(ERGO) – Ku dhowaad 30 dhallinyaro ah oo da’doodu ay u dhaxeysa 20 ilaa 30 jir oo isugu jira beeraley, kalluumeysato iyo arday soo dhameysay dugsiyada sare ayaa tan iyo bishii Janaayo ka shaqeysanaya hareeraha webiga Shabeelle ee magaalada Jowhar.
Dhallinyarada qaar ayaa biyaha webiga ku dhaqa gawaarida, halka kuwa kale ay carruurta baraan dabaasha.
Feysal Cabdullaahi Soomow oo 25 sano jir ah, wuxuu ku billaabay dhaqista baabuurta oo ah shaqada keliya ee uu helay markii beertiisa oo uu ku waraabin jiray biyaha webiga ay ka qallashay webiga oo biyo-yareeyay awgeed.
“Ugu badnaan waxaan maalintii soo helaa $10, maalmaha ay shaqada yar tahayna $7 ilaa $8 ayaan ka helaa. Biilka reerka $3 markaan ka bixiyo inta soo hartay meel ayaan dhigtaa si aan berri ugu baxsado oo dhigaal ay iigu noqoto maaddaama la xanuunsan karo,” ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay inuu waayay dhaqaale uu ku soo iibsado matoor uu biyaha ugu soo jiido beertiisa. Bishii Janaayo ee sanadkan waxaa ka qallalay galley, sisin iyo digir ugu beerneyd beertiisa oo afar hiktar ah. Ninkan ayaa ka walwalaya bixinta kirada guriga uu deggan yahay qoyskiisa oo saddex qof ah. Rajada ah inuu dib u tacbado beertiisa waxay ku xiran tahay roobka oo biyo geliya webiga.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu hormuud u yahay koox kalluumeysato ah oo carruurta barta dabaasha maalmaha Khamiista iyo Jimcaha. Wuxuu sheegay in biyaha webiga ee yaraaday ay sababtay in la waayo kalluunkii ay soo daban jireen, taasina ay keentay inay shaqo-la’aan noqdaan. Lacag ay carruurtaas ka qaadaan ayay ku tiirsan tahay nolosha qoysaskooda. Hase yeeshee waa shaqo halisteeda leh.
“Yaxaas ayaa lala kulmaa, carruurtiina waa inaad ka celisaa naftaadana badbaadisaa. Maalin dhowayd yaxaas yar ayaan la kulannay, mindi iyo waran ayaan wadannaa kooxna waan nahay waan dilnay. Carruurta kaligood ayay yimaadaan, marka waa khatar,” ayuu yiri.
Maxamed oo ka baxay dugsiga sare ayaa sheegay inuu kalluumeysiga ku biiray kaddib markii ay waalidiintiis awoodi waayeen lacag ay ku geeyaan jaamacadda.
Webiga Shabeelle oo halbowle u ah wax-soo-saarka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa aad u biyo yareeyay.
Shaqo-abuurkan gaaban ee laga helay webiga waxaa sii dheer in dadka deegaanka ay meelaha qallalay ee webiga ka rartaan bacaad, kaas oo loo adeegsado dhismayaasha.










