(ERGO) – Hab-nololeedka qoyska Saynab Maxamuud Ibraahim oo danyar ahaa ayaa isbeddeshay markii ay furatay dukaan yar oo ay ku iibiso dhar iyo macuun, kaas oo ku yaalla albaabka gurigeeda ee degmada Boondheere. Waxaa furashada dukaanka ka caawiyay dhaqaale ay ka heshay koox haween ah oo ismaal-geliya.
“Ganacasigaan wuxuu nagu soo kordhiyay inaan ilmahayga iskuulka ka baxsan karo, jaamacadda kuwa dhigtana aan ka baxsan karo. Aniga ahaan waxaan bartay far-Soomaali, wax kasta waan akhrin karaa, magaceyga waan qori karaa, wax waan saxiixan karaa. Xisaabta waan bartay, hawshu way ii fududdahay,” ayay tiri.
Saynab oo 60 jir ah, waxay qaban jirtay shaqooyinka nadaafadda, ka hor inta aysan ku biirin mashruuc ay waddo hay’adda Youthlink ee Soomaaliya oo tageero dhaqaale ka heleysa hay’adda Concern Worldwide. Waxay ka mid tahay 300 oo haween sabool ah oo hoggaan u ah qoysaskooda, kuwaas oo laga soo xulay degmooyinka Boondheere, Karaan iyo Wadajir. Soo-xulista haweenka waxaa lala kaashaday odayaasha iyo maamullada degmooyinka ay ka soo jeedaan, waxaana la isugu xiray koox koox min toban qof ah. Hay’adda Youthlink ayaa haweenka uga furtay bankiyada dalka akoono si koox koox ah ay lacag ugu dhigaaleysan karaan, waxayna siisay lacag ay ku billaabaan ganacsiyo.
“Markii ay arkeen inaan shaqeysaneyno lacag $1,500 ah ayaa na loogu daray lacagtii horay na loo siiyay. Deyn ayaan qaadannaa, awal deyn qof nama siinaynin. Awalkii hore hal waqti ayaan shidaneynay haddana waxaan nahay dad dabkoodu shidan yahay saddex waqti,” ayay tiri.
Saynab ayaa sheegtay in shaqadan ka hor ay deriskeeda ka barin jirtay lacagta iskuulka ee saddex carruurteeda ah, balse ay hadda iyada iska bixiso. Qoyskeeda ayay ka soo rartay aqal cooshad ah oo ay ku noolaayeen bishii Nofeembar ee 2021-ka, waxayna hadda deggan yihiin guri kiro ah oo ku yaalla degmada Boondheere.
Hay’adda Youthlink oo ka howl-gasha gobolka Banaadir waxay billowday dalladaan iskaashatada haweenka sanadkii 2012-ka, waxayna tan iyo xilligaas caawiyeen 600 oo haween ah. Hay’adda ayaa akoonnada ay u furtay ugu shubta haweenka lacag $1,500 ah oo ay tobankiiba ay gaar u wadaagto.
Haweenka ayaa ka tashada nooca ganacsiga ay ku billaabi karaan lacagta. Waxay hadba sida ay isku afgartaan bankiga ugala baxaan lacag yar oo ay ganacsi qof qof ah ama si koox ah ugu billaabaan. Haweenka ayaa lacagta ay la soo baxaan dib ka guda iyagoo isticmaalaya faa’iidada ay ganacsiga ka helaan. Hay’addu waxay dhaq-dhaqaaqa akoonnada ula socotaa si online ah, waxayna haweenka ugu kordhiyaan $1,500 oo dhigaal dheeraad ah, marka ay arkaan inay si fiican howsha u wadaan.
Sahra Jeelle Axmed waxay ka mid tahay haween mashruucaan qeyb ka noqday sanadkii 2013. Iyada iyo kooxdeeda waxay tababar ku jireen muddo sanad ah, waxaase hadda u furan dukaan ay ku iibiso khudaarta iyo raashinka. Waxaa wali u socda tababar ku saabsan sida ganacsiga loo kobciyo iyo barashada qoraalka.
“Waxaa nala baray sida dadka loola dhaqmo, sida loola macaamilo, sida walaalkaa loo caawiyo. Tusaale ahaan qof baa tiri ijaarka guriga waan bixin wayay ama cunug ayaa iga jirran. Qofkaas markuu noo soo cabaado gabdhaha waa la wada wacaa, waa la fariisanaa. Annagoo raalli ah lacagaan u soo bixineynaa waan dayminaynaa, sidaas ayaan isku kaafinnaa annaga,” ayay sharraxday Sahra oo ganacsigeeda ka hesha $7 oo faa’iido ah maalinkii.
Sahra ayaa sheegtay in bixinta lacagta waxbarashada carruurteeda ay iyada iska bixiso, wax culeys ahna aysan ku hayn. Waxay sheegtay inay sidoo kale qoyskeeda u kireysay guri ka kooban saddex qol, oo ay bishii ka bixiso $150.
Maka Maxamuud Sanay oo ka mid ah kooxdii ugu horreysay ee mashruuca lagu billaabay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lagu boorrin jiray inay sameystaan dhigaal 20,000 oo shillin Soomaali ah Jimco walba.
“Waxaan iska ahayn xoogsato guryo xaaqid iyo dhar dhaqid in la aado mooyee, si kale wax kuma heleynin. Qof xoolo haysata inay ganacsan karto leen u maleyn jirnay, wixiinna yar waad ku ganacsan kartaan maba nagu jirin,” ayay tiri.
Maka ayaa sheegtay inay qiirooto marka ay xusuusato duruurfihii nololeed ee haystay qoyskeeda.
“Wax keyd la yiraahdo ayaa nala baray, keydkana awal anaga ma aqoonin. Waxaa nala yiri maanta haddii labo doollar ay ku soo gasho, hal suuqa ku aad, halna meel dhigo. Annaga wixii aan helno suuqa ayaan la aadi jirnay,” ayay tiri Maka oo gurigeeda ku dhex iibisa joodariyo iyo shumaca guryaha la dhigto.











