Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bakool: Qoysas abaarta ku xoolo beelay oo ka faa’iidaysanaya kab lacageed bille loo siiyo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 31, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news

Fartuun Warsame oo ah hoyo ka soo barakacday abaar ku qabsatay Bakool waxaa dhexda uga soo dhimatay labo carruur ah oo ay dhashay/Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aniso Cabdi Aadan oo ah hooyada lix carruur ah waxay ku faraxsan tahay in carruurteeda ay u hesho raashin ay u kariso labo waqti maalinkii. Haweeneydan oo barakac ku ah degmada Ceelbarde tan iyo bishii Sebtember ee sanadkii 2021 waxay la daala dhaceysay quudinta carruurteeda. Waxaa bishii Abriil ee sanadkan loo billaabay caawinaad lacageed oo  $60 ah, taasi oo ay ka hesho hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP una socon doonta saddex bil. Aniso waxay sheegtay inay lacagtan u fududeysay maareynta nolosha qoyska.

“Magaalada biyaha waa la iibiyaa. Culeys aad u weyn ayaa jira. Biyaha fuustadii waxaa lagaa siinayaa boqol iyo konton riyaal ($2.1). Boqol iyo kontonka, annagu awoodeena ma’ahan – kayar wax kaa gadaayo malahan. Lixdanka doollaar biyaha xagiisa waan kaga ladnaanay. Qoyska aan ka koobannahay waa siddeed qof. Fuusto biyo oo toban jirkaan qaado oo siddeed qof oo ilmo yar ay joogaan waad dareemi kartaa. Annaga hay’adda inta ay inoo imaatay waxaan noqonay dad ladan oo ilmo iyo dad waaweyn meesha ay ku ladnaadeen, dadka caadiga ee magaalada ku dhaqan ayaan lamid noqonay,” ayay tiri.

Haweeneydan oo ka mid ah kun sagaal boqol, sagaashan iyo afar qoys oo xoolo-dhaqato ah, kuwaasi oo ku xoolo beelay abaarta ayaa sheegtay in hay’adda WFP ay siin jirtay raashin gaargaar ah laga soo billaabo bishii Diseembar ee sanadkii 2021 ilaa iyo bishii Maarso ee 2022. Balse waxay xustay in raashinka loogu beddelay lacagtan $60 ah bishii Abriil ee sanadkan.

Aniso ayaa carruurteeda ula soo barakacday degmada Ceelbarde kaddib markii ay abaar uga laysay 74 neef oo ka mid ahaa 78 neef oo ari ah oo ay ku dhaqanaysay tuulada War-garweyne oo 17 km u jirta Ceelbarde.

Ka hor deeqdan waxay nolol-maalmeedka qoyskeeda ka maareynaysay lacag ay ka heshay lix neef oo uga haray xoolihii, kuwaasi oo ay ku iibisay lacag yar maaddaama ay abaarta aad u saameysay oo ay noqdeen weyd. Neefkii ugu dambeyay ayay sheegtay inay ku iibisay 800 oo u dhiganta 11 doolaar.

Aniso oo 31 jir ah waxay qoyskeedu ku hoydaan aqal Soomaali ay ka dhisteen dhul bannaan oo maamulka degmada Ceelbarde ugu talagalay inay dagaan dadka abaaraha ka soo barakacay.

Degmooyinka Rabdhuure iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool waa meelaha ugu daran ee abaaraha ay ka jiraan maadaama ilaa hadda wali aanu ka di’in roobkii gu’ga. Kumanaan qoys oo xoolo dhaqato ah oo ku cayroobay abaarta ayaa magaalooyinka ku dhow soo maciin bidday si ay noloshooda u baadbaadsadaan.

Hay’adda WFP ayaa gargaarka u soo marisay qoysaskan hay’adda maxalliga ee ASIP oo ka shaqeeysa arrimaha bani’adanimada.

Madaxa kaydka cunnada ee hay’adda ASIP, Cusmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in ka hor inta aysan billaabin bixinta gargaarka ay sahmiyeen nolosha dadka abaaraha ka soo barakacay ee soo gaarey labada degmo. Wuxuu sheegay inay la kaashadeen maamulka labada degmo oo sidaas ay ku soo xusheen 2,700 qoys oo ah kuwa aadka u liita ee ay abaartu aadka u saameysay.

“WFP waxay inoo sheegtay in ay jirto fan la’aan. Sidaa darteed 1994 qoys ayay tiri ayaan fan u helayaa. sidaa ayaa sababtay in qoysaska ay bar wax helaan barna wax waayaan”.

Maxamed Cabdi Bile oo ah aabbaha 16 carruur ah ayaa sheegay in $60-ka ee la siiyay u isaga bixiyay dayn lagu lahaa. Ninkan oo u soo barakacay magaalada Washaaqo oo 25 km ka xigta Rabdhuure dhanka galbeed ayaa sheegay in lacagta ay u soo dhacday xilli loo haystay dayn uu 59 neef oo ari ah oo xoolaha uga badbaaday biyo ugu iibiyay.

“Markii uu gaadiidkii iga dhintay ee aan soo-aroori waayay ayaan dalbaday saddex iyo toban mooto oo min $22 oo biyo deyn ayay ii shubaysay. lacagtii markii ay soo dhacday ninkii ayaa i ag taagnaa ninkii ayaana igala wareegay. deyntii kale ee intaa dheeraadka ka ahaana wuu igu haystaa oo wuu igu leeyahay,” ayuu yiri.

Maxamed wuxuu abaarta ku waayay 229 neef oo ari ah oo uu ku dhaqanayay tuulada Darmaan-jiid oo 33 km u jirta degmada Rabdhuure. Wuxuu bishii Maarso ee sanadkan go’aansaday inuu la soo barakaco xoolaha u soo haray, wuxuuna u soo guuray magaalada Washaaqo si ay xoolihiisa biyo ugu helaan. Wuxuu hadda ku noolyahay guri hoori ah oo uu ka dhistay magaalada Washaaqo, kaasi oo ay iskula hoydan qoyskiisa oo labo xaas ah.

Wuxuu xusay in nolosha qoyska uu hadda ka maareyo lacag uu ka helay saddex neef oo ari ah, kuwaasi oo uu ku iibiyay isku darkooda 2,300 oo bir una dhiganta 32 Doollaar.

“Lacagtaan sadaxda waqti lama kariyo, ka subax ka subax ayaa loo karinayaa. Habeenkiinna xoogaa rinjji ayaa loo karinayaa. Subaxdiina xoogaa raashin ayaa loo karinayaa, dharaarna wax qado la dhaho ma jirto sidaa ayuuna reerka ku nool yahay,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Previous Post

Laascaanood: Boqol haween ah oo kobac ganacsi dareemaya, markii laga taageeray suuq ay ku ganacsadaan

Next Post

Haween barakac ah oo isku kaashanaya soo saaridda biilka qoysaskooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Art, skills, tradition

Haween barakac ah oo isku kaashanaya soo saaridda biilka qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo