(ERGO) – Fursadaha shaqo ee beeraha ayaa rajo wanaagsan u abuuray toddobaatan iyo labo qoys oo isugu jira beeralay iyo xoola dhaqato ay xaalad cunno yari ah ku haysatay xerada dadka barakaca ah ee New Buula-guduud.
Raaliyo Ibraahim oo aan wax taageero ah ka helin aabbaha carruurteeda, sidoo kale na lahayn il-kale oo uu dhaqaale ka soo galo ayaa sheegtay inay ku shaqeyso lacag dhan toddobaatan iyo siddeed kun oo shillin Soomaali ah, una dhiganta saddex doollaar maalinkii. Lacagtan ayay sheegtay inay ku maareeyso nolosha qoyskeeda.
“Horta bariis hadii la yidhaahdo kiilaan dabka ku shubtaa, kiilihii waa labaatan kun. Qudaarta, haddii ay hilib leedahay waa hal doolar iyo bar, haddii ayna Hilib lahayna nus dollar ayaa igu filan. Wixii igu soo hadha, waan dhigtaa oo kiilo bur ah ka soo gataa, waxaan ka soo gataa nuskiilo Sonkor ah, mar siddeed kun ayaa ii soo noqonaysa, mar toban kun, mar labaatan kun, waxaynaga kadhoodhad quful iyo furo leh ayaan haystaa oo ku aruursada, hal mar ayey ii kuu sanayaan haddana waan ku soo adeegta,” sidaa waxaa Radio Ergo u sheegtay Raaliyo Ibraahim Cabdi.
Raaliyo Ibraahim Cabdi oo ah hooyada siddeed carruur ah oo ay aabbahood kala tageen ayaa xilliga adag ee iyada iyo caruurteeda ay wajahayaan wuxuu ku riixay inay u shaqo tagto beeraha oo aysan weligeed ka shaqayn. Waxay sheegtay in maalmihii hore ay shaqada la qabsan wayday oo yaanbadii beerta ay geedaha ku goynaysay, gudintii iyo qalabkii kale ay gacmaha ka qabteen oo ay biyo ka geleen.
Haweeneydan oo shaqadaan ka shaqaynaysa muddo saddex isbuuc ah ayaa sheegtay inay aragtay haween ay ku wada nool yihiin xerada barakaca oo beeraha u shaqo tagaya oo ay sidaas ku raacday, inkastoo aysan wax fahan ah ka haysan ka shaqeynta beeraha.
“Naag loo shaqeeyo dharka laga dhaqo, xaarka laga dhaqo waan waayey, gabdho iyaga saas camal baxaaya baa ibareen. Anna sidii ayaan beerta ku soo falaa oo qutul yoomkayga aan ku soo raadsadaa, ilmihii maadama ay aabe la’aan ay yihiin oo horjooge ay haysanin, waxba aan u haynin, wax aan siiyana aan haynin, dad ayaan la tashtay. Dadkii ayaan wareystay, waxay i dhaheen meel meeshaas oo aan aadno ayaan ku gaynaynaa. Meeshii ayaan aadnay, maalintii koowaad lacag ayaan soo helnay,” ayay tiri.
Qoyska Raaliyo waxay tan iyo intii ay shaqadan heshay dabka shitaan saddexda waqti maalinkii, halka markii hore ay dhib ku ahayd helista hal waqti maalinkii. Waxay xustay in welwelkeeda ugu weyn hadda u yahay dhanka hoyga, maaddaama guriga cooshadda ah ee ay ku nooshahay uu liidato oo uusan ka celin karin qorraxda maalinkii iyo dhaxanta habeenkii. Waxay intaas ku dartay inaysan haysan shan-darawo ay carruurta ka galaan kaneecada ka dhalatay biyaha webiga.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayey ka codsatay inay u dhisaan guri ay carruurteeda kula noolaato.
“Hadda waxaan rabi lahaa in guryo la ii dhiso. Musqul la’aan baa nahaysa musqul naloo dhiso, ilmaha habeenkii waxaan seexiya buush u dhisan bac bac ah, xijaabo la jeex jeexay, calalo dad aan ka soo aruursaday waxii ayaan ugu xir xiray,” ayay tiri.
Inta aysan shaqadan helin, qoyska Raaliyo waxay ku tiirsanayeen raashin yar oo qoysaska degaanka iyo barakacayaasha u soo aruuriyaan. Qoyska Raalliyo ayaa ka soo barakacay baadiyaha degmada Saakow ee gobolka Jubbada Hoose bishii Diseembar, kaddib markii ay abaarta ku waayeen 30 neef oo ari ah iyo 20 neef oo lo’ ah.
Roobka gu’ga oo ka curtay Buula-guduud iyo nawaaxigeeda bartamihii bishii Abriil 2022-ka iyo webiga Jubba oo biyo keenay ayaa suurta galiyey in beeralayada ay dib beeraha u tabcaan maaddaama aysan waxba beerin ilaa bishii Janaayo oo webiga uu biyo yareeyey.
Maxamed Xuseen Caddow oo sidoo kale ka mid ah qoysaska barakaca ah ee beeraha ka shaqeeya ayaa sheegay inuu maalinkii abuurka saaro dhul beereed gaaraya ilaa saddex hektar. Wuxuu halkii hektar ku qataa lacag dhan labo dollar.
“Subaxdii markaad tagto, waxaad billaabaysaa inaad howlgasho. Howlaha abuuri taanka een markaad abuurto. Illaa toban ka saac laga gaadho oo laga soo rawaxaayo, adigu shaqadaada uun baad ku jiri. Xilli salaad aad tukanayso ama raashin aad cunnayso ma ogiye, inta kale waad uun taagantahay. wax uun baad abuuri, mar aad qodayso godkii badarka aad ku ridi lahayd iyo mar aad ku ridayso lee waaye,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa markii xerada barakaca New Buul-guduud isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen isku dayey inuu wax ka beddelo nolosha adag ee qoyskiisa uu wajahayey. Balse, taas ma dhicin oo waxaa hor istaagay degaanka oo abaari ka jirtay iyo isagoo degaanka ku cusbaa oo aan la qabsan iyo shaqooyinka degaanka oo yaraa. Wuxuu xusay in dhowr jeer uu helay shaqooyin ah guri dhisid iyo gaari rarid balse aysan sii soconin.
“Laba doollar cashada iyo quraacda subaxdii waaye, intaas baan ku maraynaa. Haddaad xanuunsato iyo haddaad joogtaba Ilaahay uun baa kuu maqan, marka waa in aad wax raadisaa ama adiga muruqaaga maasha aad baxdaa hadaad cafimaad qabto oo Ilaahay cafimaad kugu bariisiyo,” ayuu yiri.
Qoyska Maxamed oo ka kooban lix qof oo ay afar carruur yihiin waxay xerada New Buula-guduud yimaadeen bishii Diseembar ee 2021-ka. Waxay ka soo barakaceen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo uu ku lahaa beer 8-hektar ah, taasi oo ay abaarta saameeysay.
Gudoomiyaha Buula-guduud Maxamuud Cabdullaahi kana mid ah beeralayada degaankaas ayaa sheegay in beeraha ay ka shaqeeyaan dad badan oo barakaca ah oo isugu jira rag iyo dumarba, shaqo-na ay u noqotay falista beeraha oo hadda ah shaqooyinka ugu badan ee degaanka laga qabto. Wuxuu xusay in dadka beeralayda ah ee ku nool deegaanka ay heleen dad beeraha ugu shaqeeyo, taasi oo horay u adkayd in la helo, maaddaama dadka degaanka ay wada yihiin beeraley.
“Waa dad xoolo ku noola, xoolihii way dhaafeen, wax kale oo ay haystaan ma leh. Xirfad kale oo ay yaqaanan ma leh, dantu waxay ku kalliftay salaadii in uu ninku yaanbo iyo seef la kallaho uuna aqoonteeda lahayn,” ayuu yiri.











