(ERGO) – Cabdullaahi Maxamuud Tiifow oo 50 jir ah, tan iyo markii ay doontiisa ka burburisay dabeyl xooggan oo ka dhacday xeebaha Muqdisho, wuxuu nolol-maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah ku raadiyaa inuu hoos u quuso badda si uu u soo dabto kalluun iyo aargoosato.
Wuxuu badda galaa subax walba, wuxuuna la soo baxaa labo ilaa saddex kiilo oo isugu jira kalluun iyo aargoosato. Wuxuu u iibgeeyaa suuqa kalluunka ee degmada Xamarweyne oo uu ka soo helo lacag dhan $10. Lacagtan ayaa u goysa qoyskiisa cunto ay hal mar karsadaan maalinkii. Halista uu ka maro quusitaanka ayaa ah mid aan la barbardhigi karin lacagta yar ee uu helo.
Saddex mar ayuu sheegay inuu ku sigtay dhimasho kaddib markii uu is xiray ogsijiinkii uu adeegsanayay, isagoo biyaha 50 mitir hoos ugu jira.
“Badda lugteenna ayaan ku galnaa, iyada ayaan ku dabaalannaa isla iyada ayaan uga soo baxnaa. Badda waxa aan ka helo waa alyoom ma ahane wax inta aad ka soo dhufsato maanta meel kugu dhacaya ma aha. Sababtuna waa in aanan haysan wax qalab ah oo aan wax ku soo saaranno oo fiican sida waddamada horumaray,” ayuu yiri.
Cabdullaahi iyo saddex kale oo kalluumeysato ah ayaa isku darsaday lacag dhan $4,000, waxayna ku soo iibsadeen doon ay badda uga kalluumeystaan 2017-kii, balse dabeylo ka dhacay badda ayaa ka burburiyay doontooda 2019-kii. Markii uu doonta ku kalluumeysan jiray dhaqaale fiican ayuu heli jiray. Wuxuu xusay in xilligaas uu xitaa reerkiisa u dhisay guriga ay ku jiraan.
Labo ka tirsan asxaabtiisa oo ay sanado badan isla kalluumeysanayeen ayuu sheegay in bishii Abriil ee 2020-kii ay badda ku dhinteen kaddib markii ay ogsijiintooda shaqeyn weysay.
Cabdullaahi oo muddo 21 sano ah badda ka kalluumeysanayay ayaa sheegay in quusitaanka ay tahay mid halis ah, balse uusan heysan shaqo kale oo uu nolosha reerkiisa ka maareyo.
Saddex boqol oo qof oo isugu jira dhallinyaro iyo dad waaweyn ayaa halis naftooda u galiya si ay nolol-maalmeedkooda uga raadiyaan xeebaha ku teedsan Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe. Kallumeysatadan ayaan heysan doonyo. Waxay badankood sheegeen in aysan heysan ilo-dhaqaale oo kale oo ay qoysaskooda ka biilaan.
Maxamed Xassan Maxamuud oo aabbihiisa uu ahaa kallumeyste, balse hadda howlgab ah, wuxuu quusitaanka billaabay saddex sano ka hor. Qoyskiisa oo ka kooban afar qof ayaa ku tiirsan shaqadan uu qabto. Wuxuu maalinkii soo helaa $8 ilaa $10, taasi oo ay reerka ku iibsadaan cunto, sidoo kalena ay isaga bixiyaan kirada guriga.
“Magaalada shaqo kale oo aan qabanno ma leh anagana waxaan balwad weeye, yaraanteennii ayaan barannay dheefna waan ka heli jirnay. Laakiin hadda waxba kama soo saarno, shamaag weyn ma dhigi karno, mid yar oo lala dabaalan karo waaye. Ilaahay ayaan ku tawakalnaa wixii uu naga siiyo,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha Iskaashatada Dan Kulmis, Xaaji Kaamil Maki Aweys ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadba sanadka ka dambeya ay sii kordheyso tirada dhallinyarada ku dhimanaysa badda ee quusayaasha ah. Wuxuu xusay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay ku dhinteen badda lix qof kaddib markii uu u shaqeyn waayay ogsijiinkii u xirnaa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabka ay xirtaan la iibiyo $450, taasina ay keentay in kalluumeysatada qaar ee aan iibsan karin ay qaataan kuwo halleysan oo naftooda halis galinaya. Iskaashatada Dan Kulmis ayaa kalluumeysatada ku wacyigelisa in aysan ku fogaan badda xilliyada ay xun tahay, balse, kalluumeysatada qaar ayaan dhaqangalin arrintan.











