Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qalab dijitaal ah oo waxbarashada ka caawinaya ardayda qaxootiga ah ee deggan Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
February 10, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Daahir Mukhtaar Bashiir iyo ardayda kale ee ku nool xerada Xagardheer oo fasalka ku isticmaalaya aaladaha casriga ah (tablets) ku jira/Axmed Cabduullaahi/Ergo

20
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ardayda dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa billaabay in ay wax ku bartaan qalab cusub oo u sahlaya inay dhammaan maaddooyinka iskuulka u qaataan si maqal iyo muuqaal ah. Ardayda ayaa loo qeybiyay aalado casri ah (tablet) oo ay ku jiraan casharrada. Ardayda ayaa hadda loo tababarayaa isticmaalka aaladaha, waxaana loo oggolaan doonaa inay guryahooda u qaataan marka uu tababarka u dhamaado afar isbuuc kaddib.

Daahir Mukhtaar Bashiir oo ah 20 jir dhigta fasalka koowaad ee dugsiga sare ee Xagardheer, wuxuu ka mid yahay ardayda ka faa’idaysanaya qalabkan. Wuxuu sheegay in hadda uusan ka walwalin in macallinka uu sabuuradda ka tiro isaga oo aan dhameyn qoraalka casharka.

Wuxuu xusay in qalabka uu u fududeeyay waxbarashada, maaddaama uu horay isugu wadi jiray dhageysiga sharraxaadda macallinka iyo qoraalka casharka sabuuradda ku dhigan. Balse hadda, wuxuu waqtiga uu macallinka xiisadda ku jiro dhageystaa sharaxaadda oo keliya, kaddib ayuu casharka qortaa.

“Qalabkan keliya kuma tusayo cashar, [sidoo kale] wuu kuu fasirayaa. Waxaa kale oo uu ku tusayaa example [tusaale], taa ayaana keentay in aan wax ku fahanno. Wakhtigii aad doonto ayaad isticmaali kartaa,” ayuu yiri.

Daahir ayaa rejaynaya in qalabkan uu uga faa’ideysto ku ceshiga casharrada si uu natiijo fiican uga keeno imtixaannada ku soo socda.

Aaladahan waxaa qeybiyay hay’ad maxalli ah oo ka shaqeysa waxbarashada dhallinyarada qaxootiga ah (Refugee Youth Education Hub).

Aasaasaha hay’adda, Cabdullaahi Mire ayaa sheegay in aragtidan ay ku dhalatay xilligii iskuullada loo xiray ka hortagga faafista cudurka Koofid19, oo waxbarashada qaab ‘online’ ah lagu qaadanayay. Hay’adda UNHCR iyo deeq-bixiyeyaal ayaa ka caawiyay kharashka lacagta lagu soo iibiyay qalabkan iyo casharradii lagu shubay.

Cabdullaahi oo isaga naftiisa horay u ahaa qaxooti ku nool Dhadhaab, balse hadda dib-u-dejin ka helay dalka Norway ayaa sheegay inuu awooday keliya 500 oo aalad, kuwaas oo uu ugu deeqay ardayda ku jirta fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee Xagardheer. Hase yeeshee, wuxuu rajeynayaa in ardayda fasallada kale ay heli doonaan sanadaha soo socda.

Iqra Maxamed Cabdullaahi oo sidoo kale ah arday dhigata dugsiga sare ee Xagardheer ayaa u sheegtay weriyaha Raadiyow Ergo oo ku booqday iskuulkeeda xilli ay ku jirtay xiisadda Biology-ga in qalabkan uu si weyn u caawiyay.

Iqra oo 18 jir ah ayaa xustay inay hadda haysato waqti ku filan oo ay casharrada ku fahmi karto marka uu macallinka sharraxayo. Waxay tilmaantay in ay casharada dib ugu ceshan karto xilliyada ay firaaqada tahay.

“Markii hore macallinka 40-daqiiqo ayuu fasalka ku jiri jiray, laakiin kan mar Allaale wakhtigii aad u baahato ayaad isticmaali kartaa, haddaad rabto hal saac, haddaad rabto labo saac. Maaddooyinka Bay-oolajiga iyo Kimisteriga oo kale wakhtigoodu naguma filnayn,” ayay tiri.

Cabdullaahi wuxuu sidoo kale bishii Maarso ee 2020-kii ka hirgaliyay xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhagaxley saddex maktabad. Maktabadaha ayaa xirmay xilligii xayiraadaha Koofid19, waxayna dib u furmeen bishii Oktoobar ee 2021-ka. Waxaa wax ku akhrista dhallinyarada dugsiga sare ka baxay ee aanan helin waxbarasho jaamacadeed. Waxay buugaagta maktabadda u qaadan karaan guryahooda si ay u soo akhristan. Maktabadaha Ifo iyo Xagardheer waxaa yaalla 30,000 oo buug, halka tan Dhagaxley ay yaallaan 20,000 oo buug.

Previous Post

Xeryo ku yaalla Muqdisho oo laga hirgeliyay dugsiyo bixiya waxbarasho bilaash ah iyo quudin

Next Post

Qoysas ay abaartu ka leysay xoolihii ay la soo hayaameen oo ku biiraya xeryaha Doolow

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo, Somali live news, Humanitarian news

Qoysas ay abaartu ka leysay xoolihii ay la soo hayaameen oo ku biiraya xeryaha Doolow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo