Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoogsato ay doon-la’aantu bidday inay qaab quusid ah u kalluumeystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
February 15, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news

Maxamed Xasan (midig) iyo saaxiibkiis oo ku sugan xeebta degmada Kaaraan/Rijaal Cabdi Maxamed/Ergo

7
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Maxamuud Tiifow oo 50 jir ah, tan iyo markii ay doontiisa ka burburisay dabeyl xooggan oo ka dhacday xeebaha Muqdisho, wuxuu nolol-maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah ku raadiyaa inuu hoos u quuso badda si uu u soo dabto kalluun iyo aargoosato.

Wuxuu badda galaa subax walba, wuxuuna la soo baxaa labo ilaa saddex kiilo oo isugu jira kalluun iyo aargoosato. Wuxuu u iibgeeyaa suuqa kalluunka ee degmada Xamarweyne oo uu ka soo helo lacag dhan $10. Lacagtan ayaa u goysa qoyskiisa cunto ay hal mar karsadaan maalinkii. Halista uu ka maro quusitaanka ayaa ah mid aan la barbardhigi karin lacagta yar ee uu helo.

Saddex mar ayuu sheegay inuu ku sigtay dhimasho kaddib markii uu is xiray ogsijiinkii uu adeegsanayay, isagoo biyaha 50 mitir hoos ugu jira.

“Badda lugteenna ayaan ku galnaa, iyada ayaan ku dabaalannaa isla iyada ayaan uga soo baxnaa. Badda waxa aan ka helo waa alyoom ma ahane wax inta aad ka soo dhufsato maanta meel kugu dhacaya ma aha. Sababtuna waa in aanan haysan wax qalab ah oo aan wax ku soo saaranno oo fiican sida waddamada horumaray,” ayuu yiri.

Cabdullaahi iyo saddex kale oo kalluumeysato ah ayaa isku darsaday lacag dhan $4,000, waxayna ku soo iibsadeen doon ay badda uga kalluumeystaan 2017-kii, balse dabeylo ka dhacay badda ayaa ka burburiyay doontooda 2019-kii. Markii uu doonta ku kalluumeysan jiray dhaqaale fiican ayuu heli jiray. Wuxuu xusay in xilligaas uu xitaa reerkiisa u dhisay guriga ay ku jiraan.

Labo ka tirsan asxaabtiisa oo ay sanado badan isla kalluumeysanayeen ayuu sheegay in bishii Abriil ee 2020-kii ay badda ku dhinteen kaddib markii ay ogsijiintooda shaqeyn weysay.

Cabdullaahi oo muddo 21 sano ah badda ka kalluumeysanayay ayaa sheegay in quusitaanka ay tahay mid halis ah, balse uusan heysan shaqo kale oo uu nolosha reerkiisa ka maareyo.

Saddex boqol oo qof oo isugu jira dhallinyaro iyo dad waaweyn ayaa halis naftooda u galiya si ay nolol-maalmeedkooda uga raadiyaan xeebaha ku teedsan Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe. Kallumeysatadan ayaan heysan doonyo. Waxay badankood sheegeen in aysan heysan ilo-dhaqaale oo kale oo ay qoysaskooda ka biilaan.

Maxamed Xassan Maxamuud oo aabbihiisa uu ahaa kallumeyste, balse hadda howlgab ah, wuxuu quusitaanka billaabay saddex sano ka hor. Qoyskiisa oo ka kooban afar qof ayaa ku tiirsan shaqadan uu qabto. Wuxuu maalinkii soo helaa $8 ilaa $10, taasi oo ay reerka ku iibsadaan cunto, sidoo kalena ay isaga bixiyaan kirada guriga.

“Magaalada shaqo kale oo aan qabanno ma leh anagana waxaan balwad weeye, yaraanteennii ayaan barannay dheefna waan ka heli jirnay. Laakiin hadda waxba kama soo saarno, shamaag weyn ma dhigi karno, mid yar oo lala dabaalan karo waaye. Ilaahay ayaan ku tawakalnaa wixii uu naga siiyo,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Iskaashatada Dan Kulmis, Xaaji Kaamil Maki Aweys ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadba sanadka ka dambeya ay sii kordheyso tirada dhallinyarada ku dhimanaysa badda ee quusayaasha ah. Wuxuu xusay in saddexdii bil ee la soo dhaafay ay ku dhinteen badda lix qof kaddib markii uu u shaqeyn waayay ogsijiinkii u xirnaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabka ay xirtaan la iibiyo $450, taasina ay keentay in kalluumeysatada qaar ee aan iibsan karin ay qaataan kuwo halleysan oo naftooda halis galinaya. Iskaashatada Dan Kulmis ayaa kalluumeysatada ku wacyigelisa in aysan ku fogaan badda xilliyada ay xun tahay, balse, kalluumeysatada qaar ayaan dhaqangalin arrintan.

Previous Post

Adeegtooyin miyiga uga imaanaya si ay qoysaskooda uga samatabixiyaan abaarta

Next Post

Haween koox koox isu kaashada oo ganacsiyo ka furtay Muqdisho

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio ergo news, Humanitarian news, Somali live news

Haween koox koox isu kaashada oo ganacsiyo ka furtay Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo