Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqatada Puntland oo ku hungoobay dhulkii ay daaqa u doonteen oo ku noqonaya deegaannadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
February 23, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Pastoralists in Somalia

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdiweli Yuusuf Xaaji wuxuu dib ugu soo laabtay deegaanka Biyo Cadde oo 40 km dhanka bari ka xiga magaalada Eyl, halkaas oo uu labo bil ka hor uga hayaamay abaarta darteed. Wuxuu ka walwalsan yahay sii noolaashaha xoolo u haray.

Ninkan ayaa la hayaamay xoolihiisa iyo qoyskiisa oo ka kooban lix qof bishii Diseembar ee 2021. Wuxuu u naq raacay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari oo uu roob yar ka da’ay deyrtii la soo dhaafay. Balse, waxaa halkaas isugu tagay xoolo-dhaqato badan, taas oo keentay in daaqii yaraa uu durba dhamaado.

Cabdiweli wuxuu ka soo noqday degmada Isku-shuban markii uu daaqii dhamaaday, wuxuuna mar kale u hayaamay deegaanka Rako oo uu ay sidoo kale isugu yimaadeen xoolo-dhaqato badan. Ujeeddada uu u hayaamay ayaa ahayd in xoolihiisa uu u helo biyo iyo baad, balse markii uu soo waayay, waxay dantu ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto deegaankiisa.

“Guryaheenna ayaan isaga soo laabannay, abaarta wali way na haysaa. Lacag $1,900 ayaa iga baxday, xoolaha iyo qoyska ayaan gaari ugu kireeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in tan iyo markii uu soo laabtay uu suuqa kula noq-noqonayo 10 neef oo ari ah, balse uusan helin cid ka iibsata, maaddaama ay caato yihiin.

Cabdiweli wuxuu Isku-shuban ula hayaamay 200 oo ari ah iyo 40 neef oo geel ah. Waxaa waddada uga sii dhintay 50 neef oo ari ah iyo shan geel ah. Wuxuu sheegay in 300 oo qof oo ay iska raaceen deegaanka Biyo Cadde ay intooda badan dib u soo laabteen.

“Xaaladda aad iyo aad bey u adag tahay, waxayna u baahan tahay in wax laga qabto. Waxaan dowladda ka codsaneynaa inay na soo caawiso. Cunto-la’aan ayaa na haysata, xoolihiina iib ma lahan,” ayuu yiri.

Maxamed Cabdi oo ula hayaamay qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof deegaanka Rako oo 90 km bari uga beegan magaalada Qardho ayaa sidoo kale dib ugu soo laabtay deegaankiisa oo lagu magacaabo Godbo oo hoostaga degmada Eyl bishii Jannaayo. Wuxuu xusay inuu go’aansaday inuu dib u soo laabto kaddib markii uu daaqii dhamaaday.

Ninkan oo deegaankiisa kala hayaamay 300 neef oo ari ah ayaa la soo laabtay 230 neef, intii kale waxaa ku go’ay rarkii uu gaariga ugu sameeyay.

“Labo gaari ayaan raacnay si aan u gaarno halkii aan u soconay. Gaarigii koowaad oo iga qaatay $600 waddada ayuu ku jabay, mid kale ayaan $200 ku kireysannay. Abaarta darteed ayaan guryaheenna uga tagnay, si aan xoolaha u badbaadinno,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa xusay inay la daalaa-dhacayaan nolol-maalmeedka qoysaskooda maaddaama dukaamadii ay ku tiirsanaayeen ay ka joojiyeen inay siiyaan deyn. Ma haystaan biyo iyo cunno toona.

Agaasimaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee Puntland (HADMA), Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ay dadkaasi wajahayaan ay tahay biyo-la’aan. Wuxuu xusay in ceelasha qaar ay jabeen, keydadka biyahana ay qallaleen. Wuxuu tilmaamay in ay sii korortay tirada qoysaska u baahan gargaarka degdegga ah.

Cabdullaahi ayaa sheegay in saameynta abaarta ay sii biirisay sicir-bararka, ayaxa iyo sidoo kale xayiraadihii COVID-19.

Previous Post

Rag uu xaalufka shaqo u ahaa oo fursado ka helay warshad garanwaaga u beddesha dhuxul

Next Post

Webiga biyo-yareeyay oo dhalliyarada Jowhar ay uga faa’ideystaan habab ay dhaqaale ku helaan

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Next Post
Latest Somalia news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia live news, Jowhar news, River Shabelle news

Webiga biyo-yareeyay oo dhalliyarada Jowhar ay uga faa’ideystaan habab ay dhaqaale ku helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo