Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka siddeed boqol oo qoys oo sanadkan ku soo barakacay magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya helidda adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin gaar ahaan xilliga uurka iyo foosha.

Xaliimo Xasan oo ka tirsan haweenkaas ayaa la nool xannuunka isku furanka oo ku dhacay laba bilood ka hor markii ay awoodi wayday inay aaddo isbitaal, maadaama ay ka fogyiin goobaha caafimaadka xerada ay deggan yihiin ee Waaqle degmada Kaxda. Sadddex beri oo ay foolanaysay ayaa badashay guud ahaan nolol-maalmeedkeedi.

“Xannuun badan ayaan dareemay, dhib badan ayaan la kulmay, dhiig badan ayaa iga baxay intaan xanuunsanaa, nolashayda saamayn ayuu ku yeeshay xanuunkan laakiin waan noolahay Alle mahaddii,”ayay tiri Xaliimo oo aad uga walwalsan isbeddelka ku yimid.

Qoyska Xaliimo ayaa ku nool cunto hal wakhti ah oo aan isku dheelitirnayn maadaama aysan awoodin inay shaqo aaddo xaaladda haysta awgeed oo ah inaysan xakamayn Karin kaadida.

“Bannaanka ayay iga sheeg sheegaan oo way idhahaan way isku kaadisaa, haweenka xaafadda ila degan waxba ma qariyaan, markay ilmuhu is dagaalaan waxay i dhahaan isku kaadisooy, waan iska amuusa Ilaahay baa arkaya,’’ ayay tiri.

Marka laga soo tago adeeg caafimaad la’aanta ka jirta xerada Waaqle waxaa intaa u dheer dadka ku nool cunto yari, hoy xumo iyo biyo yari. Labaatanka liitar ee biyaha ayaa la gadaa laba senti, haweenka xerada deggan oo qabto shaqooyin u badan naafadda ayaa maalintii hela ugu badnaan hal doollar.

Xaliimo ayaa sheegtay in xanuunka ku dhacay awgiis ay kala tageen ninkeedii oo hadda ay koriso saddex carruur ah, inkastoo ay sheegtay in mararka ay caawimaad aan joogto ahayn ka hesho aabbaha carruurta.

Qoyskan oo beeralay ahaa kuna noolaa gobolka Baay ayaa soo degay xerada bishi labaad ee sanadkan.

Qoysaskan oo ka kala yimid gobollada Baay, Bakool, Shabeelaha iyo jubbooyinka ayaa waxaa saameeyey abaaro, fataahado iyo colaado soo noqnoqday oo guud ahaanba meesha ka saaray noloshoodii aasaasiga ahayd.

Iisha Isaaq Maxamed oo haysta laba carruur ah hadana xaamilo ah ayaa aad uga welwalsen xaalkeeda foosha. Waxay ka cabsi qabtaa inay la kulanto dhibaatada ay la kulmeen haweenka kale ee xerada kula nool. Waxay ku nooshahay buul yar oo ka samaysan maryo iyo qoryo la isku xirxiray.

“Derin ma haysto. Aniga hadda dhulkan seexanaya. Marka la adimaayo aniga waan dharaarsanaya, waan iska kacaya deriintii baan iska fufujinaya,” ayay tiri.

Cabsidda ugu badan ee Iisha ayaa ah sida ay ku heli doonto daryeel caafimaad maadama xerada aysan laheyn goob cafimaad, gaadiid iyo waddooyiin. Waxaa sii welwel gelineysa xasuusta walaasheed oo shan bilood ka hor halis caafimaad kala kulantay fool ku dheeraatay.

“Xerada Waxaa jooga laba haween oo umulisoonyin ah oo kaliya, annaga adeeg fiican Ayaan u baahannahay mana gaarno MCH-ka,”ayuu yiri Iisha.

Qoyskan ayaa ahaa beeralay ku tiirsan dalagyada u soo baxa, waxay sheegtay in nolosha qoyska ay ku tiirsaneyd aabbaha oo ka shaqayn jiray shaqooyin xamaali ah balse hadda uu dib ugu noqday degaankoodii si uu uga faa’iídeysto roobka gu’ga oo uu filayo in uu dib ugu abuurto beerta.

Xaawo Cali Nuur oo ah mid ka mid ah laba umuliso dhaqameed oo si bilaash ah u caawiya haweenka foolanaya ayaa sheegtay in shantii bil ee la sooo dhaafay ay kaalmaysay lix iyo labaatan haween ah oo u baahnaa gargaar deg deg ah.

Xaawo ma haysato qalab caafimaad oo buuxa iyo aqoon caafimaad oo ku hagaysa daryeelka iyo kala badbaadinta hooyooyinka ay taakuleyso balse waxay haysataa tilmaamo iyo tusaalooyin dhaxal ah oo ay ka baratay haweenay eeddo u ahayd oo umuliso dhaqameed aheyd.

“Sakiin iyo bacdaan iyo suufkaan waa igu filan yihiin, dumarka uurka leh tabar darro badan ayay haysta oo raashin nafaqo leh ma cunaan oo wax nafteeda urroon guriga lagama helayo. Nafaqo darro ayaa haysa marka cunugga ma xamili karto hooyada,” ayay tiri Xaawo.

Haweenka inta badan la kulma halista caafimaad xilliga foosha waxay da’doodu  u dhexeysaa 15-30 jir sida ay sheegtay umuliso Xaliimo Cali Nuur.

Previous Post

Garowe: Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga hilibka geela oo hubanti la’aan cunno galaya

Next Post

Haween la daalaadhacayay maareynta nolosha qoysaskooda oo helay shaqo abuur

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Haween la daalaadhacayay maareynta nolosha qoysaskooda oo helay shaqo abuur

Haween la daalaadhacayay maareynta nolosha qoysaskooda oo helay shaqo abuur

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo