Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Garowe: Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga hilibka geela oo hubanti la’aan cunno galaya

Radio Ergo by Radio Ergo
June 6, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga hilibka geela oo hubanti la’aan cunno galaya

File Photo/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labaatan haween ah oo hilibka geela ku iibin jiray kawaanka magaalada Garowe ayaa qoysaskoodu ay wajahayaan xaalado dhanka nolosha ah markii abaartu ay saameysay ganacsigii ay ku tiirsanaayeen.

Waxey sheegeen in hilibka geelu uu yaraaday, sidoo kalana uu aad u qaaliyoobay tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii meelo fog loola hayaamay geela qalliinka ah ee seyladda la keeni jiray.

Xaliimo Maxamed Jaamac ayaa ka mid ah haweenka arrintani ay saameysay. Raadiyow Ergo ayey u sheegtay in suuq xumida heshay ay sababtay in ay sii wadi weydo shaqadeeda oo maalinkii ay ka heli jirtay ku dhowaad $20.

Danta ayaa ku qasabtay bishii March iney degto xero barakac oo la yiraahdo Kara-kataa oo ku taalla magaalada Garowe, si ay uga baaqsato kirada guriga, halkaasna ay uga hesho raashiin bishiiba mar ay bixiso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP. Waana waxa kaliya ee ay ku tiirsan yihiin qoyskeeda oo deggan aqal cooshad ah oo ay dhisteen.

“Xerada markii aanu nimid anagoo qariib ah, dad kaarar meel ka qaadan jiray ayaa i kaxeeyay. Waa ley soo qoray maalinkaas, adigu lacag $65 ayaa ku soo dhacda. Waayadii hore wax fiican ayey goysay balse hadda sicir barar ayaa jira oo caagadii saliida aheyd ayaa mareysa toban doolar. Mar haaf haaf ayey noo goysaa. Hadda nolosha meel ay wax naga soo galaan intaas ayaa jirta oo aan meel u fadhinaa. Intaas ayaan qaadanaa markey bishu dhammaato, marka intaas ayaanba ku liibaanay oo nolosheena badbaadisay oo ilmaha bariiskooda loogu kariyaa,” ayay tiri.

Xaalad nolol xumo ayey xustay iney la soo gudboonaatay qoyskeeda oo iyada un ku tiirsanaa. Waxaa ku adkaaday iney helaan raashiin ay cunaan, waxey awoodi weyday iney bixiso kirada guriga ay degganaayeen oo bishii aheyd $40, sidoo kale waxaa waxbarashada ka haray saddex carruur ah oo wax u baranayay.

Xaliimo oo qoyskeedu uu ka koobanyahay toddobo qof oo kala ah seygeeda oo aan shaqeyn, shan carruur ah iyo iyada ayaa sheegtay in shaqo la’aanta heshay ay sidoo kale saameysay waxbarashada saddex carruur ah oo u dhigan jiray dugsi hoose iyo dhexe, balse hadda aan waxba baran.

“Iskuul iyo dugsi toona iima dhigtaan gurigey ii joogaan, iyagoo waliba aad u murugoonaya oo niyad jabsan. Ilmaha markii uu arko faciis oo wax baranaya, isaguna uusan waxbabaraneyn wuu isla hadlayaa qofkii caqli leh wuu dareemayaa, marka waa iska heli doonaan haddii ay noolyihiin, jawigaa is bedeli doona, laakiin hadda jawi adag ayaan ku jirnaa oo busaarad ah ama dhaqaale xumo ah,” ayay tiri.

Waxey tilmaamtay inay awoodi weyday in ay ka bixiso lacagta iskuulka oo $33 wadarteedu ay aheyd bishii.

Suuqa ayaa looga yeeshay deyn $800 ah, taas oo wali ay ku leeyihiin ganacsato amaah ay uga soo qaadan jirtay hilibka geela, kadibna lacagta ay u celin jirtay marka ay iibiso.

“Shaqadii suuqu waa socon weyday. Sicir barar ayaa dhacay, deymo ayaa leysku yeeshay. Markaan arkay in deyntii igu sii badaneyso ayaan ka haray. Marka sidaas ayaa igu kaliftay inaan iska joojiyo,” ayay tiri.

Haweenka Xaliimo ay ka mid tahay ayaa noo sheegay in 40- 55 kiilo ay ku soo qaadan jireen $150 inta uusan qaali noqon, balse markii dambe uu gaaray $230, taas oo caqabad ku noqotay dumarkan oo si tafaariiq ah miisaskooda ugu gadi jiray hilibka.

Istaahiil Faarax Ali oo ah hooyada lix carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in muddo shan sano ah nolosha qoyskeeda ay ka maareyn jirtay hilibka geela, ayna dabari jirtay cunnada, waxbarashada iyo guri kiro ah oo ay daganeyd. Balse intaasba wey awoodi weyday markii meesha ay ka baxday shaqadii ay ku tiirsaneyd. Danta ayaa biday sidey xustay iney dulsaar ku noqdaan reer qaraabo ay yihiin oo Garowe ay kula nool yihiin tan iyo horraantii bishii January xilligaas oo uu xirmay ganacsigeedu.

“Waagii hore nolol maalmeedkeyga waan heli jiray, sicir barar ayaa nagu kacay. Waan wareernay, dadkii xoolihiisi anagey nagu go’een. Iskuulkii lacagtiisa, dugsigii, biyihii, leyrkii iyo gurigii kiradiisa wixii wey ku filnaan waayeen,” ayay tiri.

Istaahiil ayaa sheegtay in waxbarashada laga soo eryay bishii labaad ee sanadkan saddex carruur ah oo u dhiganayay dugsi dhexe iyo sare, kadib markii ay ku adkaatay iney bixiso $41 oo laga qaadi jiray guud ahaan bil walba, balse maamulka iskuulka oo ay u sheegtay duruufteeda ayaa aqbalay in lacag la’aan ay ku dhigtaan iskuulka.

Caqabaduhu intaas kuma ekeyn sidey xustay. Bishii labaad ee sanadkan maxkamad madani ah oo Garowe ku taalla ayaa loo soo taagay deyn afar kun oo Doollar ah oo ay ku yeesheen ganacsatadii ay ka soo qaadan jirtay hilibka. Labo kun oo kamid ah lacagtaas waxaa ka bixiyay qaraabadeeda, balse inta hartay oo la muddeeyay iney bixiso dhammaadka bisha lixaad wax xal ah uma hayso weli.

“Waqtii hore ilmaha waan iska korsan jiray, waan ladnaa, ma deymoobi jirin. Waxaan ahaa qof kaligeed reer iyo carruur u shaqeysa oo aan laga sareyn oo guri kiro ah ku jirtay oo wax kasta laga rabo. Deyn faro badan ayaan galay. Dadkii hilibka ayaa deynta igu yeeshay. Waa i xirteen, adigu deyntii waxna dadbaa iga bixiyay, waxna wali waa leyga sugayaa, anne sidan ayuu xaalkeygu yahay,” ayay tiri.

Qiimaha neefka geela ah ee heerka dhexe ayaa ka hor abaarta waxaa lagu iibsanayay lix ilaa toddobo boqol Doollar, balse hadda wuxuu marayaa $900 ilaa kun Doollar. Geela ayaa hadda dhul fog looga soo qaadaa gaari kiro ah, waana sababta uu qaali u noqday, halka markii hore oo uu magaalada u dhowaa, lugna lagu keeni jiray, sida ay noo sheegtay Jawaahir ismaaciil Axmed oo ka mid ah haweenka hilibka iibin jiray, balse sicir bararka dartiis suuqa ka baxday bishii December, sanadkii 2021.

Jawaahir oo ah hooyo keligeed korisa afar carruur ah oo lagu furay ayaa xustay in xaalad adag ay la soo deristay markii ay istaagtay shaqadii ay ku tiirsaneyd, taasoo maalinkii ay ka heli jirtay illaa $15.

Shaqadan oo ay ka shaqeyneysay labo sano iyo bar ayaa markii ay meesha ka baxday waxey tilmaantay iney ku adkaatay iney hesho cunno ay karsadaan, ayna iska bixiso kirada guri ay ku deganeyd $80. Iyada iyo carruurteeda ayaa hadda ku nool guri bilaash ah oo ay ku caawiyeen qaraabadeeda oo sidoo kale ka taageera raashiinka ay cunaan.

“Walaal xaalad adag oo wareer leh oo isla sheekeysi leh oo niyad jab iyo nolol xun aan galay ayey aheyd. Afar habeen oo xiriir ah hurdo ma anaan seexan, waan ooyay oo waan niyad jabay. Waan isku dhex yaacay, balse markii dambe Qur’aan ayaa ley saaray oo dib u dajin ayaa ley sameeyay. Hooyo kaligeed ilmo korineysa adigoo dhaqaale iyo waxba hayn waa nolol aad u adag oo dayac miiran ah,” ayay tiri.

Previous Post

Baladweyne: Qoysas barakac cusub ah oo buux dhaafinaya xeryaha magaalada

Next Post

Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo