(ERGO) – Sakariye Barre Maxamuud wuxuu kireystay labo qol oo jiingad ah oo ku yaalla xaafadda Bangala ee degmada Deyniile. Wuxuu bishii Oktoobar ee sanadkii 2021-kii ka soo guuray degmada Hodan, kaddib markii ay kirada guryaha qaaliyoobeen.
Ninkan wuxuu gurigiisa ka kallahaa toban saac oo habeennimo maaddaama aysan gaadiidka dadweynaha ka shaqeynin xaafadda Bangala. Wuxuu lugeeyaa 40 daqiiqo si uu u gaaro goobtiisa shaqada oo ah maqaayad ku taalla Soobe.
Labo ka tirsan carruurtiisa oo dhiganayay fasalka koowaad ee dugsiga dowladda ee Dhagaxtuur ayaa guri-joog noqday tan iyo bishii ay soo guureen, maaddaama iskuullada u dhow ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay oo uusan awoodin lacagtooda.
“Labada dhibaato oo aan la kulmay waa in carruurta ay waxbarasho-la’aan iga noqdeen iyo inay igu dheeraatay goobta shaqadayda. Waxay noqotay inaan soo baxo xilli habeenkii dambe oo aysan socon gaadiidka dadweynaha. Sidaad ogtahay, tuugada xilliyaddaas waa halis, waa inaad wadataa wixii aad isaga celin lahayd, qalabkaaga,” ayuu yiri.
Sakariye wuxuu maalinkii maqaayadda ka qaataa lix doollar. Kirada gurigii uu ku noolaa ee degmada Hodan oo bartanka magaalada ah ayaa gaartay $120 bishii. Wuxuu hadda guriga ku kireystay $30.
Ninkan oo degmada Hodan ku noolaa tan iyo 2010-kii ayaa sheegay in uusan arkin sare-u-kac noocaas ah. Wuxuu xusay in dadka ay guriga ka kireysteen ay lacagta in yar ku kordhinayeen sanad walba.
“Markii hore lacago yar yar ayay naga qaadayeen, markii dambe oo dadkii magaalada ay ku soo bateenna way nagu dallaceen, waxayna nooga dhigeen labo jibbaar intii markii hore aan bixin jirnay,” ayuu yiri Sakariye oo guriga uu ka guuray ay ugu dhalatay saddex carruur ah.
Kirada oo labadii sano ee la soo dhaafay kordhaysay degmooyinka Muqdisho qaar ayaa ku khasabtay qoysas sanado badan ku noolaa degmooyinka bartamaha magaalada inay u guuraan bannaanka Muqdisho. Degmooyinka ay guryahooda qaaliyoobeen waxaa ku jira Waaberi, Hodan, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Wadajir, Wardhiigley (Warta-nabadda), Boondheere iyo Shangaani.
Cabdullaahi Maxamuud Dhuubow oo 22 jir ah wuxuu ka haray jaamacadda Ummadda oo uu dhiganayay si uu aabbihiis uga caawiyo biilka guriga. Wuxuu ku shaqeeyaa bajaaj uu soo kireystay.
Cabdullaahi oo ku jiray sanadka labaad ee kulliyada sharciga wuxuu waxbarashada ka haray bishii Abriil ee 2021-ka, markaas oo qoyskiisa uu ka guuray degmada Wadajir oo u dhoweyd jaamacadda. Lacagta kirada ee gurigii ay degganaayeen ayaa gaartay $300 bishii. Waxay hadda guri ka kireysteen xaafadda Gubadley ee degmada Kaaraan, waxayna bishii kiro u bixiyaan $40.
Aabbihiisa wuxuu wade ka yahay gawaarida dadweynaha, wuxuuna maalinkii helaa afar dollar, taas oo aan ku filnayn biilka reerka iyo kirada guriga ay deggan yihiin.
Xuseen Cabdullaahi Xasan oo ah injineer guryaha ka dhisa caasimadda ayaa sheegay in sababta keentay in kirada guryaha ay qaali noqoto ay tahay dadka oo isugu tagaya degmooyinka qaar sababo la xiriira amniga dartood.
Wuxuu sheegay sidoo kale in dowladda aysan la imaan qorshe lagu xakameynayo ama lagu jaangoynayo qiimaha kirada ee guryaha ku yaalla magaalada, milkiileyaashuna sida ay rabaan iyo goorta ay doonaan ayay kordhiyaan kirada.
Xuseen ayaa xusay in degmooyinka qaar lagu deggen yahay halkii qol $150, meelahaas oo ay hadda ku soo hareen dadka dhaqaalaha haysta.











