(ERGO) – Cabdixamiid Cali Isaaq oo 55 jir ah wuxuu nolosha qoyskiisa ka soo saari jiray tumidda iyo afeynta agabka beeraha lagu falo. Bal se goobtiisii shaqo ayaa xirantay bishii 2aad 2022 markii uu waayay wax dalab farsamo ah oo u yimaada.
Ninkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in macaamiishii ka iibsan jiray wax-soo-saarkiisa oo iskugu jiray beeraley iyo xoolo-dhaqato ay ku xaroodeen xeryo ku yaalla Xudur ee gobolka Bakool, halka qaar kalana ay u hayaameen degaanno ka fog, markii ay saameysay abaarta soo laalaabatay.
“Inta aysan abaartu dhicin shaqadeenna waxbaan ka heli jirnay, laakiin markii abaartu saa’id noqtay dadka tumaalada ah beeraha ayay ku tiirsanaayeen oo wax ka iibsan jiray iyagiina abaarta saameysay, dadkii baadiyaha ee aan la macaamili lahaa iyagii ayaa abaartu gashay oo xoolihii iyo wixii ka dhamaadeen. Xudur ayay u soo guureen. Waxaan arkay qaar aan u suubin jiray alaabaha oo barakac ku ah magaalada, aniga shaqadeyda markay sidaan noqotay suuqaan qaraabtaa, iskarbeel iyo buruskoo ayaan wataa Gaari-dameerda halaabay ayaan sameeyaa iyo gaariga markuu soo Burburo,” ayuu yiri.
Ka hor shaqo la’aanta soo wajahday Cabdixamiid wuxuu wax-soo-saarka farsamadiisa ka heli jiray maalintii lacag u dhaxeysa $10 ilaa $15, taasi oo hadda meesha ka baxaday, dhaqaalaha soo galayay ayaa ku filnaa qoyskiisa oo xilligaan cunno-xumo wajahaya.
Wuxuu nolol-maalmeedka qoyskiisa ka raadiyaa shaqo aan joogto ahayn taas oo ah hagaajinta gaari-dameerada cilladooba isagoo subax walba fariista waddada dhinaceeda si uu u helo qof u baahan in loo dayactiro gaadiidka.
Shaqadaan ayuu sheegay inuu ka helo lacag ka yar $2 toddobaadkii mararka qaarna uu waayo, wuxuu ka dayriyay xaaladda ay ku jiraan qoyskiisa oo 8 qof ah wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxday ishii dhaqaale ee uu ku dabbari jiray noloshooda.
Wuxuu xusay in 24-kii saacba hal mar oo ka mid ah qoyskiisu in uu helo waxay cunaan, toddobaadkii lacagta uu helo ayaa ka yar qiimaha lacageed ee Xudur ay ka joogaan labada kiilo ee burka ah oo ah $2.2 ah, Xudur oo go’doonsan siddeed sano. Wuxuu sharraxayaa qaab oo uu ku helo raashinka carruurtiisa uu dabka u saaro.
“Raashiinka maalin dhaaf baan u helnaa, tolka baan iska shaxaadaa, dadkaas aan naqaanno kii wax haysta ayaan shaxaadnaa, qof muruq-maal ah oo shaqaysanayay oo xooggiisa wax ku waayay ayaan ahay. Muruq-maal sidiisa waa alyowm tumaal baan ku tiirsanayn tumaalna maleh,” ayuu yiri Cabdixamiid.
Afar ka mid ah carruurtiisa oo saddex wiil iyo gabar ah ayuu ka walaacsan yahay in waxbarashada ay uga haraan dhaqaale la’aanta la soo daristay, kuwaas oo dhiganaya fasallada saddexaad iyo lixaad ee iskuulka hoose iyo dhexe ee Maama geedi oo ku yaallada degmada Xudur. Waxaa lagu leeyahay lacagta labo bilood oo ku baaqatay oo ah 48 doollar.
“Iskuulka waan kasayaa [maamulkiisa] waan u tagaa, xaaladdeydana waan u sheegaa si ay u samraan oo ay iiga sugaan lacagta marka ay carruurtayda soo eryaan, waxbarashada saacaddaan aan kula hadlayo mid dugsi (diini) iyo mid iskuul kun ma dhiibo,” ayuu yiri.
Cabdixamiid muddo 40 sano ah ayuu ka shaqeynayay xirfadda bir tumidda. Wuxuu ka dhaxlay goobtiisa shaqo oo jirta wax ka badan boqol-sano aabbihii sida uu sheegay, hase ahaatee waxay xilligan u albaaabo laaban tahay macaamiil la’aanta darteed.
Dadka weli ku sii faro adeygaya wax-soo-saarka faryamadooda waxaa ka mid ah Isxaaq Cali Kuusow oo ah aabbaha 10 carruur ah, wuxuu sheegay in isaga iyo wiil uu dhalay ay goobtiisa shaqada tagaan toddobaadkii sadddex maalin oo ka mid ah.
Shantii bil ee u danbeeyay waxaa meesha ka baxay macaamiil badan oo ka dalban jiray in uu u sameeyo agabka beeraha iyo kuwa laga isticmaalo miyiga, wuxuu sheegay in uu iskudayay hoos u dhigidda qiimaha lagu iibiyo agabka uu sameeyo si dhaqaale u helo laakiin cid ka gorgorisay xitaa uu waayay.
“Xiligii abaarta laga fiicnaa lacag fiican ayaa wax ku iibsan jirnay, 200 ilaa 300 Shiling soomaali ah ayaa sheeygii aad iibinaysaa sida masaarta oo 60 Shilin soomaali ah. Waxaan gaarnay in aan wayno qof shay qaadanaya hadda ama dad kuu imaanaaya,” ayuu yiri Isxaaq.
Isxaaq oo 60 jir ah wuxuu sheegay in baagamuuddada uu ka doorbiday in uu ku nagaado maalmaha qaar goobtiisa shaqo, maaddama uusan lahayn xirfad kale oo uu kaga dabaasho dhaqaale xumada haysa.
Hooyada carruurtiisa ayuu tilmaamay in uu qoysku uu ku tiirsan yahay xilligaan, dhaqaale ay ka hesho dukaan ay ku iibiso bagaashka ayay ka soo saartaa labo waqti waxay cunnaan maalintii.
Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ah madaxa arrimaha bulshada degmada Xudur ayaa u sheegay Raadiyow Ergo in lagama-maarmaan ay tahay sii jiritaanka wax-soo-saarka xoogsatada biraha tuma, maaddama agabka ay sameeyaan uu wax tar u leeyahay wax-soo-saarka dalka sida beeraha.
Intaas wuxuu ku daray in labada caqabad ee haysta ay yihiin abaarta oo saameysay dadkii wax ka iibsan jiray iyo go’doonka saaran Xudur oo ka hor istaagay in wax-soo-saarkooda ay u suuq geeyaan magaalooyinka waawayn.
“Deegaanka oo dhan bay abaartu saameysay, qorshaheena waxaa waaye in dowladda aan ka tirsannahay iyo hay’addaha samafalka aan u qaylo dhaaminno wax hadda ku caawineyno oo noo keydsan malahan,” ayuu yiri guddoomiyaha.