Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 16, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Food delivery

Cabdi Xasan Cabdi oo isku diyaarinaya inuu ku shaqo tago mootadiisa/Axmed Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton dhallinyaro ah oo ay ku jiraan toban shaqo la’aanta darteed xabsiyo u galay, ayaa ka faa’iideysanaya shaqo abuur hab-nololeedka qoysaskooda wax ka beddelay. Waxay ku shaqeystaan oo ay dakhli fiican ka helaan mootooyinka labo lugaleyda ah oo ay u fududeysay shirkadda Rikaab oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho bishii Janaayo ee 2022.

Cabdi Xasan Cabdi oo shaqo la’aantu ay ku riixday in waddanka uu ka tahriibo ayaa ka mid ah dhallinyaradaas. Markii uu billaabay shaqadan, ayuu xusay inuu la wareegay masuuliyadda ugu badan ee qoyska. Waa agoon howshan ka maareeya nolosha afar walaalihiis ah, hooyadiis iyo xaaskiisa. mootada uu ku shaqeeyo wuxuu maalinkii ka helaa $25-$35.

“Boqolkiiba boqol waan ku kalsoonahay, shaqo aan is leeyahay maanta horumar haddii la gaarayo, waa shaqadii aan ku gaari lahaa guul. Maadaama aan hooyo hoos joogay markii hore, waxey ii dhashay waxey aheyd in aniga aan howl u qabto oo garabkeeda aan soo istaago. Maanta waxaan ku faraxsanahay hooyaday oo meeshii ay shaley ii taagneyd aan aniga maanta u taaganahay,” ayuu yiri.

Cabdi markii uu helay shaqadan wuxuu waxbarasho geeyay labo walaalihiis ah oo ka yar. Waxey dhigtaan fasalada koowaad iyo labaad ee dugsiga Al-mufiid. Wuxuuna bil kasta  ka dhiibaa $25. Qoyska oo danyar ah ayaa ku tiirsanaa shaqo uu qabto walaalkiis ka weyn oo dareewal ka ah cagafta fasha beeraha.

Wuxuu intaas ku daray inuu dhigto bil walba keyd lacageed oo u dhexeeya $100-$150. Cabdi ayaa sanadkii 2018-kii u tahriibay dalka Sacuudiga, si qoyska uu ugu soo shaqeeyo. Bal se riyadaas ayaa dhicisowday markii Sacuudigu uu soo tarxiilay sanadkii 2019, kadib bilo uu xabsi ku jiray.

Labo sano iyo bar ayuu xusay inuu Shaqo la’aan ahaa, ka hor inta uusan helin tan uu ka shaqeeyo oo uu sheegay iney ilowsiisay wixii uu soo maray.

“Waxaan u tahriibay waxaa is dhahayay bal lacag raadi. Lacagtii aan raadinayayna waxey noqotay lacag aan nasiib u heli waayay. Yamenaa maray, Sacuudigaan tagey, xabsi ayaa ley geeyay. Hooyadey xitaa waxey is dhahday qofkaas wuu dhintay ma noola,” ayuu yiri.

Shirkadda Rikaab oo mootada ugu soo deyn qaaday kun iyo boqol doolar ayuu bishiiba u celiyaa $125. Dhallinyarada uu Cabdi ka mid yahay, waxaa helidda macaamiisha ka caawiya shirkadda  oo leh App u gaar ah islamarkaana sameysa adeegga delivery-ga loo yaqaano ee ah in dadka dalabkooda loogu geeyo goobaha ay joogaan.

Shuruudaha shirkaddu ay ku xirto qofka maal galinta doonaya ayaa ah inuu la yimaado waalid dammiin ka noqda iyo in lacagta uu iskaga bixiyo muddo sanad iyo bar gudahiis ah.

Cabdiqaadir Xasan Axmed oo ka faa’ideystay maalgalintan ayaa sheegay in shaqadan uu billaabay bishii Febraayo ee sanadkan. Ku dhowaad toddobo boqol oo doollar ayuu sheegay in bishii uu ka helo. Wuxuu ku kabaa nolosha qoyskooda oo ka kooban 12 qof, kuwaas oo markii hore ku tiirsanaa oo keliya aabihiis oo ka shaqeeya falidda beeraha. Balse shaqdiisa ayaa noqotay mid reerka u ah il dhaqaale oo muhiim ah.

“Maalintii waxaan dhigtaa shan doollar, maamada waxaan siiyaa shan. Ani ahaanteyda wax igu filan waan ka helaa, wax meel waa ka dhigtaa.  Anigoonan waxba haysan ayaa mooto lay soo qaaday, lay soo damiintay oo run ahaantii lay dhahay mootadan qabso, ku shaqeyso lacagteedana iska yar-yarey. Alxamdulilaah waan ku faraxsanahay,” ayuu yiri.

Bar ay Facebook ku leedahay shirkadda ayuu ka soo arkay iyadoo ku dhiiri galineysa dhallinyarada iney ka faa’ideystaan fursaddan. Xafiiskeeda ayuu yimid, markii uu buuxiyay shuruudaha u degsan ayuu ka shaqo billaabay.

Cabdiqaadir ayaa si iskiis ah uga soo laabtay dalka koofur Suudaan, bishii Diseembar ee sanadkii 2021, markii ay ku adkaatay inuu shaqo ka helo halkaas oo uu joogay siddeed bil. Sababta ku xanbaartay in Suudaan uu tago ayuu tilmaamay inay ahayd markii uu aabbihii awoodi waayay in waxbarashada jaamacadda uu ka bixiyo. Hadda wuxuu qorsheynayaa in sanadka dambe horraantiisa uu billaabo waxbarashadaas, isagoo dhaqaale ka dhiganaya shaqada uu hayo.

“Waxaan gartay inaan nin shaqeysto oo cidna maanta u baahnayn inaan noqdo oo walaalow wax isii, waalidow wax isii, adeerow wax isii inaan dhaho ayaan run ahaantii diidanaa. Maanta cid i dhahaysa malahan sharcigaagii aaway,” ayuu yiri

Dhallinyarada shaqo abuurkan uu caawiyay ma aha oo keliya kuwa tahriibka ka soo laabtay, waxaa ka mid ah danyar shaqo la’aan ku ahaa magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdiqaadir Nuur oo danyartaas ka mid ah, helidda shaqadan waxay ugu soo beegantay isagoo labo bil shaqo la’aan ahaa, kadib markii uu ka dhammaaday heshiis uu kula jiray iskuul uu xisaabta ka dhigi jiray oo la yiraahdo Al-bushra, kuna yaalla Muqdisho. Bishii wuxuu ka qaadan jiray mushaar siddeetan doollar ah. Balse shaqadan waxa uu ka helaa bishii ugu yaraan $600, taas oo kor u qaadday nolosha qoyskiisa oo ka kooban afar qof.

“Waxaan daganaa boos qofkii lahaa ii hay i dhahay.  Anoo halsano camal ku jira ayuu qofkii booskiisa u baahday, iyadoo xaaladaas aan marayo ayaa shaqadan markii ley ogolaaday waxaan degay guri kiro ah. kirada iyo cunnada waxaa oo dhan anigaa bixiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ka hor shaqadan, bilaha uu shaqo la’aanta ahaa ay qoyskiisu ku tiirsanaayeen caawinaada qarabaadiisa.

Dhallinyarada la maalgaliyay ayaa iska leh mootooyinka loo iibiyay oo qiimahoodu u dhexeeyo $900-$1,100. Inta aan ka aheyn maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo ay fasax yihiin ayeyna shaqeeyaan.

Cali Xasan Maxamed oo shirkadda Rikaab u qaabilsan waaxda mootooyinka ayaa raadiyow Ergo u sheegay in shirkaddu aysan faa’ido saaran mootooyinka ay u soo iibisay dhallinyarada. Wuxuu tilmaamat in howshan ay uga dan leeyihiin sidii qeyb uga noqon lahaayeen shaqo siinta dhallinyada sida ay uga badbaadiyaan tahriib iyo inay dadka dhibaateeyaan.

Previous Post

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

Next Post

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo