(ERGO) – Khadar Tubeec Sugaal wuxuu dambi la xiriira dhuxuleynta dhirta u xirnaa 17 bil tan iyo bishii Juun ee 2020-kii. Balse wuxuu hadda ka mid yahay koox ay Dowlad-deegaanka Soomaalida ku wareejisay warshad geedka Cali-garoobka u beddesha dhuxul.
Khadar ayaa warshaddan u qaabilsan jaridda, guridda iyo diyaarinta geedaha ay warshaddu dhuxuleyso. Dhaqaalaha uu ka helo shaqadiisa oo bishii ah $180 ayuu ku maareeya nolosha qoyskiisa oo toddobo qof ah. Ninkan waxaa warshadda kala shaqeeya 60 rag ah oo 40 ay dhuxuleyn jireen dhirta.
“Waa naloo yimid waxaana nala yiri ‘dad iskaashato ah oo aan tababarno ayaan rabnaa oo dhirta Garanwaaga gurta. Wax-soo-saarna ka soo saarta, warshaddii iyo qalabkii dhuxusha lagu soo saari lahaa dad la siiyo ayaan rabnaa’ baa la yiri. Garanwaagaa naloo fasaxay inaan gurno oo aanan geedo kale ku leexanin, waana ka tanaasulay dhirtii aan xaalufinayay,” ayuu yiri.
Khadar wuxuu ka mid ahaa koox toddobo qof ka kooban oo maalintii goyn jiray ugu yaraan shan-geed oo nooca waawayn ah sida quraca, maraaga iyo galoolka si ay u dhuxuleystaan.
Toddobaadkii ayuu tilmaamay inay ku soo aadi jirtay lacag dhan $20 oo qayb ka ahayd dhaqaalaha ay kooxdiisa ka heli jirtay dhuxusha.
Khadar oo ku howlanaa jaridda dhirta muddo shan sano ah wuxuu xusay in ay duruuftu ku qasabtay, maaddaama 80 ari oo uu ku dhaqanayay miyiga deegaanka Qabri-bayax ee gobolka Qorraxay ay ka dishay abaartii sanadkii 2016.
“Nin aqoon yaqaanna ma aanan ahayn, nin xoolo ku koray baan ahaa. Xoolihii markay iga dhamaadeen dhirta baan nacfigaygii iyo wax-soo-saarkaba u galay,” ayuu yiri.
Intii uu ku jiray xabsiga waxaa qoyskiisa dhinaca cunnada iyo hoyga ka taageeri jiray walaalkii oo deggan degmada Qabri-dahar, kaas oo uu kala sii ballamay nolosha qoyskiisa.
Sanadihii uu ku howlanaa xaalufka dhirta ayuu sheegay in isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay ay ku dhuumaaleysan jireen miyiga isla markaana ay ku adkayd in qoyskiisa uu waqti la qaato, maaddaama ay dabagal ku hayn jireen ciidamada deegaanka ee ka hortaga jaridda-dhirta.
Abshir Xiis Xuseen oo hogaamiya kooxda ka shaqeyneysa warshadda Cali-garoobka u beddesha dhuxusha, wuxuu sheegay in farsamada soo-saarista dhuxusha ay ka caawiyaan labo injineer oo wasaaradda deegaanka ay u keentay.
Abshir ayaa xusay in toddobaadkii ay soo saaraan in ka badan 100 kiish oo dhuxul ah. Waxay u suuq-geeyaan dagmooyinka Shillaabo iyo Qabri-dahar. Dhuxusha ay soo saarto warshadda ayay kiishkii ku iibiyaan $8, taas oo qiimo ahaan ka jaban midda laga shido dhirta la xaalufiyo oo halkeedii kiish uu $12.
Dhaqaalaha ka soo xarooda wax-soo-saarka warshadda ayuu sheegay inay ku bixiyaan mushaarka shaqaalaha, shidaalka matoorka warshadda uu ku shaqeeyo iyo dayactirkeeda.
Muxsin Cabdirashiid Cali, wuxuu in ka badan toban sano ku howlanaa jaridda dhirta, balse xubno ka tirsan maamulka magaalada Qabri-dahar ayaa ku qanciyay joojinta xaalufka dhirta. Wuxuu ka shaqeeyaa warsahadda dhuxusha, wuxuuna bishii mushaar ahaan u qaataa $180 oo ku dabbaro nolosha qoyskiisa oo 6 qof ah.
Muxsin wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in caqabadihii uu kala kulmi jiray xaalufinta dhirta uu ka nastay. Ninkan oo ka mid ahaa koox dhirta jarta wuxuu sheegay in maalintii ay dhirta goyn jireen habeenkiina ay gubi jireen si ay dhuxul uga soo saaraan.
Dadaallada lagu ilaalinayo dhirta deegaanka, laguna yaraynayo geedka Garanwaaga oo ku badan gobolka Qorraxay ayay qeyb ka tahay hirgelinta warshadda.











