Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Webiga biyo-yareeyay oo dhalliyarada Jowhar ay uga faa’ideystaan habab ay dhaqaale ku helaan

Radio Ergo by Radio Ergo
February 23, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Latest Somalia news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, Jowhar news, River Shabelle news

Maxamed Cabdullaahi oo carruur ku dabaal-baraya webiga Shabeelle ee Jowhar/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhowaad 30 dhallinyaro ah oo da’doodu ay u dhaxeysa 20 ilaa 30 jir oo isugu jira beeraley, kalluumeysato iyo arday soo dhameysay dugsiyada sare ayaa tan iyo bishii Janaayo ka shaqeysanaya hareeraha webiga Shabeelle ee magaalada Jowhar.

Dhallinyarada qaar ayaa biyaha webiga ku dhaqa gawaarida, halka kuwa kale ay carruurta baraan dabaasha.

Feysal Cabdullaahi Soomow oo 25 sano jir ah, wuxuu ku billaabay dhaqista baabuurta oo ah shaqada keliya ee uu helay markii beertiisa oo uu ku waraabin jiray biyaha webiga ay ka qallashay webiga oo biyo-yareeyay awgeed.

“Ugu badnaan waxaan maalintii soo helaa $10, maalmaha ay shaqada yar tahayna $7 ilaa $8 ayaan ka helaa. Biilka reerka $3 markaan ka bixiyo inta soo hartay meel ayaan dhigtaa si aan berri ugu baxsado oo dhigaal ay iigu noqoto maaddaama la xanuunsan karo,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay inuu waayay dhaqaale uu ku soo iibsado matoor uu biyaha ugu soo jiido beertiisa. Bishii Janaayo ee sanadkan waxaa ka qallalay galley, sisin iyo digir ugu beerneyd beertiisa oo afar hiktar ah. Ninkan ayaa ka walwalaya bixinta kirada guriga uu deggan yahay qoyskiisa oo saddex qof ah. Rajada ah inuu dib u tacbado beertiisa waxay ku xiran tahay roobka oo biyo geliya webiga.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu hormuud u yahay koox kalluumeysato ah oo carruurta barta dabaasha maalmaha Khamiista iyo Jimcaha. Wuxuu sheegay in biyaha webiga ee yaraaday ay sababtay in la waayo kalluunkii ay soo daban jireen, taasina ay keentay inay shaqo-la’aan noqdaan. Lacag ay carruurtaas ka qaadaan ayay ku tiirsan tahay nolosha qoysaskooda. Hase yeeshee waa shaqo halisteeda leh.

“Yaxaas ayaa lala kulmaa, carruurtiina waa inaad ka celisaa naftaadana badbaadisaa. Maalin dhowayd yaxaas yar ayaan la kulannay, mindi iyo waran ayaan wadannaa kooxna waan nahay waan dilnay. Carruurta kaligood ayay yimaadaan, marka waa khatar,” ayuu yiri.

Maxamed oo ka baxay dugsiga sare ayaa sheegay inuu kalluumeysiga ku biiray kaddib markii ay waalidiintiis awoodi waayeen lacag ay ku geeyaan jaamacadda.

Webiga Shabeelle oo halbowle u ah wax-soo-saarka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa aad u biyo yareeyay.

Shaqo-abuurkan gaaban ee laga helay webiga waxaa sii dheer in dadka deegaanka ay meelaha qallalay ee webiga ka rartaan bacaad, kaas oo loo adeegsado dhismayaasha.

Previous Post

Xoolo-dhaqatada Puntland oo ku hungoobay dhulkii ay daaqa u doonteen oo ku noqonaya deegaannadooda

Next Post

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

Related Posts

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
Biyo, Somalia

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-SEP-2026

IDAACADDA 24-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo