Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Adeegtooyin miyiga uga imaanaya si ay qoysaskooda uga samatabixiyaan abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
February 14, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news, Drought, Somali news

Keydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Cabdullaahi Xuseen oo 21 jir ah waa qofka keliya ee uu qoyskeeda ku tiirsan yahay hadda. Waxay ka shaqeysaa maqaayad yar oo ku taalla magaalada Cadaado, halkaas oo ay bishii ka qaadato $60. Lacagta bisha ay qaadato waxay u dirtaa qoyskeeda oo ay abaarta saameysay oo ku nool tuulada Gaal-yeel.

“Lacagaha aan ka helo meeshan aan ka shaqeeyo xitaa kama reebto wax aniga maryo ama labbis aan ku gato. Aniga meesha aan seexdo iyo cuntadayda waxaa qabta islaanta aan u shaqeeyo. Lacagtaas cidda un baan wax ugu iibiyaa ma ahane aniga waxba meel kama dhigto,” ayay tiri.

Faadumo ayay labadeeda waalid ka codsadeen in magaalada ay uga soo shaqeyso si ay uga samata-bixiso xaaladda cunno-xumo. Qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof ayaa loo diiday inay raashinka ka qaataan dukaamadii ay ka soo daynsan jireen, kaddib markii lagu yeeshay $800 muddo sanad ah. Waxay awoodi waayeen inay raashin hal waqti ah karsadaan maaddaama 80 neef oo ari ah oo uga haray 200 oo nee foo ay tuulada ku dhaqanayeen ay suuq u waayeen.

“Nolosha qoyskeenna billihii la soo dhaafay way ka sii dareysay. Taasina waxay sababtay in waaliddiintayda ay aniga magaalada ii soo diraan, maaddaama qof kaloo iga roon uusan jirin,” ayay tiri.

Faadumo waxay shaqada heshay bishii Jannaayo ee sanadkan. Qof qarabadeeda ah ayaa ku xiray shirkad ay maamulaan gabdho isku xira shaqodoonka iyo loo-shaqeeyaha oo ka howlgasha Cadaado. Mushaarkii ay bishii koowaad qaadatay waxay qoyskeeda ugu iibisay 25 kg oo isugu jira bur, bariis iyo sokor oo ay karsadan saddexda waqti.

Hormuudka shirkadda, Nimco Maxamuud Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay qaabileen 112 dumar ah oo u badan gabdho ka yimid miyiga Galmudug.

Naciimo ayaa sheegtay in qofka marka ay shaqada u helaan ay $3 ka goostaan mushaarkiisa ugu horreeya. Waxay xustay in shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha ay ku heshiiyaan lacagta inta aysan shaqadu billaaban, ayna isku afgartaan nooca shaqada iyo saacadaha. Dadka miyiga ka yimaada ayay tilmaantay inay fahansiiyaan shaqooyinka qaar ee ku cusub.

“Farqi wayn ayaa u dhaxeeya dadka magaalada jooga iyo kuwa baadiyaha ka imaanaya. Waxaa laga yaabaa saaka markaad qof shaqo geynayso in qofkaas uusan xirfad badan u lahayn waxyaabaha xaafadda laga isticmaalayo oo kale, marka sidaa darteed ayaan u tababarnaa,” ayay tiri.

Maryamo Daahir Cali oo 19 jir ah waxay tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafay u shaqeyneysaa qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Cadaado. Waxay bishii qaadataa $80. Lacagtaas ayay u dirtaa hooyadeed iyo lix walaalaheed ah oo agoon ah, kuwaas oo ay ka soo rartay tuuladii ay ku noolaayeen oo 55 km u jirta magaalada. Waxay aqal ka dhisteen meel magaalada ka yara durugsan oo 10 km u jirta.

“Qof shaqaale ah waa la iska dareemi karaa, sidii dameerkii ayaa loogu shaqaynaa, maanta oo dhan waxaa la leeyahay ha fariisan, salka dhulka ha dhigin,” ayay tiri.

Maryamo ayaa sheegtay in hooyadeed ay ku dhiirrigelisay inay magaalada ka soo shaqeyso, markii ay maqashay inay jiraan gabdho tuulada ka tagay oo reerkooda soo biila. Waxay tilmaantay inay wadi doonto shaqada ilaa laga baxayo abaarta hadda taagan. Qoyskeeda waxay abaarta ka dishay 130 neef oo ari ah.

Previous Post

Kororka kirada guryaha oo qoysas badan oo sabool ah ku khasabtay inay degaan bannaanka Muqdisho

Next Post

Xoogsato ay doon-la’aantu bidday inay qaab quusid ah u kalluumeystaan

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news

Xoogsato ay doon-la’aantu bidday inay qaab quusid ah u kalluumeystaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo