Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news

Guddi Yuusuf Cilmi oo ah hooyada 10 carruur ah oo hor fadhisa aqalkeeda/Cabdirisaaq Axmed Xuseen/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo siddeetan qoys oo saddexdii bil ee u dambaysay ku soo barakacay xerada Salaama ee duleedka Caabudwaaq ee Galmudug, ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo bixiyo la’aan. Nasro Aadan Xuseen oo qoyskeedu ka mid yahay dadka xerada ku cusub, waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in markii xoolihii ay ka dhamaadeen ay soo naf bideen barakacnimo, maaddaama ay waayeen qorshe ay miyiga ku sii joogaan.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay subax walba u kallahdo dawarsi, iyadoo ku dhex wareegta dadka xerada uga soo horreysay. Balse waxay xustay in maalmaha qaar ay wayso waxay dabka ugu shido caruurta.

“Cunto mahaysto oo reerkii markaas dab shidanaya baan u geeyaa carruurta. Ilmaha wax ii sii baan dhahaa marna wixii rabigii i abuurtay uu i siiyo ama reerka deriska ay isiiyaan nus kiilo badar ah ayaan u kariyaa. Bariiska asagoo biyihii weli leh baan uga qadaa waan u guraa, markaas bay ooyin la dhacaan ilaa wax kaloon ku daro mahaayee biyo ayaan ku laqsiiyaa,” ayay tiri.

Nasro ayaa sheegtay in qoyskeedu uu miyiga ku dhaqanayay 130 neef oo ari ah iyo labo rati balse dhammaan ay abaarta ku wayeen horraantii sanadkaan. Waxay intaas ku dartay in carruurteeda ay haysato xaalad adag, isla markaana aysan jirin cid ka garabsiineysa korintooda. Shaqooyinka xoogsiga ah ayaysan awood u laheyn laxaadkeeda oo kala dhiman darteed.

“Qof ilmo sugaayaanoo naafana ah hantina haysan oo markii hore reer miyi ahaa oo xoolihii ka dhamaadeen oo wax xoola iyo wax hanti ah aan midna aysan, ilmahaasna sugayaan ilmuhuna waxbarasho ma haystaan, caafimaad ma haystaan, hoy ma haystaan, ma haystaan daryeel. si kastaba ha’ahaatee qalbigayga marbaan waxaan is dhahaa sideebaa ilmaha u gashaa marna ilaahay dartiis baan xasuustaa oo waxaan dhahaa ilaahay baa samaystay,” ayay tiri.

Nasro ayaa hadalkeeda raacisay in magaalada looga leeyahay lacag dhan $300 oo ay dhowr jeed isbitaal ku geysay ilmo ka xannuunsaday. Waxay sheegtay in la dhaafay xilligii ay qabsatay inay bixiso.

Qoysaska xeryahan dhawaan yimid, Waxay ka soo barakaceen miyiga degmada Caabudwaaq iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya markii ay waayeen dhaqaale ay noloshooda ku maareeyaan. Waxay dul saar ku yihiin 750 qoys oo xerada horay u degganaa.

Faadumo Garaad Cali iyo qoyskeeda bishii Janaayo ayay ka guureen degaanka Isgoys ee Dawlad-degaanka Soomaalida markii ay ka le’deen 59 neef oo ari ah oo ay ku tiirsanaayeen. Waxay xerada ku haysaa labo gabdhood oo naafo ah. Taniyo markii ay soo dageen waxay sheegtay inaysan helin wax gargaar ah. Waxay la daalaa-dhacayaan duruufaha barakacnimada laga dhaxlo oo ku cusub.

“Xoolaha markaan haysannay, markay guranka yihiin waanu gadan jirnay, markay doog tahay waanu maali jirnay, markay diraac tahay waanu qalan jirnay, nacfigaas ayaan ku qabnay xoolaha. Hadda hooy aan dandarro ku qabno ayaan joognaa oo qarqaryada iyo qorax wayn nagu haysato.”

Faadumo waxay sheegtay  in labadeeda gabdhood oo xanuunsan ay maalintii oo dhan siiso labo koob oo shaah. maaddaama aysan cuni karin raashinka caadiga ah, deriska ayaa isugu soo dara koob sonkor ah.

Dhanka kale, waxaa jira guddi 11 xubnood ka kooban oo guddoomiyaha xerada uu u xilsaaray inay dadka ka dhex shaqeyaan oo hadba qoyskii uu dabku ka seexdo wax uga soo aruuriya dadka kale.

Siciid Cumar Cabdi waa xubin ka mid ah guddigaas, wuxuu sheegay in marka ay arkaan qoyska liita ay xoogga saaraan in ay ugu yaraan u soo aruuriyaan wax uu markaas dabka saarto balse aysan awoodin in ay raashin badan siiyaan.

“Dumarkaan u dirnaa oo wax soo nadaamiya sida ay u kala roon yihiin iyo sida ay wax u kala heli karaanba wax uga soo aruuriyaan. Wixii rag ah oo aan wax ku malaynayno ayaan dhex galnaa haddii aan wax ka helnana waan u gaynaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in markii hore ay dadka ka caawin jireen helidda biyaha. Balse ay ku adkaatay markii halkii fuusto qiimaha lagu gato uu gaaray $ 1.5 isla markaana ay bateen dadka xerada imaanaya.

Gudoomiyaha xerada Idiris Aadan Cabdulle ayaa sheegay in dhawr jeer ay qaylo-dhaan u direen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka, Maamulka Galmudug iyo kan Degmada Cabudwaaq balse aysan helin cid u soo jawaabta.

“Afarta iyo labaatanka saac haddi aysan gurmad helin ama biyo helin, anigu waxaan u malaynayaa in dad noolnool soconaya in ay wax yeeloobaan. Wuban, Galaadi, Wardheer iyo Shiilaabo meela badan bay ka yimaadeen wax gurmad ahna maysan helin,” ayuu yiri.

Previous Post

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

Next Post

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo