(ERGO) – Qiimo koror ku yimid shidaalka labadii bilood ee u danbeeyay, ayaa saameeyay beeraleyda gobolka Hiiraan oo isku diyaarinayay inay shidaalka uga ka faa’iidaystaan tacbashada dallagyada kala duwan. Qiimaha fuustada shidaalka ah oo markii hore aheyd $120 ayaa gaartay $245.
Axmed Aadan Xasan oo beer 20 hektar ah ku leh tuulada Lafoole, wuxuu sheegay inay beertiisu u xayiran tahay shidaal la’aan. Wuxuu intaas ku daray in markii uu waayay dhaqaale uu siiyo cagafa beeraha lagu diyaariyo, inay dantu ku xanbaartay inuu gacantiisa ku banneeyo labo hektar.
“Beerta waan geed qaaday. Cagafta markan u waayey waan xir xiray, xiritaankaas waxaa ka sii fiicnaan laheyd Cagaf. Caqabada innoogu daran hadda waa shidaal. Wax aan beerta u haynana malaha. Dad iska xoogsato ah oo wax isku darsaday ayaan aheyn. Abuurka waala heli karaa lakiin shidaalkii matoorka aad ayuu inoogu adag yahay,” ayuu yiri.
Wax soo saarka beeraleyda waxaa kaalin weyn ka qaata shidaalka. Waxay shubtaan matoorrada lagu waraabiyo beeraha iyo cagafta fasha. Balse waxay sheegeen inay awoodi la’ yihiin gadashadiisa, iyadoo lagu guda jiro xilli roobaadkii wax beerashada.
Axmed ayaa sheegay in bishii labaad ee 2022 ay beertiisa uga soo go’een Galley iyo Yaanyo aan badnayd, hase-yeeshee uusan ka helin dhaqaale fiican. Wax soo saarkiisa waxaa hoos u dhigay biyo yarida webiga Shabeelle.
“Beeraha xooggooda waxaa ay u dhinteen bishii Maarso biyo la’aan. Wixii soo baxayna cusbo ayey noqdeen. Culeys weyn ayaa na haysto, beerta markaa tacabto cayayaan baa jiro. Wax islaameydna waa soo qaaday. cayayaankii beerta haddii uu kaa dilo maxaa sameeynee, hadana waa soo biloow iyo deyn kale, hamigeenna beer lee waaye,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay inuu ku rajo weynaa inuu dhaqaale fiican meel ka dhigto dallagii uu tacbay Dayrtii hore, balse wuxuu xusay inaysan taasi u dhaboobin. Caqabadda tacabka beerta ka haysata Axmed waxay u horseeday in sadexdii bil ee ugu dambaysay uu dayn ku qaato raashinka carruurtiisa oo siddeed ah.
“Waxaan saaranahay dukaan uu nin walaal ah leeyahay oo deyn ah. Shidaalkii waan qaadan la’nahay, waayo ninkii aan saarnaa waxa uu dhahay waa qaaliyoobay. Ilaa 4 ilaa 5 kun oo doollar ayaa laygu leeyahay shidaal. Raashin 3 bilood beertiina wax waa laga waayey,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Beer-maalkan ayaa tilmaamay in beerta ay u tahay isha keliya ee dhaqaale ee uu ka maareeyo waxbarashada carruurtiisa iyo nolosha qoyskiisa. Afar carruurtiisa ah oo dhigata iskuulka hoose iyo dugsi Quráan ayuu sheegay inuusan ka bixinin lacagta waxbarashadooda saddexdii bil ee la soo dhaafay taas oo ah $40.
Beeraleyda badan ayaan rajo ka qabin inay beerahooda tacbadaan xilli roobaadkan shidaalka qaaliyoobay dartiis. Waxaa ka mid ah Macaane Muxumed Daahir oo ku nool degaanka Jiiqle oo 4 km u jira magaalada Beledweyne. Beertiisa ayuu sheegay inay tahay waxa keliya ee nolol maalmaalmeedka qoyskiisa uu ka soo saaro. Isaga oo deyn badan lagu leeyahay ayuu haddana isku dayayaa inuu wax tacbado.
“Beer shidaal kama maaranto, fal kama maaranto, intaas waa caqabad taagan oo na haysto. Haddii aan awoodi karo wey fiicnaan laheyd sow maha, anaaba dayn laygu leeyahay, anoo deyn laygu leeyahay ayaa isku day kale sii wada ,” ayuu yiri.
Macaane oo beertiisa ay tahay 9 hektar ayaaa tilmaamay in beerihii ay noqdeen culeys iyo qasaaro is daba joog ah taasi oo sii adkeysay nolosha qoyskiisa.
“Wixii yaraay ee beerta kasoo baxay ma ilmihii ayaa ku xalisaa, mase beertii ayaa dib ugu celisaa. Markii labadooda is qabtaan ilmo iyo beer ilmihii ayaa muhiimadda siineysaa sow maha. Marka saameyn weyn ayey nagu yeelatay, maareynta qoyska dayn ayaa lagu maareeyaa,” ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in bilihii abaaraha uu fursad dhaqaale ka helay caws uu beerta hore ugu abuuray oo uu ugu talagalay in waqtiga adag uu kaga baxo. Xoolo-dhaqatada ay saameeyeen abaaraha ayaa ka iibsan jiray.
Dallagyada ay beertaan dadka beer qodotada ah waxay ku baahan yihiin xoog badan oo lagu bixiyo billow ilaa dhamaad iyo waraab dhowr jeer ah.
Cabdixakiin Cumar Yuusuf oo ah khabiir dhanka beeraha ah, ayaa sheegay in xilligan oo kale beeraleyda looga baahan yahay in ay abuurtaan dallagyada adkeysiga u leh biyo la’aanta si ay uga maarmaan waraabka shidaalka.
“Waxaa fiican in loo wareego habab waraabka lagu yareyn karo sida in la tacbo dallagyada dulqaadka u leh biyo la’aanta in la badiyo tacabkooda. Sidoo kalena soolar ciddii heleyso raadsato, soolarka haddii bam lagu xiro waa ka fiican yahay. Dallagyada dulqaadka u leh biyo la’aanta waxaa kamid ah qaraha oo kale dul qaad fiican ayuu u leeyahay biyo la’aanta. 3 mar ilaa 4 mar ayuu biyo u baahan yahay. Sidoo kale messagada ayaa aad u fiican, waxyabahaas oo dhan waa wax aan shidaal badan u baahneeyn,” ayuu yiri.
Dhaqtar Cabdixakiin ayaa tilmaamay in beeralayda uu kula talinayo in aysan niyad jabin oo ay wax tacbadaan xilli roobaadkan.
Duruufaha adag ee haysta beeraleyda Hiiraan ayaa loo aanaynayaa sanado badan oo is xig xigay oo ay abaaro jireen, hoos u dhaca biyaha webiga shabeelle iyo cayayaan dhibaato adag ku hayay wax soo saarka beeraha. Waxaa jira boqolaal ka mid ah beeraleyda yar yar oo magaalada Beldweyne u soo galay xoogsi kadib markii ay rajo beeleen beerihii ay ku tiirsanaayeen.










