(ERGO) – Shan sano qoysas barakac ku ahaa xeryaha Jaamo Laaye iyo Barwaaqo ee Berbera, ayaa la dejiyay bishii Maarso ee 2022 guryo bulukeeti ah oo looga dhisay xaafadda Magaalo Cad oo 2km dhinaca bari ka xigta magaaladaas.
Cismaan Maxamed Cabdullaahi oo ah aabbaha lix caruur ah, waxaa qoyskiisa lagu wareejiyay guri ka kooban laba qol, jiko iyo musqul u gaar ah. Waxay horey u degganaayeen cooshad u nugleyd cadceedda iyo dhibcaha roobka.
“Walaal waxay ahayd mid kuleyl badan oo hanfiya. Dhibaato badan ayaa jirtay, carruurtu waxay deganaayeen buul iyo geedo aan soo googooyay ayaan hoostooda seexin jiray runtii. Marka gurigu ku kululaado geed ayaan hoos geyn jiray,” ayuu yiri.
Qoyska Cismaan 2017 ayuu ka soo barakacay baadiyaha Laasciidle oo Berbera u jirta 80 km, kaddib markii abaartu ka laysay 250 neef oo ari ah. Qoyskiisa oo oo Berbera ka degganaa xerada Jaamo Laaye ayuu xusay in saddexdii sano ee ugu horreysay ay ku tiirsanayeen gargaarka hay’adda Cunnada adduunka ee WFP iyo SOS. Balse gargaarkaas ayaa ka joogsaday 2020-kii.
Ninkan ayaa ku qasbanaaday in shaqo muruq-maal ah uu ka billaabo dekadda magaalada Berbera. Shaqada xamaaliga oo uu ilaa hadda wado ayuu tilmaamay in maalinkii uu ka helo $8. Lacagta uu helo ayuu xusay inay ku filan tahay biilka qoyskiisa iyo waxbarashada carruurtiisa. Wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa oo dhigta fasalka afraad ee dugsiga hoose/dhexe ee Bursad uu ka bixiyo $9 bishii.
Cismaan ayaa xusay in labo mar laga raray dhul uu degganaa, markii dadkii lahaa ay ka codsadeen inay uga guuraan. Hadda waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka mid noqday dadka degaanka ku ah magaalada. Wuxuu xusay in lagu wareejiyay furaha iyo mulkiyadda guriga la siiyay iyo dhulka uu ku yaallo.
“Wixii magaalada la iga soo siiyo ayaan caruurtayda ku filnayn siin jiray. Xaaladda maanta ay carruurtu ku sugan yihiin waa alxamdulilaah rabi caalamiin. Gurigani wuxuu u tari doonaa waa hoy ay heleen oo maanta ay kaashadaan oo maanta u noqonaya hoy,” ayuu yiri.
Labada xaafad ee ay dadkan barakaca ku ahaayeen ma aysan ku haysan adeegyada aas-aasiga ah sida goobo ay ka dhaansadaan biyo nadiif ah, musqulo ku filan iyo xarumo caafimaad. Balse, waxaa hataan loo sameeyay goobahaas oo dhan.
Hawsha degaan siinta dadka Barakaca ah oo ay ka faa’iideysteen ku dhawaad saddex boqol oo qoys, waxaa fulisay dawladda hoose oo tageero ka heleysa hay’adda UNCHR ee qaramada midoobay.
Xaawa Cabdiraxmaan Muuse oo haysata afar carruur ah waxay sidoo kale ka mid tahay dadka guryaha iyo dhulka la siiyay. Waxay xustay inay degganaayeen guri cooshaad ah oo ahaa mid aan qorraxda ka celin jirin. Haweeneydan oo barakac ku aheyd Berbera taniyo 2018, waxay sheegtay in markii lahaanshaha guri dhisay la siiyay ay dareentay himilo nololeed.
“Maanta iyo markii hore isku meel ma taagni. Waxaan dareemayaa in carruurtaydu joogaan meel amniya. Markii hore warwar ayaa dilayay haddii uu roob da’o meel aan ka galnaa aanay jirin, oo caruurtaydu dhaxan u dhimanayeen, oo aanan haysanin cid wax i siisa, daryeel fiican. Maantase, waxaan dareemayaa in carruurtaydii meel wanaagsan ay haystaan oo haddii roob da’o iyo haddii kaleba aan ka bixi karo,” ayay tiri.
Nolosha qoyska Xaawa ayaa ku tiirsaneyd raashinka ay bixiyaan hay’adaha samafalka oo ka joogsaday. Waxaa ay xustay in masuuliyiinta dowladda hoose ay u ballan qaadeen shaqo nadaafadeed oo ay ka siin doonaan xafiisyada dowladda ee magaalada si ay dakhliga ka soo galo ay biilka carruurteeda ugu maareyso.
Xaawo ayaa sheegtay in aabbaha carruurteeda ay kala tageen markii konton neef oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen tuulada Laas geel ay abaarta ka dishay 2017-kii. Wixii intaa ka dambeeyay ayay sheegtay in carruurteeda ay keligeed korsanaysay.
Dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa mulkiyada dhulka iyo guryaha ku wareejisay dadka barakaca ah ee ay dib u dejinta u sameeysay.
Cabdi Maxamuud Waqandhe oo ah madaxa arrimaha bulshada ee dowlada hoose ee Berbera ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dowladda ay go’aansatay in dadkan barakaca ah ee in muddo ah magaalada degnaa ay ka saaraan nolosha barakacnimada ayna ku biiriyaan dadka degaanka.
“Walaal magaalada dhibaatada ku haysatay waxaa ay ahayd, waxaa ay ahaayeen dad masaakiina oo haddii ay guryo noqoto inay galaan may haysan. Dad ay noloshu ku adag tahay ayay ahaayeen. Sidoo kale, dadkii magaalada deganaana waxay ku ahaayeen culeys. Markaa maamulka dowlada hoose waxaa uu sameeyay inuu dadkaasi nolol u sameeyo oo guryo u dhiso oo uu siiyo,” ayuu yiri
Dadka guryaha lagu wareejiyay ayaa ahaa xoolo-dhaqto ku cayroobay abaar ku dhufatay baadiyaha gobolka Saaxil ee Soomaaliland sanadkii 2017-kii. Waxay tan iyo markaas barakac ku ahayeen magaalada Berbera oo ay hadda ku noqdeen dad degaan ah.










