(ERGO) – Cayayaan magaciisa aan la aqoon oo beegsanaya dadka ayaa dhibaato ku haya tan iyo bishii Febraayo ee 2022 xoolo dhaqato ku nool degaanada Takaraalle, Dooxaale, Madax-maroodi, Kunaso iyo degaanno kale oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Sahro Maxamed Maxamuud oo ku nool Kunaso ayaa ka mid ah dadka uu wax yeeleeyay. Waxey sheegtay in afar jeer uu qaniinay, kadibna la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Baledweyne, markii uu xaalkeedu ka daray oo toddobaad ay u jiiftay.
“Waan isla bararay, dhulkaan dhacay, anigoo jiifa labo mar oo kale ayey i cuntay. Sariiraan ku aruuray, lugaha wey i laabmeen, aniga aadey ii silcisay. Qofka markuu cuno, qofna horey ayuu ka bararayaa, qofna markuu muddo joogo ayuu bararayaa sidii qof abeeso cunto ayuu isla bararayaa madax iyo lugo inta ka dhexeysa. Qofkuu ku raago sideyda oo kale, korku wuu ku xanuunayaa, lafuhu wey ku xanuunayaan, marka wuu kala mariid badan yahay (SUN), midbaa bil ku jiraya jirkaaga.” ayay tiri
Haweeneydan ayaa tilmaamtay in qofka uu qaniino noolahan uu ku reebayo mici tan shinida oo kale ah, kadibna qofka jirkiisu uu bararayo, uuna qandhanayo.
Waxay intaas raacisay in xaaladeeda caafimaad ay wanaagsantahay hadda. Waxay ku bogsatay daawooyin isbitaalka laga soo siiyay oo ah qandho jibin, qalllajiyaal iyo kuwo ka dejiya barar jirka uga jiray. Balse inta aysan isbitaal tagin waxey xaaladeeda kula tacaashay dab lagu gubay jirkeeda, taas oo aan waxba ka tarin, waana arin ay sameeyaan qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka ay joogto iyo kuwa ku xeeraan ee cayayaanku uu dhibaatada ku hayo.
“Qofka haddii la gubo qofna waa ku caafimaadayaa, qofna waaba ka sii darsanayaa oo dabka wuu eedayaa. Aniga korkeyga dab ayaa lagu halleeyay. Waxaa laga gubaa qofka meesha ay ka cuntay, haddii marka jirkaaga oo dhan uu bararo waxey noqoneysaa in jirka oo dhan dab lagu gubo,” ayay tiri.
Cayayaankan ayaa leh baalal, xilligga habeenkii ayuuna beegsadaa dadka oo kaliya isagoo soo raacaya iftiinka, sida dabka, tooshka iyo leyrka. Bartamihii Febraayo ee sanadkan ayaana lagu arkay degaanadan oo ku yaalla xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia ee dhanka gobolka Hiiraan.
“Bahalkaan baranbaro ayuu u egyahay, baalal ayuu leeyahay, gano dhaadheer oo dadka uu ku mudo ayuu leeyahay, mici laaban oo marka uu ku cunayo uu soo bixinayo ayuu lee yahay. Garbaha labo dhibic oo cad ayuu ku leeyahay. Mid dhulka ayey socotaa, mid iyadoo haadeysa ayey kugu soo dageysaa. Tooshka markaad shido iyadoo haadeysa oo shan iyo lix xabbo ah ayey soo dageysa. Bahalkaan wax nagala dirira haddaan heli laheyn nabad ayey ahaan laheyd.” ayay tiri.
Sida ay noo sheegeen dadka deganadan ku nool wey ka badantahay tirada dadka uu qaniinay inta la geeyay isbitaalada, maadaama ay jiraan dad aan la geyn xarumo caafimaad oo iskood uga bogsaday, balse lama hayo tira guud oo saxan.
Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulooyinkan oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in 60 qof ka badan oo uu qaniinay in la geeyay isbitaalo ku yaala gobolka Hiiraan, kadib markii ay xanuunsadeen.
Dr Cali Baashi oo ka shaqeeya isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne ayaa Raadiow Ergo u sheegay in isbitaalka ay soo gaareen 45-kii cesho ee la soo dhaafay 20 qof oo cayayaanku uu soo qaniinay, ka sokow waxyeelada ka soo gaartay qaniinyada wuxuu sheegay iney u wehlisay dhibaato jireed oo uu geystay dab ay isku gubeen markii uu qaniinay. Dhaqtarka ayaa dadka kula taliyay iney deg deg u booqdaan xarun caafimaad inta aysan xaaladoodu ka darin, sidoo kalana aysan is gubin ama xasaasiyad kale aaney ku kicin.
“Dhibaatada wey badantahay, qofka maqaarka ayuu ka saameeyay, qofna wuxuu leeyahay qandho, caloosha ayaa bararta, beerka ayaa barara, qanjirada ayaa barara. Waxyaabaha looga baahanyahay qofka uu qaniino waxa weeye in qofkii xarun caafimaad uu tago oo la daaweeyo. Waxyaabo waxaa jira iska caado dhaqameed ah oo dadka isticmaalaan sida dabka oo kale, dhanka caafimaadka marka la yiraahdo dabku wax asal iyo raad ah oo la ogyahay in caafimaadka uu ka qeyb qaato ma jirto.” ayuu yiri.
Dr Cali ayaa xusay in xaaladan oo kale ay ku wanaagsan tahay ka hor tag iyo in hay’adaha ku shaqada leh ay sameeyeen buufin iyo wixii la mid ah, si looga hortago dadka uu wax yeeleynayo oo uu tilmaamay in haddii ay xanuunsadaan ay ku adag tahay iney daawo u raadsadaan isbitaalada lacagta ah, amaba ay dhici karto ineysan helin goob caafimaad oo u dhow.
“Waxani waa wax faafay oo aan la aqoonin oo yimid weeye, marka si looga hortago waa in wasaarad ka qeyb qaadato ama meesha in la buufiyo, ama maro kaneeco la siiyo dadkaas. Dadku waa reer miyi ma buufin karaan mana ka hortagi karaan.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Xanuunka ka dhasha qaniinyada cayayaan ayaan isku si u qaban dadka. Qaar ayaa la qandhada illaa toban cesho, sidoo kalana uu jirkoodu bararaa, halka dadka qaar ay dareemaan xanuun ku kooban halka uu cayayaanku ka qaniinay, kadibna ay iskood u bogsadaan saddex maalin gudahood.
Waayo joogga degaanada laga soo sheegay cayayaanka ayaa tilmaamay iney tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan, illaa iyo hadana lama xaqiijin karo inuu yahay mid degaanka ku dhashay iyo inuu ka soo tallaabay dhanka xuduuda Ethiopia.
Muqtaar Seedow oo ah khabiir bartay cilmiga cayayaanada iyo beeraha oo bare ka ah jaamacadaha Hiiraan iyo Jobkey oo Baledweyne ku yaalla ayaa Raadiyow Ergo uu weydiiyay waxa sababi kara cayayaankan.
“In cayayaanku meel ka soo gudbo taas waa wax guud oo dhaca markasta, hadda Ethiopia waxaa nahay daris, waana tan ugu dhow. Waxaa sax ah in cayayaan meel ku noolaa uu duruufo nololeed awgeed uu ka soo guuro oo uu dhinac kale u soo guuro isagoo raadinaya daaq iyo biyo. Tusaale cayayaanku meesha uu ku noolaa haddey qabow noqoto oo iyadoo baraf uusan ka dhici jirin uu baraf ka billowdo, uuna cayayaankaas yahay midka kuleylaha ku noolaada, wuxuu door bidayaa inuu dhulka kuleylaha u wareego. Haddey meeshaan kuleyl ahaan jirtay oo qabow isku bedesho inuu meel kulul raadsado. Haddey meeshan daaq badnaan jirtay oo biyo badan oo ka jiri jiray ay go’aan inuu meel kale u hayaamo.” ayuu yiri.
Dadka ayaa sameynaya taxadar dheeraad ah si ay uga hortagaan qaniinyada cayayaankan. Qaarkood ayaana dabka ay cuntada ku karsadaan waxey habeenkii ku shitaan gudaha aqaladooda, si ay u qariyaan iftiinka oo uu soo raaco, waxey sidoo kale sameeyeen qaarkood iney ka galaan maro kaneeco, ayna huwadaan habeenkii go’ adag.