Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro ka baxay jaamacado iyo iskuullo oo shaqooyin ku helay xirfado ay ka barteen online-ka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 24, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Entrepreneur, Somalia

A group of youth in a computer class/File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fartuun Cabdiraxmaan Aadan waxay ku han-weyneyd inay shaqo ku heleyso cilmiga ay baratay marka ay dhameyso jaamacadda balse sidaas uga rumoobin riyadeedii. Waxay filanaysay shaqo ay ku taageerto qoyskeeda. Hase-yeeshee waxay qeyb ka noqotay da’yarta shaqo la’aanta ah. Si ay uga gudubto caqabaddan, waxay billowday inay si iskeeda ah isaga barto online-ka xirfadda macallinimada oo bilaash ah, iyadoo ka faa’ideysanaysa teknoolojiyadda iyo internet-ka.

Kadib labo sano oo ay u hawlaneyd waxbarasheeda gaarka ah waxaa u suura gashay in bishii July ee sanadkii 2019-kii ay aasaasto xarunta Al-najaax Online Education oo qaab online ah ay dadka wax uga barto. Xaruntan ayaa isbeddel u horseeday nolosha qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof. Qoyskeeda oo aan lahayn il-dhaqaale oo kale ayay sheegtay inay ka maareyso lacagta ay ka hesho shaqadeeda macallinimada. Waxay bishii $100 ka bixisaa kirada guriga ay ku noolyihiin oo ka kooban labo qol. Sidoo kale biilka maalinlaha ee qoyska iyo kharashka waxbarashada walaalaheed ayay sheegtay inay iyada bixiso.

“Dadaal iyo juhdi ayaan galiyay. Dhaqaale fiican ayaa intii aan waday iga soo gashay. sababtii aan u galay ayaa ahayd inaan fikirkaygana gudbiyo, dhaqaale aan ehelkayga iyo naftayda wax ugu qabto aan helo. Alxamdulilaah dhaqaale fiican ayaa iga soo galay, mushahar shan-dollar ayaan bishii ka qaada qofka marka ay bil-bil tahay. Marka la isku bixinayana saddex bil, waxaan ka qaadaa [short] ayaan u sameeya, 15 dollar ayaan ka qaada,” ayay tiri.

Gabadhan dhallinyarada ah oo ku nool magaaladda Garoowe ee gabolka Nugaal, sida ay u sheegtay Raadiyow Ergo, waxaa hadda iskuulkeeda wax uga barta habka online-ka, ilaa 100 arday oo isugu jira kuwa ku nool dalka iyo dibaddiisa. Waxay bartaa luuqada carabiga, tarabiyadda carruurta, luuqada Ingriiska iyo waxbarashada aasaasiga ee maadiga, sida xisaabta.

Waxay xustay in casharada ay u duubto maqal iyo muuqaal, kaddibna ardayda ugu dirto bar ay si koox ah ugu kulmaan oo ay ku leeyihiin aaladaha lagu xiriiro ee whatsapp-ka iyo telegram-ka. Si ay ula socoto fahamka ardayda ayay sheegtay inay koox koox isugu darto oo ay u dirto mowduucyo ay ka soo shaqeyaan, kaddibna ay u soo jeediyaan fasalka. Waxay sharaxeysaa qaabka ay ardayda isku diiwangeliyaan.

“Waxay isku soo diwaangaliyaan page-baan leenahay Alnajaax online education. Youtubkeena, Insgramkeena iyo telegram waxaan soo dhigaa linkiga diwaangalinta iyo lamabarada ay na kala soo xiriiri karaan. Qofka magaciisa, lambarkiisa, emailkiisa, magaalada uu joogo, sawir teesaro ah iyo maadada u rabo inuu barto ayuu noo soo diraa. Kaddib, xogtaas waxay ku soo dhacda emaylkayga, sidaas ayaan anna ku gashadda buugga diwaangalinta, kaddibna, qofkii sidaas ayaan ugu soo daraa fasalka, faahfaahin dheerad ahna aan u siiyaa,” ayay tiri

Gabadhan oo ah 28 jir, ayaa tilmaamtay in xirfadda macallinimada ay weligeed jecleed. Waxay xustay in aabbaheed uu soo ahaa macallin wax ka bara iskuulada ku yaala magaalada Garowe, isla markaana ay uga dayatay xirfaddan macallinimada. Waxay 2018-kii ka qallin jabisay kulliyadda shareecadda ee jaamacadda Boosaaso University.

Fartuun oo ah curadda qoyskeeda ayaa sheegtay in nolosha qoyskeeda culeys soo food saarey kaddib markii uu aabbaheed uga fariistay shaqadiisa macallinimada da’ iyo cafimaad darro la soo deristay. Waxay intaas raacisay in intii ay jaamacadda dhiganeysay ay biilka qoyska uga soo saari jirtay bur ay guriga ku dubi jirtay oo ay ku wareejin jirtay suuqa. Hadda se, waxay sheegtay in qoyska noloshiisa uu isbeddel fiican ku yimid. Waxay tilmaantay in hadda ay si fudud uga bixiso lacagta waxbarashada shan ka mid ah walaalaheed. Labo ka mid walaalaheed ayay sheegtay inay dhigtaan fasalka kowaad iyo saddexaad ee dugsiga sare ee Alwaaha. Halka saddexda kale ay dhigtaan fasalada shanaad, toddobaad iyo siddeedaad ee dugsiga hoose ee Daraawiishta. Bishii ayay sheegtay in mid walba oo ka mid ah ay ka bixiso waxbarashadiisa $15.

Fartuun oo ku faraxsan guusha ay gaartey ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ardayda dhigata Al-najaax Online Education ay siiso shahaada ka turjumeysa ay qaateen, taasi oo ay aqoonsantahay wasaaradda waxbarashada Puntland.

“Online-ku wuxuu ku faa’iido badan yahay waxaa kamid ah, fikirkaagii waxaad gaarsiin kartaa dhammaan dunida caalamka adiga oo jooga hal-wadadn. Marka aad hooyo noqotid ama aadan haysan lacagtii aad baska ku raaci lahayd, meeshiina aadan tagin karin, oo waddanka amni ka jirin, dhibaato ayay noqoneysaa inaad u lugeyso iskuulka. Balse online-ka waxaas oo dhan kama fikreysid ee gurigaaga ayaad iska hagaajisani oo aad ka soo duubi casharkii, ardayda ayaad u diraysaa. Cidna kiro kaa ma rabto, cidna wax ma ku weydisaneyso,” ayay tiri.

Waxaa sidoo kale jira dhallinyaro kale oo online-ka si iskood ah isaga baray xirfado kale duwan oo ay hadda ku shaqeystaan. Dhallinyaradan waxaa ka mid ah Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ku shaqeysta xirfadiisa naqshadeynta iyo muuqaal samaynta. Wiilkan oo ka baxay kulliyadda teknolojiyadda ee jaamacadda Puntland State University (PSU) sanadkii 2017-kii, ayaa sheegay in barashada xirfadan ay ku qaadatay hal sano. Sida uu Raadiyow Ergo u sheegay, wuxuu halkii muuqaal ku sameeyaa $50 ilaa iyo $60 oo uu sheegay inay ku filantahay maareeynta noloshiisa.

Faarax oo 24 sano jir ah ayaa kula taliyay dhallinyarada la midka ah inay teknolojiyadda ka faa’iideystaan oo ay iska baraan xirfado u sahli kara inay shaqo abuur sameeystaan. Wuxuu xusay in markii u dhammeeyay barashada xirfaddan ay u fududaatay inuu helo fursad shaqo, kuna sii hormariyo noloshiisa.

“Waxaan aaminsahay inay wax badan noloshayda ka beddeshay. Hadda waxaan ahay qof xirfad leh oo fahmaya suuqa shaqada wuxuu u baahan yahay. Maanta waxaan aminsahay inaan ahay loo baahanaha, lakiin aan qofna u baahnayn oo shaqaysan karo, online ku shaqaysan karo. Waxaan la shaqeeya dad aan Soomaali ahayn iyo dad Soomaali ah labadaba oo aan Online-ka ku wada shaqaysanno taas oo aan ku wada shaqaysano xirfadda aan leeyahay,” ayuu yiri.

Previous Post

Muqdisho: Carruur dib ugu soo laabtay waxbarashada markii dhallinyaro ay xeradooda sameeyeen iskuul bilaash ah

Next Post

Qoysas sedex xilli roobaad aan wax beeran oo sheegay in gugan aysan ka faaídeysan abuur la’aan awgeed

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia latest news

Qoysas sedex xilli roobaad aan wax beeran oo sheegay in gugan aysan ka faaídeysan abuur la’aan awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo