Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
May 11, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo, Somalia

Tubbo goordhaw la hirgaliyay/Kaydka Sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar kun iyo siddeed boqol oo qoys oo barakac ku ah xeryaha degaanka Xaar-xaar ee gobolka Mudug, oo ku dhib qabay helidda biyaha ayaa ka faa’iideysanaya tubbooyin bilaash ah oo laga hirgaliyay xeryahooda bishii koowaad ee 2022.

Aamino Shukri Kheyre waxay ka mid tahay dadka ka baxay walwalka hubanti la’aanta biyaha ee ku nool lix xero oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo. Haweeneydan ayaa hadda hesha biyo ku filan baahideeda aasaasiga ah. Waxay xustay in nadaafadda qoyskeeda uu isbeddel weyn ku yimid markii ay heleen biyahan.

“Wax wayn baa nolosheenna iska beddelay. Markii hore nadaafaddeenna laciif bay ahayd. Hal jirkaan baa soo gadan jirnay. Halkii jirkaan ma cuniggii baa ugu dhaqdaa, ma dharkaa ku dhaqdaa, ma ku tukataa, ma ku maamulataa, nama deeqeyn. Haddase Maasha Allaah nadaafaddeenna waa boqol boqol. Dharkii baan iska dhaqeynaa, waan ku qubeysaneynaa, ilmihii ayaan u qubeynaynaa, wax walba ayaan isaga dhaqeynaa,” ayay tiri.

Xerada ay ku nooshahay Aamino iyo shanta kale oo deris la’ah, waxaa loo sameeyay siddeed goob oo loogu tala-galay inay biyaha ka dhaansadaan dadka deggan. Tubbooyinka biyaha gaarsiiya waxaa laga soo xiriiriyay ceelka Xaar-Xaar oo xeryaha u jira ilaa hal kiilo mitir.

Qoyska Aamino iyo qoysaska kale mashruucan biyo siinta ah nasiibka u yeeshay waxay ku tiirsanaayeen biyo lacag ah. Helidda biyahaas waxay u galayeen safaf dhaadheer. Caagga labaatanlaha ah ayay siisan jireen labo senti oo lacagta doollarka ah.

“Intaan ceelka ka soo qaado anoo tabaalac [tacbaan] ah oo baralaati baa imaanayay. Meeshu [waddadu] waa bacaad oo uu boor kugu qabanayo. Kolba lugaan soo qaadi jiray, illeen anoo cunugaga horey ku sida ayaan haddana dhabarka biyaha kusiday. Illeen ciyaalkii waxbarashay iga aadaan, biyo la’aanna waa i haysaa,” ayay tiri.

Aamino iyo carruurteeda waxaa hoy u ah, guri cooshaad ka sameeysan oo ku yaalla xerada Xaar-Xaar. Inkastoo laga daboolay baahideeda dhanka helista biyaha, haddana waxay wajahayaan hoy la’aan iyo cunna yari. Aroor kasta waxay u kabo qaadataa guryaha Gaalkacyo, iyadoo goobeysa shaqada dhar dhaqidda oo ay ka maareyso qoyskeeda. waxay maalinkii ka heshaa ugu badnaan shan doollar. Waxay xustay inay guriga ku soo noqoto maalmaha qaar iyada oo fara-maran, taas oo u horseedda inay ku seexdaan gaajo.

Tubbooyinka biyaha siiya dadka ku nool xeryaha barakaca, waxaa laga soo jiiday ceelka Xaar-xaar oo ay dib-u-dayactirka ku sameysay hay’adda IMC oo ka shaqeysa hawlaha caafimaadka iyo horumarinta.

Aadan Nuur Cumar oo ah sarkaal u qaabilsan hay’adda qeybta biyaha ee gobolka Mudug ayaa sheegay in qoysaska xeryaha ku nool ay sii heli doonaan biyahan bilaashka ah ilaa iyo bisha siddeedaad ee sanadkan. Hay’adda ayuu xusay inay ku dedaaleyso sidii ay u heli laheyd mashruuc kale oo ay ku kabto dadka barakaca ah.

Muno Aadan Muuse oo ah hooyada toban carruur ah, wuxuu sidoo kale qoyskeedu ka mid yahay qoysaska hela biyaha bilaashka ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in caqabad ay ka mari jirtay helidda biyaha. Dhabarkeeda ayay ugu aroori jirtay qoyskeeda iyo midka hooyadeed oo ka kooban toddob qof. Lacagta biyaha ayay sheegtay inay iyadu wada bixin jirtay, taas oo ay xustay inay ku adkayd.

“Biyo aad dhabarka meel uga keentay iyo biyo kaamkaaga dhexdiisa ku yaalla isku mid ma aha. Kaamka ama irriddiisa dagganow ama dhexda dagganow, waa ku nasanay oo waan ku faa’iidnay. Carruurtii naga silic-sanaan jirtay, intii aad shaqada ku maqan tahay, biyo ma haysanno hooyoy hal falis soo dir, labo falis soo dir, biyaan u baahan nahay dhihi jirtay waa laga raystay, Alxamdulilaah. Marka aad bay u kala duwan yihiin wax gurigaaga kuugu yaalla iyo waxaad dhib u mareyso,” ayay raacisay hadalkeeda.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay in iyadoo xaamilo ah ay dhabarkeeda ugu dhaan tagi jirtay carruurteeda. Waxay aaminsan tahay inay nolosheeda iyo midda uur-jiifka khatar gelineysay. Waxay xustay in hadda ay si lacag la’aan ah u soo dhaansato 120 ilaa 140 liitar oo biyo ah maalinkii.

Biyaha ay heleen marka laga tago qoyska Muno ma haystaan hoy wanagsan. Waxay ka walwalsan yihiin sida uu xalkooda noqon doono, haddii ay da’aan roobab waa weyn. Culeysyada nololeed ee haysta qoyska Muno waxaa qeyb ahaan illowsiinaya biyaha ay heleen.

Nolol ahaan waxay ku tiirsanaayeen shaqada dhismaha guryaha oo u joogsatay saameynta abaarta. Markii saygeedu noqday shaqo la’aan iyada ayaa billowday shaqo nadafadeed. Subax walbo waxay u shaqo doonataa magaalada.

Previous Post

Webiga biyo-yareeyay oo dhalliyarada Jowhar ay uga faa’ideystaan habab ay dhaqaale ku helaan

Next Post

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Houses in Somalia

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo