Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 13, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
BARNAAMIJKA TACAB

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qiimo koror ku yimid shidaalka labadii bilood ee u danbeeyay, ayaa saameeyay beeraleyda gobolka Hiiraan oo isku diyaarinayay inay shidaalka uga ka faa’iidaystaan tacbashada dallagyada kala duwan. Qiimaha fuustada shidaalka ah oo markii hore aheyd $120 ayaa gaartay $245.

Axmed Aadan Xasan oo beer 20 hektar ah ku leh tuulada Lafoole, wuxuu sheegay inay beertiisu u xayiran tahay shidaal la’aan. Wuxuu intaas ku daray in markii uu waayay dhaqaale uu siiyo cagafa beeraha lagu diyaariyo, inay dantu ku xanbaartay inuu gacantiisa ku banneeyo labo hektar.

“Beerta waan geed qaaday. Cagafta markan u waayey waan xir xiray, xiritaankaas waxaa ka sii fiicnaan laheyd Cagaf. Caqabada innoogu daran hadda waa shidaal. Wax aan beerta u haynana malaha. Dad iska xoogsato ah oo wax isku darsaday ayaan aheyn. Abuurka waala heli karaa lakiin shidaalkii matoorka aad ayuu inoogu adag yahay,” ayuu yiri.

Wax soo saarka beeraleyda waxaa kaalin weyn ka qaata shidaalka. Waxay shubtaan matoorrada lagu waraabiyo beeraha iyo cagafta fasha. Balse waxay sheegeen inay awoodi la’ yihiin  gadashadiisa, iyadoo lagu guda jiro xilli roobaadkii wax beerashada.

Axmed ayaa sheegay in bishii labaad ee 2022 ay beertiisa uga soo go’een Galley iyo Yaanyo aan badnayd, hase-yeeshee uusan ka helin dhaqaale fiican. Wax soo saarkiisa waxaa hoos u dhigay biyo yarida webiga Shabeelle.

“Beeraha xooggooda waxaa ay u dhinteen bishii Maarso biyo la’aan. Wixii soo baxayna cusbo ayey noqdeen. Culeys weyn ayaa na haysto, beerta markaa tacabto cayayaan baa jiro. Wax islaameydna waa soo qaaday. cayayaankii  beerta haddii uu kaa dilo maxaa sameeynee, hadana waa soo biloow iyo deyn kale, hamigeenna beer lee waaye,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa sheegay inuu ku rajo weynaa inuu dhaqaale fiican meel ka dhigto dallagii uu tacbay Dayrtii hore, balse wuxuu xusay inaysan taasi u dhaboobin. Caqabadda tacabka beerta ka haysata Axmed waxay u horseeday in sadexdii bil ee ugu dambaysay uu dayn ku qaato raashinka carruurtiisa oo siddeed ah.

“Waxaan saaranahay dukaan uu nin walaal ah leeyahay oo deyn ah. Shidaalkii waan qaadan la’nahay, waayo ninkii aan saarnaa waxa uu dhahay waa qaaliyoobay. Ilaa 4 ilaa 5 kun oo doollar ayaa laygu leeyahay shidaal. Raashin 3 bilood beertiina wax waa laga waayey,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Beer-maalkan ayaa tilmaamay in beerta ay u tahay isha keliya ee dhaqaale ee uu ka maareeyo waxbarashada carruurtiisa iyo nolosha qoyskiisa. Afar carruurtiisa ah oo dhigata iskuulka hoose iyo dugsi Quráan ayuu sheegay inuusan ka bixinin lacagta waxbarashadooda saddexdii bil ee la soo dhaafay taas oo ah $40.

Beeraleyda badan ayaan rajo ka qabin inay beerahooda tacbadaan xilli roobaadkan shidaalka qaaliyoobay dartiis. Waxaa ka mid ah Macaane Muxumed Daahir oo ku nool degaanka Jiiqle oo 4 km u jira magaalada Beledweyne. Beertiisa ayuu sheegay inay tahay waxa keliya ee nolol maalmaalmeedka qoyskiisa uu ka soo saaro. Isaga oo deyn badan lagu leeyahay ayuu haddana isku dayayaa inuu wax tacbado.

“Beer shidaal kama maaranto, fal kama maaranto, intaas waa caqabad taagan oo  na haysto. Haddii aan awoodi karo wey fiicnaan laheyd sow maha, anaaba dayn laygu leeyahay, anoo deyn laygu leeyahay ayaa isku day kale sii wada ,” ayuu yiri.

Macaane oo beertiisa ay tahay 9 hektar ayaaa tilmaamay in beerihii ay noqdeen culeys iyo qasaaro is daba joog ah taasi oo sii adkeysay nolosha qoyskiisa.

“Wixii yaraay ee beerta kasoo baxay ma ilmihii ayaa ku xalisaa, mase beertii ayaa dib ugu celisaa. Markii labadooda is qabtaan ilmo iyo beer ilmihii ayaa muhiimadda siineysaa sow maha. Marka saameyn weyn ayey nagu yeelatay, maareynta qoyska dayn ayaa lagu maareeyaa,” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in bilihii abaaraha uu fursad dhaqaale ka helay caws uu beerta hore ugu abuuray oo uu ugu talagalay in waqtiga adag uu kaga baxo. Xoolo-dhaqatada ay saameeyeen abaaraha ayaa ka iibsan jiray.

Dallagyada ay beertaan dadka beer qodotada ah waxay ku baahan yihiin xoog badan oo lagu bixiyo billow ilaa dhamaad iyo waraab dhowr jeer ah.

Cabdixakiin Cumar Yuusuf oo ah khabiir dhanka beeraha ah, ayaa sheegay in xilligan oo kale beeraleyda looga baahan yahay in ay abuurtaan dallagyada adkeysiga u leh biyo la’aanta si ay uga maarmaan waraabka shidaalka.

“Waxaa fiican in loo wareego habab waraabka lagu yareyn karo sida in la tacbo dallagyada dulqaadka u leh biyo la’aanta  in la badiyo tacabkooda. Sidoo kalena soolar ciddii heleyso raadsato, soolarka haddii bam lagu xiro waa ka fiican yahay. Dallagyada dulqaadka u leh biyo la’aanta waxaa kamid ah qaraha oo kale dul qaad fiican ayuu u leeyahay biyo la’aanta. 3 mar ilaa 4 mar ayuu  biyo u baahan yahay. Sidoo kale messagada ayaa aad u fiican, waxyabahaas oo dhan waa wax aan shidaal badan u baahneeyn,” ayuu yiri.

Dhaqtar Cabdixakiin ayaa tilmaamay in beeralayda uu kula talinayo in aysan niyad jabin oo ay wax tacbadaan xilli roobaadkan.

Duruufaha adag ee haysta beeraleyda Hiiraan ayaa loo aanaynayaa sanado badan oo is xig xigay oo ay abaaro jireen, hoos u dhaca biyaha webiga shabeelle iyo cayayaan dhibaato adag ku hayay wax soo saarka beeraha. Waxaa jira boqolaal ka mid ah beeraleyda yar yar oo magaalada Beldweyne u soo galay xoogsi kadib markii ay rajo beeleen beerihii ay ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

Next Post

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Food delivery

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo