(ERGO) – Hab-nololeedka qoysas danyar ah oo la halgamayay nololmaalmeedka ayaa isbeddelay markii bishii Maarso ee 2022 loogu deeqay gaari-dameerro u noqday il dhaqaale.
Farxiya Cali Cumar oo ah, hooyo keligeed korsaneysa 11 carruur ah ayaa ka mid ah qoysaska barakaca ah ee ka faa’iidaysanaya karreetooyinka loo siiyey inay ku shaqeystaan.
“Karreetadii iyo dameerkii la i siiyey wax badan ayuu ii qabtay. Qoyska wuu caawiyey, nolal fiican oo aanan markii hore haysanin ayaan hada ku noolnahay. qoryahan ku guranaa, biyaha ayaan ku dhaansannaa, duleelo badan oo markii hore faydnaa ayuu iga soo ooday. ciyaalka baahidooda waxa iga daboola waa dameerka iyo karreetada la isiiyey,” ayay tiri Farxiya.
Inta uusan waagu baryin ayay ku shaqo tagtaa gaari-dameerka. Waxay maalinle u shubtaa afar fuusto oo ay ka hesho lacag dhan 300,012 oo Shiling Soomaali ah una dhiganta $12. Lacagtan ayay ku maaraysaa cuntada, waxabarashada carruurta iyo dameerka oo ay quudiso.
“Calaa cunug saddex doollar baan ka dhiibaa, toddobo cunug oo min saddex doollar ah, labaatan iyo kowda doollar ayaan dhiibaa iyo saddex dugsiga dhigta oo iyana $15 aan dhiibo bishi,” ayay tiri.
Farxiya ayaa horay uga shaqayn jirtay dhagax jabinta iyo dhismaha guryaha balse dhaqaalaha ka soo gala ayaa aad u yaraa.
“Maalin aan dhisme aado oo aan soo helo iyo maalin aan soo wayno, maalin aan aniga ciyaalka isdaba oradno suuqaas marna waa la heli jiray marna waa la wayn jiray,” ayay tiri.
Qoyska Farxiya ayaa ka soo barakacay baadiyaha degmada Afmadow sanadkii 2016 xilligaas oo qoyskeeda ay dhaafeen 35 neef oo lo’ahaa iyo 70 neef oo ari ahaa. Waxay hadda deggan yihiin xerada Midnimo ee magaalada Kismaayo.
Tirada qoysaska ka faa’iidaysanaya Karreetooyinka oo 20 ah ayaa isugu jira toban qoys oo barakac ah halka tobanka kale ay ka soo laabteen xeryaha qaxootiga Kenya.
Qabow Macow Hanfow oo 2015 ka soo noqotay xerada qaxootiga Kambi Cows ee Dhadhaab, ayaa maalinti hesha lacag dhan 260,000 oo Shilling Soomaali ah oo dollar ahaan u dhiganta 10, taasi oo meesha ka saartay hubanti laáanta raashinka ay cunaan carruurteeda oo agoon ah.
“Gaari-dameerka waa i caawiyay, biyo aan dad laga soo baryeyn baan ku keensadaa. Xaabo aan dad laga soo baryeyn baan ku keensadaa. Hadda waa ikaafiyaa wixii irsaaqad illaahay ii soo saaro waan qaata. waan ka raystay silicii iyo tuugsigii,” ayay tiri.
Qabow Macow waxaa u suuragalay inay iskuul hoose dhexe geyso siddeed ka mid ah carruurteeda isla markaana bil walba ay ka bixiso $24 oo ay ka goyso lacagta ka soo gasha gaari-dameerka.
Shaqadeeda cusub ayay tilmaamtay inay uga nasatay shaqada dhismaha guryaha oo u aheyd isha keliya ee ay ka maareyso nolosha carruurteeda.
“Waan ka raystay dhismadii. Waxaad tagaysaa 6:00 AM waxaad ka soo tagaysaa salaadda cishe markii laga baxo saddex saac oo habeennimo, ilmo aadan ka warqabin, boqol iyo sodon kun ayaad soo qaadan, qaar adiga aad cuni, boqol iyo toban ayaad la soo hoyan,” ayay tiri.
Dhaqaalaha ka soo gala shaqada biyo dhaaminta iyo xaabo guridda oo ay u adeegsato gaari-dameerka ayaa awood u siisay inay saddex wakhti cunno u hesho carruurteeda.
Gudoomiyaha xaafadda Midnimo ee Kismaayo Mahad Maxamed Xassan ayaan waydiinay sida lagu sooo xulay qoysaskan. “Reer xaasa in uu yahay, ugu yaraan qoys ka kooban dhowr iyo toban, leh qof u wadi kara, karreetada ugu shaqeeya waa qaabkii loo xulaayey bay ku jirtay,” ayuu yiri
Waxyaabaha kale ee qoysaska lagu soo doortay waxaa ka mid ah inay haystaan carruur aqoon ah iyo inay xubno dumar ah u yihiin dadka lagu tiirsan yahay biil iyo xoogba.
Karreetooyinka iyo dameeraha lagu caawiyay qoysaskan saboolka ah waxaa bixisay hay’adda Alight oo kaashanaysa hay’adda Iskaashiga Jarmalka ee JIZ.











