Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas sedex xilli roobaad aan wax beeran oo sheegay in gugan aysan ka faaídeysan abuur la’aan awgeed

Radio Ergo by Radio Ergo
May 24, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia latest news

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo qoys oo ah beeraleyda degaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug ayaa xilli roobaadkan gu’ga rajo ka qabin tabcashada beerahooda. Afarti xilli roobaad ee la soo dhaafay ma jirin wax dalag ah oo u soo baxay maadaama roobku aad u yaraa. Qoysaskan ayaa intooda badan soo galay magaalada si waxay ku noolaadaan uga helaan dadka ay ehelka yihiin iyo shaqooyin xamaali ah.

Cali Xuseen Yuusuf oo ka tirsan beeralaydan ayaa sheegay in beertiisa oo saddex hiktar ah uu isku dayay inuu ku abuuro dalagayo ay ka mid yihiin digir, mesaggo, galley,qare iyo sisin,balse wuxuu sheegay in uu waayey wax uu ku abuuro, taasi oo ku dhalisay niyad jab.

“Waagii hore waxaan ka heli jiray raashinka beerta ka baxa ayaan qayb ka dhigi jiray oo aan abuurka kale u isticmaali jiray. Sanadkan wax lagu abuuraa maba ka bixin oo loo dhigo, raashinkii kale ee diyaaradaha lagu keeno qaali ayuu noqday,” ayuu yiri Cali oo aad uga welwelsan nolosha qoyskiisa oo ka kooban 13 qof.

Nolosha qoyskan ayaa ku tiirsanayd wax soo saarka beerta, balse waxaa u weheliya 30 neef oo ari ah, oo aan iib iyo qallin midna galin maadaama abaarta oo sababtay biyo iyo daaq la’aan ay saamaysay. Qoyska Cali ayaa hadda ku tiirsan raashin uu dayn ku soo qaado iyo caawimaad uu marmar ka helo dad ay ehel yihiin. Waxaa lagu leeyahay lacag dhan $457 tan iyo bishi November ee sanadki hore. Qoyskan ayaa hadda degan qol oo ku caawiyay Cali adeerkii.

“Ilaahey ayaa xaalkan naga dabooli kara haddii aanan wax naga saacida aanan helin fasalkan sidaas ayuu nagu dhaafay, waa dareemi kartaa nin dalaggii uu isticnaaji jirayna uu sidaas ka noqday xoolihiisiina ay sidaas ka yihiin nolol dhib badan oo cusub weeye,”.

Isbeddelka dhaqaale ee ku yimid qoyskan ayaa sababay in bishi November ee sanadkii hore saddex ka tirsan carruurtiisa ay ka hareen dugsiga hoose dhexe kadib marki ay dhammaatay fursad lix bilood ahayd oo uu ka codsaday maamulka dugsiga, taasi oo ahayd in carruurtu sii wadataan waxbarashada balse rajadaasi ma noqon mid hirgashay oo jiilaalka ayaa dheeraaday.

Faadumo Muuse Yaasin oo haysata 12 carruur ah oo agoon ah ayaa hadda noloshooda ka soo saarta xaabo ay ka soo gurto duleedka magaalada Camaara oo ay ku badalato raashin aan badnayn. Waxay ku nooshahay guri jiingad ah oo ay ka dhisatay dhul ay siiyeen qoys ay qaraabo yihiin kadib markii ay ka soo guurtay

miyiga oo ay ku lahayd beer ay uga bixi jireen dalagyo ay ka soo saari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.

“Intaan qorya doono oo soo xanbaaro oo duudka soo saaro ayaan tukaamada kaga badashaa raashin, rubac sonkor ah ama koonbo badar ah ayay iigoysaa oo aan kala soo baxa, waa tumaa, waan kariyaa qofba weel ayaan ugu shubaa koobab ayaan ugu shubaa oo ku kala gaarsiiyaa,” ayay tiri Faadumo.

Qoyska Faadumo ayaa soo degay magaalada Camaara bishi Abriil ee sanadkan kadib marki muddo sedex xilli roobaad ah aysan abuurin beerteeda oo laba hiktar ah oo ku taalla duleedka magaalada.

Durraan Aadan Cali wuxuu duleedka magaalaa ku lahaa beer 2 hiktar ah oo ay uga bixi jireen qare,digir,mesaggo iyo galley, wuxuu u iibgayn jiray suuqyada magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Baxdo, dhaqaalaha ka soo gala ayuu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa laakiin taasi hadda meesha way ka baxday.

Durraan markii ay beertiisa waxba soo saari wayday wuxuu soo galay magaalada, wuxuuna billaabay in uu ka xamaasho goobaha ay ka socdaan dhismayaasha oo uu kala soo baxo nolol maamlmeedka qoyskiisa balse taas ayaa meesha ka baxday kadib markii ay saamayn ku yeelatay abaarta oo keentay dhacday dhaqaale yari.

“Wallaahi hadda meel Ilaahay talo iisaaro maahane hadda meel aan iraahdo meeshaas baan u socdaa ma aqaan,” ayuu yiri Durraan.

Qoyska Durraan oo bishi Abriil soo galay magaalada kana kooban sagaal qof ayaa ku nool qol uu ka dhistay dhul ay leedahay hooyadiis.

Previous Post

Dhallinyaro ka baxay jaamacado iyo iskuullo oo shaqooyin ku helay xirfado ay ka barteen online-ka

Next Post

Xudur: farsamo-yaqaannada biraha tuma oo ka walaacsan goobahooda shaqada oo xirmaya

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Mogadishu live news, IDPs

Xudur: farsamo-yaqaannada biraha tuma oo ka walaacsan goobahooda shaqada oo xirmaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo