(ERGO) – Faadumo Cabdullaahi Xuseen oo 21 jir ah waa qofka keliya ee uu qoyskeeda ku tiirsan yahay hadda. Waxay ka shaqeysaa maqaayad yar oo ku taalla magaalada Cadaado, halkaas oo ay bishii ka qaadato $60. Lacagta bisha ay qaadato waxay u dirtaa qoyskeeda oo ay abaarta saameysay oo ku nool tuulada Gaal-yeel.
“Lacagaha aan ka helo meeshan aan ka shaqeeyo xitaa kama reebto wax aniga maryo ama labbis aan ku gato. Aniga meesha aan seexdo iyo cuntadayda waxaa qabta islaanta aan u shaqeeyo. Lacagtaas cidda un baan wax ugu iibiyaa ma ahane aniga waxba meel kama dhigto,” ayay tiri.
Faadumo ayay labadeeda waalid ka codsadeen in magaalada ay uga soo shaqeyso si ay uga samata-bixiso xaaladda cunno-xumo. Qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof ayaa loo diiday inay raashinka ka qaataan dukaamadii ay ka soo daynsan jireen, kaddib markii lagu yeeshay $800 muddo sanad ah. Waxay awoodi waayeen inay raashin hal waqti ah karsadaan maaddaama 80 neef oo ari ah oo uga haray 200 oo nee foo ay tuulada ku dhaqanayeen ay suuq u waayeen.
“Nolosha qoyskeenna billihii la soo dhaafay way ka sii dareysay. Taasina waxay sababtay in waaliddiintayda ay aniga magaalada ii soo diraan, maaddaama qof kaloo iga roon uusan jirin,” ayay tiri.
Faadumo waxay shaqada heshay bishii Jannaayo ee sanadkan. Qof qarabadeeda ah ayaa ku xiray shirkad ay maamulaan gabdho isku xira shaqodoonka iyo loo-shaqeeyaha oo ka howlgasha Cadaado. Mushaarkii ay bishii koowaad qaadatay waxay qoyskeeda ugu iibisay 25 kg oo isugu jira bur, bariis iyo sokor oo ay karsadan saddexda waqti.
Hormuudka shirkadda, Nimco Maxamuud Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay qaabileen 112 dumar ah oo u badan gabdho ka yimid miyiga Galmudug.
Naciimo ayaa sheegtay in qofka marka ay shaqada u helaan ay $3 ka goostaan mushaarkiisa ugu horreeya. Waxay xustay in shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha ay ku heshiiyaan lacagta inta aysan shaqadu billaaban, ayna isku afgartaan nooca shaqada iyo saacadaha. Dadka miyiga ka yimaada ayay tilmaantay inay fahansiiyaan shaqooyinka qaar ee ku cusub.
“Farqi wayn ayaa u dhaxeeya dadka magaalada jooga iyo kuwa baadiyaha ka imaanaya. Waxaa laga yaabaa saaka markaad qof shaqo geynayso in qofkaas uusan xirfad badan u lahayn waxyaabaha xaafadda laga isticmaalayo oo kale, marka sidaa darteed ayaan u tababarnaa,” ayay tiri.
Maryamo Daahir Cali oo 19 jir ah waxay tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafay u shaqeyneysaa qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Cadaado. Waxay bishii qaadataa $80. Lacagtaas ayay u dirtaa hooyadeed iyo lix walaalaheed ah oo agoon ah, kuwaas oo ay ka soo rartay tuuladii ay ku noolaayeen oo 55 km u jirta magaalada. Waxay aqal ka dhisteen meel magaalada ka yara durugsan oo 10 km u jirta.
“Qof shaqaale ah waa la iska dareemi karaa, sidii dameerkii ayaa loogu shaqaynaa, maanta oo dhan waxaa la leeyahay ha fariisan, salka dhulka ha dhigin,” ayay tiri.
Maryamo ayaa sheegtay in hooyadeed ay ku dhiirrigelisay inay magaalada ka soo shaqeyso, markii ay maqashay inay jiraan gabdho tuulada ka tagay oo reerkooda soo biila. Waxay tilmaantay inay wadi doonto shaqada ilaa laga baxayo abaarta hadda taagan. Qoyskeeda waxay abaarta ka dishay 130 neef oo ari ah.











