(ERGO) – Labo iyo toban haween ah oo barakac ku ah xerada Xaq-dhowr ee degmada Kaxda oo dul saar ku ahaa qoysas kale, ayaa nolol maalmeedka qoysaskooda ka hela farsamooyin gacanta ah oo ay ku midoobeen bishii Febraayo ee 2022.
Haweenkan ayaa si wadajir ah u sameeya xarko, dermo, danbiillo iyo xaaqinada dhulka lagu nadiifiyo. Lacag ay iska aruuriyaan ayay ku soo iibsadaan agabka ay ka sameeyaan. sheeyada ay soo saaraan waxay geeyaan suuqa kadibna faa’iidada uga soo baxda ayay si siman u qeybsataan.
Xaliimo Xuseen Cusmaan waxay shaqadan ka biishaa toddobo carruur ah labo aqoon ah iyo shan lagu furay. Taniyo markii ay billowday xirfaddeeda gacanta waxay u heshaa cunno maalinle ah.
“Maanta nolol fiican ayaan ku haysanaa. Haddii adigoo maanta saddex wakhti haysan aad hesho hal wakhti alxamdullilaah. Noloshaanada gacmaheena iyo xirfad ayaan ku helnaa. Aniga meel ka shaqeysanno ma aqoonin. Habeen iyo maalin sidaan isaga fadhino ayay qorraxdu noogu dhici jirtay,” ayay tiri.
Xaliimo waxay qaabilsan tahay tidcidda xarkaha. Waxay mashquul ku tahay wakhtigeeda inta ugu badan furfuridda jawaanada ay wax ka soohdo.
Hal abuurkooda ayaa u noqday mid ay ka heleen dakhli kor u qaaday heerkooda nolosha. Helidda fekradda kulmisay cududooda farsamo waxay ka dhalatay duruufo la soo dersay qoysaskooda.
“Culeys dhanka nolosha ah ayaa na soo wajahay. Annaga waxba ma aanan haysan dad iska tabaaleysan oo saaxiibul ciyaalna waan aheyn, dhibkaas ayaa noo geeyay. Annagoo baago muuddo ah iska fadhina ayaan go’aansanay inaan fekradaheenna isku darsano. Hawshii waa noo socotaa sidaas ayaan ku helnaa quutul yowmka,” ayay tiri.
Xirfadaha ay isku biiriyeen ayaa u iftiimiyay yididiilo nololeed, iyagoo quus taagnaa. Xaliimo waxaa u suura gashay inay labo ka mid ah carruurteeda ay geyso dugsi. Afar kale oo waxbarasho gaaray ayay ku hanweyn tahay inay iskuul geyso haddii ay shaqadeedu u sii ballaarato.
Haweenka ay midka tahay Xaliimo waxay sidoo kale kala faa’iideystaan farsamadda mid weliba gaarkeeda u taqaanno. Maalmaha ay ka nasanayaan shaqada waxay ku kulmaan geed qurac ah oo xeradooda ku yaalla, iyagoo casharro farsamada ah kala meersada.
“Qofka aan masafta aqoonin qofka kale wuu baraa. Qofka aan xariga aqoonin qofka kale uu baraa,” ayay tiri.
Haweenkan oo ka soo barakacay meelo kala duwan, waxay xirfadahan kala yimaadaan deegaanadoodii, waxay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in laga caawiyo sidii ay u hormarin lahaayeen shaqadooda iyo sidii ay u bari lahaayeen dumar kale ee farsamada u baahan.
Qoyska Xaliimo waxay Xerada Soo degeen horraantii 2021, markii ay colaad uga soo careen Jubbooyinka. Waxay ku lahaayeen beer iyo makhaayad la cunteeyo. Walwal kama haysanin helidda quudka.
“Soorteenna godka ayay noogu jirtay waan soo shiidan jirnay. Caanaheena xoolaha ayaan ka lisan jirnay. Caddeydaan intaan ku aragnay, anagga xagga macsaro ayaan cuni jirtay oo canbuullo ku cuni jirnay, canbuullo iyo digir ayaan isku dersan jirtay,” ayay tiri
Gaari dameer iyo neefaf ari oo u xirnaa ayay xusty inay uga soo dhaqaaqday tuuladeedii markii uu dagaal uga billowday si lama filaan ah.
Intii aan wareysanayay waxaa indhaheeda ku soo istaagay ilmo markii ay dib xasuusay nolosheedii barakaca ka hor. Markii ay soo gaareen halkan waxaa u billowday halgan nololeed adag.
“Waxaan dareemay in habeenkii meel lagu hoydo laheyn, meelaadan aqoonin cabsi tahay, haddii caruurtu kaa lunto meelaad ugu hagaagto laheyn. Walwal carruurta ilaali, meel aad biyo u doonayo ma taqaanin,” ayay tiri
Haweeneydan ayaa sheegtay in noloshii miyiga walba lacag la’aan ahaayeen, haseyeeshee halkan tallaabadiii la qaadaba ay kharas u baahan tahay.
Muddo kadib nolosha barakaca ayay la qabsadeen bal se weli waxaa haysta culeysyo dhanka nolosha ah sida masruufka reerka oo ciriiri ku ah.
Shaqada ay la waddo haweenka oo ku baahan wakhti badan darteed, waxay toddobaadkii wax soo saaraan labo jeer keliya. Waxay ka helaan markiiba lacag u dhaxeysa $5-10 doollar.
Haweenkan oo leh xirfado kala duwan, waxay isku bahaysteen inay aqoontooda isku kaashadaan si ay noloshooda u beddelaan.
Warsan Cabdullaahi Cali oo ka mid ah haweenka is garabsada waxay shaqadan farsamada ah ka quudisaa saddex caruur ah oo ay ayeeyo u tahay.
“Shaqeyda waa tolmada masafaha, hawsheeda haddii la iska helo way iska wanaagsan tahay. Wax kaloo hadda qabsano ayaanan haysan ee ma lacag badna, sidaan ugu rafaadeyno iyo lacagteeda isma laha. Waan iska jacbursannaa, suuqa markaan geeyo maalin saddex dollar ayaa ii gadmaya, maalin shan dollar, maalin labo dollar,” ayay tiri.
Inta aysan ku soo biirin kooxda haweenka ah, ayay sheegtay inuu dakhligeeda hooseeyay. Iskaashiga ayay tilmaamtay inuu u suura geliyay inay soo saaraan xadad ka badan tiradii ay keliyeed sameyn jirtay.
Qoyska Warsan 2021 ayay ka soo barakaceen Fafax Dhuun oo hoos tagta Caasimadda gobolka Gedo. Roob yari ayay u abuuran waayeen beer ay lahaayeen. Sidoo kale abaarta ayaa ka laysay 40 oo ari ah oo ay xoolo ka haysteen.
Markii ay xerada timid waxay ku soo dul degtay gabar ay eeddo u tahay oo miis khudaar lagu gado leh. Markii ay xirfaddan ku dhiiratay waxay dhisatay buush, iyadoo awooday inay dabkeeda gaar u shidato.
Caaliya Xaaji Cumar oo ah hooyada 13 carruur ah, waxay cuntada iyo marashada qoyska ka soo saartaa shaqada farsamada gacanta ee kala dhaxeysa haweenka.
“Waxa ka soo baxa sida ay noo gaarto ayaan u qeybsanaa ha yaraado ha badnaado. Mar ayaanba laga heleynin intii lagu soo gaday, marna faa’iido waa laga helaa. farsamada gacanta waxaa iga soo gala quutul yowka aan dabka ku shidanno kama waayo,” ayay tiri.
Caaliya carruurta ay koriso waxaa u dheer, waxay haysaa hooyadeed oo da’ ah. Subaxa hore inta aan la gaarin xilliga ay billaabaan shaqadooda wadaagga ah.
Qoyskeeda oo badan darteed Caaliya waxay tilmaantay inuusan u filneyd dhaqaalaha farsamada ka soo gala, maalin kasta subaxa hore ayay ku dhex wareejisaa xerada qaxye ay baco ku xirxirto.
Waxay sheegtay inay ka hesho hal doollar iyo bar u noqda kab. Shaqada dhar dhaqidda ayaa u aheyd isha ay ku tiirsan yihiin balse waxay sheegtay inay joojisay markii dhowr mar lagu inkiray lacagtii lagula heshiiyay.
Haweenkan waxay hal abuurkooda kaga nasteen shaqooyinkii adkaa ee ay qaban jireen sida dhar dhaqidda. Xirfadaha ay ku midoobay ayaa ku hanweyn inay mustaqbalka isku filnaan dhaqaale ku gaaraan farsamadooda.











