(ERGO) – Samsam Jibriil Axmed waa 16 jir curad u ah qoys ka kooban 11 qof, waxay noloshooda ka maareeysaa lacag $20 ah oo ay bishii ka qaadato qoys ay nadaafadda guriga u qabato. Duruufta nololeed ee qoyskeeda ayaa ku riixday inay waxbarashada ka door biddo caawinta waalidkeed oo waayeel ah.
Waxay sheegtay inay qiirooto marka ay aragto gabdhaha da’deeda ah oo iskuul u socda. Afar walaalaheed ah oo kabaha dadka u caseeya ayaa kula jira halganka soo dhicinta biilka maalinlaha ah oo aysan joogto u helin.
“Waqtiyadda qaar cunta la’aan baa nagu dhacda. Waqtiyadda qaarna waan karsannaa. Ciyaalka caseeyaha markay ka yimadaan hal dollar, labo dollar waxay keenaan ba bariis qalayl ah iyo saliid baan iska karsannaa. Marka aan shaqeeyana xoogaa hilib ama jar jar ah ayaa loo soo gadaa oo raashinka loogu dhex kariyaa ilmaha,” ayay tiri.
Qoyska Samsam waxay ka soo barakaceen magaalada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay abaar uga leysay konton neef oo ari ah. Waxay billowgii 2022-ka barakacnimo ku soo gaareen magaalada Muqdisho, waxayna ku biireen xero ku taala degmada Dayniile.
Qoys ku nool xerada oo ay ku soo degeen ayay sheegtay inay ka codsadeen inay ka guraan ama ay la bixiyaan kirada dhulka ay ka degeen xerada. Tani ayaa keentay in magaalada ay dhinac ka galaan. Guri u aabbahaeed dhaxal ku leeyahay oo ku yaala degmada Kaxda ayay sheegtay in hadda ay ka degganyihiin labo qol oo jiingad ka sameeysan.
“Dad waxaan ku soo dagnay deggan kaamka. Dadkii waxay dhaheen ijaar dhiibta waan awoodi weynay, kaddib waxaan nimid guri aabbahay ay dhaxal ku leeyihiin. Guriga mar walba dagaal ayaa nalagu qaadaa oo waa nala ficlaa. Waxay naga dhigaan dad aysan iyagu dhalin, mar walbana waa nala gumeystaa, xataa isticmaalka musqusha,’’ ayay tiri.
Inkastoo ay duruuf adag ku shaqeeyaan afarta wiil ee la dhalatay, haddana waxay xustay in dhibaatada ugu weyn ay hadda wajahaan ay tahay caqabado isugu jira jir-dil, hanjabaad, iyo dhac ay si joogta ah ugala kulmaan dhallinyarada xaafadaha ee loo yaqaano (ciyaal weero), xilliyada ay ka soo hoyanayaan magaalada.
Waxay sheegtay in muddo hadda laga joogo laba bilood dhaawac garabka bidix laga gaarsiiyay walaalkeed ka yar xilli u soo hoyanayay, kaddib markii ay dhallinyarada mindi ku weerareen. Waxay ka qaateen qalabkii caseeyaha ee uu ku shaqeysanayay iyo raashin karsan oo uu qoyska u soo iibiyay.
Ka hor inta aysan abaarta ka soo barakacin gabadhan iyo walaalaheed ayaa ahaa arday wax ka barta dugsi quraan ku yaala degaankoodii. Balse hadda, dhamaantood ma haystaan waxbarasho waana shaqaale si joogta ah uga shaqeeya shaqooyiin aan awoodooda ahayn, qoyskoodana ma awoodan inay dib waxbarasho u geeyeen carruurtooda.
“Ma awoodno inaan waxbarasho gayno, ma haysano lacagtaas. Mar walba kaligey markaan noqdo niyadda ayaan ka ooya, waana fikiraa sababto ah qalbiga ayaan ka ooya walaalahay halkay wax iga baran lahayeen markaan laamiga ku arko, iyagoo kabo caseeynaya,’’ ayay tiri.
Samsam ayaa sheegtay in boqol iyo konton kun oo shillin Soomaali ah oo ay ku caawiyeen qoys ay qaraabo yihiin ay ku soo safreen. Waxay tilmaantay in Muqdisho ay ka filanayeen inay kaga bixi doonaan diifta soo gaartey.
Shaqooyinka ay qabtaan carruurta ka soo jeeda qoysaska barakaca ah iyo danyar waxaa ka mid ah xamaaliga oo ay kala kulmaan dhibooyinka maskaxeed iyo jireedba.
Nuur Aadan oo ah 12 jir agoon ah ayaa ka mid ah carruurta ku shaqeeya caseeyaha. Wuxuu shaqada caseeyaha oo uu maalinkii ka helo dhaqaale dhan 5-6 doolar wadaa bishii saddexaad. Wiilkan oo ah curudka qoys ka kooban shan carruur ah ayaa sheegay in lacagta u soo helo ay hooyadii ku kabto lacag dhan $3 oo ay dhar dhaqow ka soo hesho, sidaasna ay qoyska ku biilaan, maaddaama aysan lahayn il kale oo dhaqaale.
Wiilkan oo uu aabbihii oo ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha dhintay bishii kowaad ee sanadkan ayaa sheegay in danta ay bidday inuu caseeyo noqdo, si qoyskiisa ay u helaan quudka.
Nuur ayaa sheegay in lacagta ay soo shaqeyaan isaga iyo hooyadii aysan si buuxda u daboolin biilka qoyska. Wuxuu xusay inay degganyihiin guri ka kooban labo qol oo ku yaala xerada Daraawiishta ee Sayidka. Bishii ayuu sheegay inay bixiyaan lacag dhan $30. Biyaha ay isticmalaan ayuu tilmaamay in bishii laga qaado shan doolar.
“Aniga iyo hooyo ayaa guriga biilna, shan dollar iyo lix dollar lacagta aan soo helo hooyo ayaan siiya. Waxay ku soo gadaa raAshinka iyo adeega, lacagta aan soo shaqeeyo. Anagga dhar baan rabnaa, kabaan rabnaa lakiin lacag dhan ma haysanno,’’ ayuu yiri.
Nuur ayaa sheegay in maalinta Jimcaha uu fariisto iridka misaajidka Isbahaysiga, si uu dadka misaajidka imaanayaa ugu caseeyo kobahooda. Wuxuu xusay inuu helo lacag dhan sagaal doolar, taasi oo uu labo doolaar meel ka dhigo isbuuc walbo.
“Lacagta wixii aan soo shaqeeyo labba dollar baa laga bixiya, bishii ayaa waxbarashada looga bixiya afartoodaba way dhigtaan dugsi. Waxaa laga qaada siddeed doollar,” ayuu yiri.
Nuur ayaa sheegay in iskuulka uu ka haray afar berri kaddib markii u aabbihiis dhintay, si u doorkiisa uga qaato maaraynta nolosha qoyska.
Wuxuu rajaynayaa in marka uu gaaro da’da 15 jir inuu joojiyo shaqadan, dibna uu u billaabo waxbarashadiisa, haddii ay qoyskiisa helaan kaalmo ama ay gaaraan heer isku filnaansho ah.
Dhanka kale, Raxma Xasan Xuseen oo ah 13 jir ka soo jeeda qoys dan yar ah, waxay muddo dhan laba bilood qoyskeeda ku biilaysay lacag dhan $60, taasi oo ay bishii ka qaadato guri ay adeegto ka tahay.
Gabadhan oo ay qoyskeeda ka kooban yihiin 13 qof ayaa sheegtay in lagu soo daray qoysas ka soo barakacayay gobolka Bay si ay qoyskeeda ugu shaqeyso. Waxay Muqdisho soo gaartey bishii kowaad ee 2022.
Raxma ayaa xustay in qof ay qoyskeeda ku soo xireen uu u geeyay reer si ay adeegto ahaan ugu shaqeeyso. Waxay sheegtay in reerkas ay isaga tagtay markii ay u adkeysan weyday cadaadis ay ku hayeen. Waxay intaas raacisay in lacagta bisha aysan siinin muddadii ay u shaqeynaysay.
Qoys deris la ahaa reerkii ay u shaqeynaysay ayay sheegtay inay u geeyeen qoys kooban oo ay ku haysato nabad gelyo iyo xuquuq shaqo.
“Shaqadii igu horreeysay way dhib badnayd. Dadkayga lama hadli jirin, wax lambar ahna kama haysan. Hadda shaqadayda wax dhib ah kuma qabo. Alxamdulilaah, wax dhib ah, xanuun marka aan dareemo wax walba Waa la ii sameeya oo dhib dhan kuma qabo,’’ ayay tiri.
Inkastoo ay Raxma ku faraxsantahay shaqadeeda, haddana waxay sheegtay in lacagta mushahaarka ay qaadato aysan waxba ka reeban oo ay reerka u wada dirto.
“Abaar said ah baa meesha ka jirta wax kasta wali bay noqdeen, hadda way yaaban yihiin qoyskayga mar walba culeys baa la i saraa. Aniga le igu tashtaan bisha marka aan qaatana markii ba waan u tuuraa, maaddaama culayska abaarta jirta aan ogahay,” ayay tiri.