(ERGO) – Kummanaan qoys oo abaar darteed uga soo barakacay gobolada Baay, Bakool, dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo deegaano kamid ah gobolka Hiiraan ayaa soo gaaray Baladweyne saddexdii bilood ee ugu danbeeyey kuwaas oo biiray xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla duleedka magaalada.
Qoyska Ayaan Xasan Cabdi oo ka mid ah qoysaska cusub waxay ka soo barakaceen miyiga degmada Xudur oo ka tirsan gobolka Bakool. Iyada iyo carruurteeda 23-kii Abrill ayay soo gaareen xerada Nasteexo oo ku taalla duleedka Baladweyne. Waxaa ku haysta dhibaatooyin ay cunno xumo ugu horreyso.
“Aniga qoyskayga noloshooda aad ayey ciriir u tahay. 7 carruur ah ayaan wataa. Ilmahayga mid shaqo hadda gaaray malaha waa iska yar yar yahiin, wax aan haysano malaha maanta. Dhinaca cunada aad ayey inooga liidataa. Cidaha ayaan is ka martinayey wax meel inoo saaran malaha.
Carruurta hal waqti ayaa dabka u shidaa sida fiidkii oo kale ama duhurkii ayaan dabka wax ku shubanaa,” ayay tiri.
Saygeeda ayey sheegtay inay uga soo tagtay degaankii ay kasoo barakaceen. Korinta iyo barbaarinta carruurta ayay la daalaa-dhacaysaa. Abaarta ayey sheegtay in ay ku yeelatay saameyn nololeed oo toos ah madaama xoolihii ay dhaqaneeyeen oo dhan ay ka dhamaadeen.
“Lixdan neef oo ari ah iyo 5 neef oo lo’ah ayaa dhaqan jiray. Abaartii ayey iga raaceen, abaartiina waa dabo dheeraatay. Hal neef innooma harin 3 sano roob fiican ma helin. Ceel ayaa cabi jiray ceelkiina biyaha waaka gureeyn. meel biyo la’aan ahna lama joogi karo,” ayay tiri.
Ujeedka barakacooda ayaa ahaa inay ka baxaan hubanti la’aanta cunto iyo duruufaha kale ee nolosha. Balse waxay xerada kula derseen musqul la’aan, biyo la’aan iyo hoy xumo.
Xeryaha ay soo deggeen dadkan cusub ee abaaraha kasoo guuray ayaa ku yaala intooda badan duleedka magaalada Baladweyne kuwaas oo aysan ka jirin adeegyada nolosha aas aasiga u ah.
Faadumo Maxamed Cabdulle Gudoomiyaha xerada Lagu barakacay ee Nasteexo ayaa sheegtay in maalin walba ay dad cusub soo gaaraan xerada kuwaas oo aad u liidan. Waxay xustay in dadku ay is kor dagayaan isla markaana ay u sameeyeen soo dhaweeyn kooban.
“Xerada waa buuxsatay, dadka cusub ee imaaday iyo kuwii horey u daganaa waa is qaadan waayeen ilaa 200 oo qoys ayaa imaaday. Waxaan u sameeynay hoy kooban bacahii ayaan usoo iibinay, raashinkii ugu horreeyey ee dabka ku shidanayeen ayaa usoo aruurinay, aniga iyo dad kale oo muxsiniin,” ayay tiri.
Walaaca jira ayaa ah inay soo galaan xerada dad hor leh kuwaas oo sii kordhin kara culeysyada. Xerada malaha goobo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyadoo sidoo kale aysan ka jirin xarumo laga xoog-sado.
Cismaan Daahir Jamaal oo kamid ah dadkii ugu danbeeyey ee xerada yimid wuxuu kasoo barakacay Qallaafe. Waxaa guri u ah cooshad aan laheyn awood difaac.
“Hoyga waxaan ku jiraa bush hal xijaab iyo busti la saaray oo xitaa bac waan awoodi waayey wax aan ku gato. Caruurta qaar ayaa iga xanuunsaday xitaa oo aan wax aan ku daaweeyo uheyn,” ayuu yiri.
Ninkan oo ahaa xoolo-dhaqato beeraley ah waxaa saameeyay biyo yarida webiga Shabeelle iyo sare ukaca ku yimid qiimaha shidaalka oo uu awoodi waayay. Dalagyadii ugu danbeeyey ee uu tacbay bishii fabraayo 2022 ayuu sheegay inuu u waayey biyo uu ku waraabiyo.
Dhowr mar oo uu isku dayay wax tacbasho ayuu xusay inuu qasaare galay. Wuxuu tilmaamay in lagu leeyahay 309 doollar oo uu abuur iyo daawo ugu qaaday beer 4 hektar ah oo ku lahaa degaankii uu kasoo qaxay. Wuxuu go’aansaday inuu soo beegsado xeradan oo fuustadii biyaha ah ay ka joogto $2.
“Magaalada wax shaqo aan ka aqaano malaha. Dhul qodoto ayaa iska ahaa faash ayaan ka aqaana, faashkiina meel aan ugu shaqeeyo malaha magaalada. waan iska aadaa aniga oo aana waxba wadin ayaan imaana. Cunada waa iska ciriiri, habeen waa iska qadaa habeena waa iska quudanaa,” ayuu yiri.
Soddon neef oo ari ah oo u joogtay ayuu xaqiijiyay in abaartu ka saameysay oo qaarkood ay ka dhinteen halka kuwii usoo harayna uu deyn degaanka looga lahaa isaga bixiyey.
Maamulka Baladwayne ayaa sheegay inay qorsheynayaan in dhul gaar ah loo diyaariyo dadka abaaraha kasoo barakacay ee magaalada u soo nolol raadsaday.
Gudoomiye Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa sheegay in xeryaha ay ka jirto ciriiri dhanka hoyga, cunnada iyo musqulaha ah isla markaana qoysas badan oo soo barakacay ay is-dul-dageen.
“Dhowr kaam ayaan tagay. Runtii waxaan kusoo arkay dad aad uliito oo aad la yaabeyso noloshooda sida ay tahay. qof aan fadhiga ka kicI Karin ayaan soo aragnay,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ilaa iyo hadda aysan wax gar-gaar ah gaarsiinin dadkaasi balse wuxuu xusay inay wadaan qiimeyn lagu ogaanayo meelaha ay dadkaasi deggeen iyo xaaladooda sida ay tahay.
Ugu danbeeyn Gudoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay Hay’adaha iyo dowlada Soomaaliya in dadkaasi lala soo gaaro gurmad bani-aadanimo oo deg deg ah si looga samata-bixiyo duruufaha ay la nool yihiin.










