Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ay abaartu ka leysay xoolihii ay la soo hayaameen oo ku biiraya xeryaha Doolow

Radio Ergo by Radio Ergo
February 11, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo, Somali live news, Humanitarian news

Cabdi Guhaad Axmed oo weriyaha Raadiyow Ergo Maxamuud Cabdirashiid tusaya sida ay wasaq u yihiin biyaha ay webiga ka soo dhaansadaan /Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Guhaad Axmed oo 62 jir ah ma uusan filayn inuu ku biiri doono xero barakac ah markii uu ka soo hayaamayay tuulada Karban ee gobolka Gedo bishii Oktoobar ee 2021-ka. Wuxuu la soo hayaamay qoyskiisa oo ka kooban sagaal carruur ah, kaddib markii ay abaarta ka laysay 300 oo ari ah iyo 30 neef oo geel ah. Rajadiisu waxay ahayd inuu bad-baadsado xoolihii u soo haray markii uu usoo hayaamayay degmada Doolow.

Balse, boqollaal qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa isugu tagay baad yar oo laga helay degmada Doolow, taas oo keentay inuu durba ka dhamaado.

Cabdi waxaa ka dhintay 70 neef oo ari ah oo uga soo haray xoolihiisa bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay. Arrintaas ayaa horseedday in qoyskiisa uu kula biiro xerada barakaca ee Qurdhubey oo ay hadda ku haysato hoy-xumo, cunto-yari iyo biyaha ay heli karaan aan nadiif ahayn.

“Duruuf ayaa i haysata, meel aan uga dhaqaaqana ma leh, meelaan dib ugu noqdana ma laha. Ma gaari karo meeshii aan ka imid, haddii aan ku laabto lafteeda wax nolol ah oo iga dambeysa ma jiraan,” ayuu yiri Cabdi oo markiisii ugu horreysay barakac noqday.

Waxaa hoy u ah aqal uu ka sameeyay ulo uu ka soo goostay geedka Cali-garoobka iyo teendho dhamaad ah oo uu kala yimid deegaankiisa.

Cabdi wuxuu tilmaamay in noloshooda ay ku tiirsan tahay shaqo beer-falid ah oo isaga, xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood ay si wadajir ah u qabtaan. Waxay helaan maalinkii ay beerta soo falaan 100 bir oo u dhiganta $1.5, taas oo ay ku soo iibsadaan raashin ay maalinkii halmar karsadaan.

Xaliimo Maxamed Sheekh oo ah hooyada toddobo carruur ah oo agoon ah ayaa sidoo kale ku biirtay xerada Qurdhubey, markii ay abaarta uga dhamaadeen xoolaheedii. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay inay biyaha ka soo aroortaan webiga Jubba oo labo kiilo mitir u jira. Balse, biyahan ayay sheegtay inay yihiin kuwo aan nadiif ahayn oo dhoobo ah.

“Wixii dhabarka lagu soo dhaamiyaa waaba dhoobo sideeda ah oo iska fadhida. Waxba laguma karsan karo, laguma weysaqaadan karo, laguma waji dhaqan karo. Habeen dhoweeto ayaa gabadhii reerka u rooneyd oo soo dartay biyo ayaan iri ‘hooyo shaah noo kari’, ‘biyihii saan waaye’ ayay tiri; biyihii carro waaye. Raashinkii habeenkii waan ka qadnay,” ayay tiri.

Xaliimo oo 56 jir ah waxay ka soo guurtay miyiga tuulada Diidacanaani oo hoostagta gobolka Afdheer kaddib markii ay abaarta uga la’deen 35 neef oo ari ah.

Qoyskeeda ayaa hadda ku tiirsan lacag yar oo ay ka hesho xaabo ay duurka ka soo uruuriso.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Doolow, Aadan Barre Cali oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in qoysaskan ku nool Qurdhubey ay yihiin xoolo-dhaqato abaar uga soo guuray gobollada Bakool, Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo qeybo gobolka Gedo ah, kuwaas oo xoolihii ay la soo guureen ay ka dhamaadeen. Wuxuu sheegay in maamulku uu ku caawiyay dhul bannaan oo ay dowladdu leedahay oo ay degaan. Wuxuu intaas ku daray in uusan jirin gargaar ay heleen, maamulkuna uusan u awoodin.

Aadan ayaa tilmaamay in tan iyo bishii Sebtember ee sanadkii hore ay soo gaarayeen Doolow qoysas kale oo xoolo-dhaqato ah. Wuxuu sheegay inay ku biireen xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada oo kala ah Kabaaso, Qansaxley iyo Qurdhubey.

Previous Post

Qalab dijitaal ah oo waxbarashada ka caawinaya ardayda qaxootiga ah ee deggan Dhadhaab

Next Post

Kororka kirada guryaha oo qoysas badan oo sabool ah ku khasabtay inay degaan bannaanka Muqdisho

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Houses in Somalia

Kororka kirada guryaha oo qoysas badan oo sabool ah ku khasabtay inay degaan bannaanka Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo