(ERGO) – Caasha Cali Maxamed oo iibisa hilibka xoolaha waxay dareemeysaa kobac ganacsi tan iyo markii ay boos saddex mitir ah ka heshay suuq-cusub oo 15-kii bishii April laga hirgaliyay magaalada Laascaanood. Hooyadaan oo dayac kala kulmi jirtay hareeraha waddooyinka oo ay ku ganacsan jirtay waxay heshay macaamiil badan oo ku xiran goobteeda ganacsi, nasiino iyo meel ammaan ah oo ay ku xafidato ganacsigeeda.
Waxay ka mid tahay boqol haween ah oo dowladda hoose ee Laascaanood ay u dhistay suuqaan, kuwaas oo ganacsigooda la guurguuri jiray boos la’aanta darteed, Caasho oo ah hooyada siddeed carruur ah muddo ka badan 30 sano ayay ahayd ganacsato garab rarato ah, waxay sheegtay in booska laga siiyay suuqa uu ka caawiyay sare-u-kaca ganacsi iyo in ay kordhiso ariga ay qasho.
Waxay sheegtay in faa’iidada ka madax bannaanka lafaha ee si maalinle ah u soo gasha ay korortay.
“Halkan waa faa’iido, waxaan gadi jiray saddex kiilo oo hilib ah haddana ilaa toban kiilo baan gadaa. Toddobo kiilo oo hilib ah ayaa ii kordhay dadkaana waa ila mid. Tii neef qali jirtay labo ayaa u qalan, waxaa sababay harka, fadhiga iyo kicitaanka oo aan lagaba kacayn. Marna waan ag-seexaneynaa marna waxbaa ku ag-cuneynaa marna waxbaan ku iibsaneynaa. Kaba tagi meyno, markii hore qorax iyo roobbaa nahayay, waxaan faa’iido heli jiray $4 ama $5 haddeerna ilaa $20 baa laga helaa. Reer dhan baan ku biilaa”ayay tiri.
Is-baddelka dhaqaale ee Caasha ay ka heshay suuqaan ayaa wax wayn ka taray nolol maalmeedka qoyskeeda. Saddex waqti ayay maalintii dabka saarta waxay cunaan, halka markii hore ay si dirqi ah ku heli jireen mar ama labo jeer faa’iidada ay heli jirtay oo yaraa awgeed.
Dhibaatada dhaqaale yari ee ay ku qabtay suuq la’aanta waxaa u wehliyay kicin joogta ah oo ay kala kulmi jirtay ganacsatada leh bakhaarada ay ku hor ganacsan jirtay iyo ciidamada ammaanka oo kala eryi jiray dad ay ka mid tahay Caasha marka suuqa saxmaddiisu ay badato.
Waxay sheegtay in ay qasaaro badan kala kulmi jirtay nadaafad-darrada ku dhici jirtay hilibka oo bannaanyaal u ahaa boorka ama ciidda ay dabeyluhu wadaan, taasi oo sababi jirtay in dadka ay iska diidaan in ay iibsadaan.
Waxay xustay, in hilibka neef ari ah oo ay qashay aan laga iibsan. Arrintaan ayaa qasaare u horseedi jirtay hooyadan. Waxay sharraxaysaa duruufihii joogtada ahaa ee ay ku shaqayn jirtay ka hor suuqeeda cusub.
“Caqabad wayn baan ku qabnay haddii ay gaari tahay haddii ay dabeyl tahay haddii ay culay aan sii sidno tahay illeen hilibkiibaa qaadaysaa mar walba waad raran tahay. Adoo dhibban baa marna culays sii siddaa marna soo siddaa. Gaari ama qof baad isku dhacaysaan adigoo culeyskii sida oo hilibkii la ordaya, oo is leh miiska gaarsii, qorraxdii horta aan fadhinay waanka reysannay, roobkii iyo dayicii nahaystay waan ka reysannay, qofkastana ilaahey baa irsaaqdiisa qoray halkaas baa wax looga iibsanayaa”ayay tiri.
Booska laga siiyay suuqa waxaa uga dhisan sandaqad uu dhex-yaallo miis ay ku ganacsato iyo tallaagad qaboojiye ah hilibka ay ku kaydsato, kuwaas oo dowladda hoose ay siisay, waxay tilmaantay Caasha in ay labo laabmeen dadka wax ka iibsada tan iyo markii ay u soo wareegtay suuqa loo dhisay haweenka.
Suuqaan oo lagu magaacbo Nafaqo wuxuu ka kooban yahay qaybaha khudaarta, hilibka iyo raashinka. Dowladda hoose ee Laascaanood waxay sheegtay in ay ku baxday dhismahiisa qarash lacageed oo dhan $40,000.
Xogyahaha dowladda hoose Abdikariin Dubbed Boos ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qorshaha suuqaan ay ka leeyihiin uu yahay sare u qaadida gacansiga haweenka iyo in ay helaan goobo ay ku dhowraan badqabka cunnada ay iibinayaan. Haddaba sidee ayay ku soo xusheen haweenka suuqa ay dajiyeen.
“Dadkii xaqa u lahaa waxay noqdeen dadkii bacaad-yaalka ahaa ee bannaanka fadhiyay, dadkii boosaska ama guryaha degganaa maahan dadka meesha fadhiya, waa liis laga baaraan dagay waa dadkii ugu mudnaa in la dajiyo, dhowr waxyaabood oo dhibaato ah ayaa jiray, kow waxay ku ganacsan jireen waddadii dadka iyo baabuurtu marayeen, marka xigta waxay degganaayeen meel qorrax ah, marka saddexaad nadaafadda waxaa ay gadayaan oo ah hilibka iyo khudaarta gaar ahaan hilibka waxay daris la ahaayeen meesha gawaaridu mareyso, haddii ay tahay dhas iyo boor iyo dhib kasta way ku qabeen, meesha ay hadda deggan yihiin waxay noqon doontaa meel ay mustaqbalka u aayi doonaan hadana ay ka faa’iideysan doonaan”ayuu yiri.
Koos Axmed Faarax waxay ka mid tahay dadka fursadaha fiican ka helay suuqa loo dhisay oo ay ku ganacsaneyso muddo bil ka badan, waxay sheegtay in ay iskaga filnaatay nolol-maalmeedka qoyskeeda iyo qarashka waxbarasho afar carruur ah oo dhigta iskuulka hoose dhexe ee Laascaanood oo markii hore ku adkaa maaddama lacag ku filan aysan u soo xaroon jirin.
Waxay xustay, In ganacsigeeda ay ka hesho maalintii $25 oo faa’iido ah, taasi oo saddex laab ka badan intii markii hore ay heli jirtay oo ahaa $6 ama ka yar, waxay ku faraxsan tahay in ay u soo wareegto goob ammaan ah oo suuq fiican ay ku haysato.
“Waxaa isbaddelay anoo faa’iido fiican helay, anigoo dugsi fariistay, anigoo xitaa ilmaha haddii aan meesha uga tago uu save ii yahay oo guri ay iigu jiraan, sidoo kale waxaan rajayneynaa in aan roobka kaga raysanno iyo waddadii aannu fadhinay, sidoo kale ganacsiga markii hore wax yar baa noo gadmi jiray haddeer wax fiican baa nala ka gataa. Waxaa u sabab ah in dhaqaalaha isbaddelo hoyga aannu soo galnay”ayay tiri.
Muddo toban sano ah ayay sheegtay Koos in ay baylah ku ahayd jidadka dhexmara suuqyada magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ku wajihi jirtay dhaca tuugada, qorraxda iyo rooba, waxay xustay in horumar kasta oo ay ka sameyn lahayd ganacsigeeda uu cuuryaamiyay boos la’aanta, taasi oo ay rajayneyso in ay meesha ka baxdo.











