(ERGO) – Boqol konton iyo afar carruur oo ka soo jeeda qoysaska soo barakacay ayaa mar kale dib u helay waxbarasho ka dib shan bilood oo aysan iskuul aadin markii laga barakaciyay xero ay deganaayeen saddex sano.
Cali Cabdi Cali oo aabbaha toddobo Carruur ah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay dib u helaan waxbarasho afar ka mid ah carruurtiisa, kuwaas oo markii hore dhigan jiray Iskuulkii ku yaallay xeradii laga soo barakiciyay bishii Diseember ee sanadkii 2021. Waxay kala dhigtaan hadda fasallada koowaad, labaad iyo Saddexaad.
Cali ayaa sheegay intii ay waxbarasho la’aanta ahaayeen in ay soo food saartay welwel xooggan, maadaama uusan awoodin in uu carruurtiisa ka bixiyo lacagta iskuullada lagu dhigto.
Waxaa uu tilmaanay in billihii la soo dhaafay uu tagay ilaa lix Iskuul oo si gaar ah loo leeyahay, isla markaana uu ka codsaday in carruurta waxbarasho loo siiyo balse ay u sheegeen in uu bishii iska bixiyo mid walba oo ka mid ah 10 dollar.
“Ilmihii iskuul ayay dib ugu laabteen farxadeyda waxay noqotay mid saaid ah, iskuullo badan ayaa tagay lacag ayaa loogu xujeeyay shan bilood ayaa ilmaha guriga ku hayay, dadkii aan u tagay waxay I dhahaayeen lacag ma heysataa haddii aad iskuul rabto,anigana lacag ma haayi ilmahana waxbarasho ayaan u rabay , waxaan ka cabsi qabay in koolo iyo ciyaal suuqnimo ay iga aadaan balse hadda Alxamudullaahi iskuulkii ayay heleen.”
Cali iyo Carruurtiisa oo ku nool labo qol oo ka sameysan cooshado iyo baco ayaa nolol maalmeedka carruurtiisa ka raadiya qoryaha lagu shido maqaayadaha oo uu ka soo aruuriyo banaanka magaalada kuwaas oo u uku soo qaado gaari dameer kiro ah.
Waxaa uu tilmaamay in bishii Celcelis ahaan uu ka helo lacag dhan 100 doollar oo uu ku dabaro cuntada Caruurtiisa labo waqti, buugaagta iyo qalimaanta iskuulka.
Cali ayaa u sheegay Raadiyow Ergo in uu rajo qabo in Carruurtiisa ay heer ka gaaraan waxbarashada si ay uga baxaan xaaladda barakaca ah ee ay hadda ku jiraan. Wuxuu ka mid ahaa dad markii hore uu ka mid ahaa Waalidiin u ololeeyay in ay helaan Iskuul.
Waxaa uu xusay intii ay iskuul la’aanta ahaayeen uu la kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin labo ka mid ah dagaal ay la galeen carruur kale lagu daqray oo uu rafaad ka maray in uu daawo u helo.
“Shantii bilood ee Iskuul la’aanta dhib iyo qaxar ayaan ku qabay, ilmaha mar celi, mar dagaal, mar xaajo fal, labo ilmood ayaa layga daqray, waxna way daqreen, maalinwalba dacwo ayaan ku jiray, celceliskooda ayaa dhibay hadda Alxamdullaahi waan nastay maadaama aan iskuul u helay ilmaheyga rajo xoog leh ayaan qabaa mustaqbalkooda, maadaama iskuulkii mar kale alle ii sahlay.”
Cali iyo qoyskiisa ayaa ka soo barakacay Sanadkii 2018 gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Mukey-dheer markii uu ku waayay fatahaada wabiga Shabeelle Dukaan uu ka biilan jiray carruurtiisa oo ay saarneyd Alaab qiimaheeda lagu qiyaasay Saddex kun oo dollar. Markii hore waxa uu ku furay 30 neef oo — ah uu dhaqan jiray oo uu xaraashay.
Xeradda Iskuulkaan laga hirgaliyay oo la yiraahdo Al-Naciim ayaa ku taalla duleedka degmada Dayniile gaar ahaan xaafadda Igadabagee. waxaa kunool ku dhawaad 500 oo qoys kuwaasoo badankood kasoo barakacay gobolada Shabeellaha hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Bay iyo Bakool.
Qaar ka mid ah carruurtii dhigan jirtay iskuulkii xerada ay laga soo raray ayaa dareemaya in ay la mid yihiin carruurta aan barakaca aheyn ee ku nool xaafadda ay degan yihiin ee iskuullada dhigta markii ay dib u heleen waxbarashada.
Caaisho Maxamed Cali oo ah 12 sano jir ku nool xerada barakac ee Al-Naciim waxay ku faraxsan tahay in ay mar kale dib u heshay iskuul ay wax ka barato.
Caaisho ayaa u sheegtay Raadiyow Ergo in aysan guriga kasoo bixi jirin bilihii la soo dhaafay markii ay weysay iskuul ay aaddo, maadaama laga soo barakiciyay xeradii ay iskuulka ka dhigan jirtay.
Hadda galabtii ayay aaddaa iskuulka. Waxay maraysaa fasalka labaad ee dugsiga hoose. Caaisho ayaa xustay in ay rajo ka qabto in ay gaarto ilaa heerka dugsiga sare.
Caaisho walaalaheed oo saddex ah ma aadaan iskuulka, sababo la xariira in qoyskeeda uu ku tiirsan yahay hooyadeed oo maalinkii Dhar dhaqow u raadisa xaafaddaha Muqdisho, isla markaana aan bixin Karin lacagta buugaagta carruurta kale.
“Xeradii aan kasoo guurnay markii aan deganeyn iskuul ayaan dhiganayay waxbarashadeyda si fiican ayay iigu socotay fasalka labaad ayaan fadhiyay , si fiican ayaan casharadeyda u qaadanayay casharo badan ayaan qaatay sidii aan xeradaan u soo degnay bilooyin badan iskuul ma aadin, balse hadda maasha allaah iskuul kale ayaan bilaabay oo hadda dhigtaa maasha allaah.”
Bishii Abriil Ururka Tusmo oo aas aaseen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay halkaasi ka furaan Iskuul loogu tala galay in lagu barto heerarka waxbarashada ee dugsi hoose iyo dugsi dhexe, waxaana ardeyda qaarkood looga bilaabay halkii ay maraayeen oo ahaa fasalka Afraad ee dugsiga Hoose, fasalka labaad, halka kuwo cusub oo xerada ay ku heysatay waxbarasho la’aan horay u deganaa looga bilaabay fasalka koowaad.
Wuxuu ka kooban yahay Afar qol oo Jiingad ah, waxaa ku baxday 3000 kun oo dollar lacagtaasi waxaa bixiyay Jaalliyada Soomaaliyeed ee Mareykanka kunool qaarkood, hadda waxaa dhigata 190 arday, Waxaa macalimiin ka aha ardeyda kulliyaddaha macalimada ka barta Jaamacaddaha oo galabtii isku badbadala j mana jirto wax lacag ah oo ay ka qaataan.
Faadumo Maxamed Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka Ururka Tusmo ayaa sheegtay in tilaabadaan hirgalinta iskuulka ay qaadeen markii ay uu codsi uga yimid qaar badan oo ka mid ah dadka xeraddaasi kunool gaar ahaan waalidiinta oo ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan helida waxbarasho ee carruurtooda.
Waxa ay sheegtay in u jeedkooda ugu weyn uu yahay in carruurta dadka soo barakacay ay helaan waxbarasho, islamarkaana ay dadaal ku bixin doonaan in xeryo kale ay ka hirgaliyaan iskuullo ay wax ku baran karaan Carruurta dadka soo barakacay.
“Ujeedada aan iskuulkaan u furnay waxa ay tahay in ay waxbarasho ay helaan Carruurta dadka soo barakacay ee halkaan ku sugan, maadaama laga burburiyay goobihii ay wax ku baran jireen waa in ay halkaann ka helaan aqoon yar, maadaama barakac la yahay, anaga intii ay awoodeena aheynd waan u sameynay markii iskuulladii laga soo burburiyay, Codsiyo badan ayaa nooga imaanayay dadka soo barakacay maadaama aysan heysan meel ay wax ku bartaan si ay helaan iskuul”.