamaatay kala tag.

Hani ayaa dib ugu soo guryo noqotay qoyskeeda oo ka kooban hooyadeed iyo 11 carruur agoon ah oo aan haysan dhaqaale ku filan noloshooda. Burburka qoyskeeda ayay xustay inaysan ku qanacsanayn balse ay ku noqotay qasab in ay aqbasho. Waxay tilmaantay inay ka dhaxashay murugo joogta ah oo raad weyn ku yeelatay ilaa hadda.

“Waxaan mar walba ilaabin guurka degdega ah kaas ayaa saameyn igu yeeshay waxbarashadayda iyo nolosheyda ayuu iga hor istaagay sida waxaan noqday qof laba lug leh oo hal lug ku istaagay sababto ah qofka aan u go’ay oo anaan nolol iyo daryeel ka helin. Markaan keligay ahay oo meel fariisto ayey igu soo dhacdaa waxaan isku dayaa inaan kaligay ahaado oo aanan dad dhex galin,” ayay tiri.

Gabadhan oo deggan Degmada Xamar Jajab ayaa shan maalin oo ka mid ah todobaadkii lug ku tagta goobteeda waxbarashada oo ku taalla Degmada Boondheere madaama qoyskeeda aanay awoodin in ay siiyaan lacagta gaari raaca.

Tagitaanka iskuulka waxaa mararka qaar ka caawiya arday fasalkeeda ah oo ay raacdo kuwaas oo ka bixiya bas fuulka. Sidoo kale waqtiyadda ay daahsan tahay waxay sheegtay inay gaadiidka dadweynaha ee maraya jidka ay ka codsato in ay usii dhaweeyaan iskuulkeeda.

“Lug baan ku imaada xarunta si aan walaalahay casharada ula qaato haddana ku laabtaa. Marmarka qaar lifti ayaan soo raaca anoo daalan baan imaada daalkaga wax ma ahee dib u dhigo ayaan is leeyahay maadooyiinkan yeey ku dhaafine. sidaas daradeed ayaan is dhaha ka harin waxbarashada,” ayay tiri.

Inta ay ku maqan tahay waxbarashada waxaa gabadha u haysa hooyadeed. Caanaha la siiyo waxay xustay in dayn looga soo qaado dukaan deris la ah. Qoyska ay u dhaxday ayay sheegtay inay bilaha qaar ka hesho $20 oo aan ku filneyd daryeelka gabadheeda yar.

“Cunugta hooyo iga caawisa caanaha iyo xafaayada, ayadoo i idhahaysa anaa haynayo ilmahan ayey ka mid tahay ayaan soo baxaa. Wax walba oo kugu dhaca qadar alla waaye,” ayay tiri.

Maamulaha iskuulkeeda iyo hooyadeed ayay sheegtay inay u ballan-qaadeen inay dhamaysan doonto waxbarashadeeda. Dhanka kale waxay xustay inaysan ku deg-degi doonin guur kale, hadda gabdhaha ayay ku dhiiri gelisaa inay wax bartaan beddelkii guurka.

Mar kale gabadhan waxaa dib u soo dhashay ubaxii rajada mustaqbalkeeda waxay qorsheynaysa inay dhibco sare ka keento imtixaanka fasalka 8aad oo ay ka gudbeyso ilaa fasalka 3aad ee dusgiga sare si ay u hesho deeq waxbarasho oo heer jamacadeed ah, madaama qoyskeeda aanay awoodin in ay ka bixiyaan waxbarasho lacag ah.

Nuurto Maxamed Caddow oo ah maamulaha xarunta ay Hani dhigato ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay inay waqtigeeda ugu badan ku bixin jirtay xiriirinta qoysaska ardayda, iyadoo ku adkayneysay inaysan gabdhaha u guurin intii lagu jiray fasaxyadii ka hortagga (karoonaha) balse ay ka niyad jabtay natiijada ay kala kulantay qaar ka mid ah ardaydeedii.

“Niyad jab bay kugu ridaysaa gabar la soo koriyeey oo la guursanayo fasalka sadexad ku jirta oo guursanaysa nin aan ku filneyn oo makhayad ka shaqeya ama bajaaj wada waxbarashada na ka caawin karin nolosha mida ugu liidata ayey ku jiraan. Niyad jab bay kugu noqonaysaa dhibaatada ku dhacday,” ayay tiri.

Gabdhaha la guursaday ayaa da’ ahaan u dhaxeeya 14-17 jir. Nuurto ayaa xaqiijisay inay intooda badan marayeen fasalka 8aad iyo kan 3aad ee dugsiga sare. Waalidiinta qaar ayay xustay inay ku qasbeen guurka rag aan haysan dhaqaale ay ku maareeyaan qoys.

Nuurto ayaa intaas ku dartay in dedaal wacyi gelin ah oo ay sameysay uu suura geliyay inay waxbarashasa ku soo celiso afar gabdhood oo la soo furay iyo toddobo kale oo hadda ku hawlan ka miro dhalinta geedigooda waxbarasho.

Previous Post

Boqollaal carruur ah oo waxbarashada ka doorbiday inay u shaqeeyaan qoysaskooda

Next Post

Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

Muqdisho: Qoysas ka barakacaya xeryahooda oo laga ag furay goobo dhuxusha lagu gubo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo